Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Kulmiye diyaar u yahay Wada hadalka Arimaha doorashada balse aanay jirin Ballan rasmi ah oo dhex martay Mucaaradka, “Waxaa jirtay Inay Shalay Galabtii nala soo xidhiidheen Xisbiyada Mucaaradka oo ay Ballan noo qabteen laakiin, anagu waxaanu u soo jeedinay inay arintu degdeg tahay sidaas darteedna aanu Xisbi ahaan iska arkayno. Islamaanu meel dhigin Ajandaha Shirka iyo goobta lagu kulmayo midna.waxay xalay soo saareen Eedayn ah inaanu kaga baxnay Ballan” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.Gudoomiyaha oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay inay Wada Hadalka diyaar u Yihiin xisbi ahaan, “ Xisbiga Kulmiye waxa uu Umadda u caddaynayaa inuu diyaar u yahay Wada hadalka.waxa uu Kulmiye isagoo danaynaya Maslaxadda Umadda, In Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo iyo In Asxaabta taladoodu isku dhamaato in wada hadal lagu dhameeyo wixii jira”
Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa goor dambe oo xalay ahayd sheegay in Hogaanka Kulmiye Oo Xukumaddu u soo igmatay Wada hadal ku saabsan Muranka Diwaangalinta ay kaga baxeen Kulan ku dhex mari lahaa Hotelka Ambasador.
Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid, ayaa xalay shaaciyey inay baaba’day Ballan turxaan Bixin ahayd oo lagaga wada Hadli lahaa Muranka Ka taagan diiwaangelinta, waxana xukuumadda ku wehelinayey inay Ballantaas Baajiso Xisbigeeda Kulmiye, balse Kulmiye ayaa dhankiisa ku adkaystay inuu wada Hadalka Diyaar u yahay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment