Saturday, September 6, 2014

Xisbiga Wadani iyo Taageerayaal soo dhaweeyay Siyaasi Qurbo-joog ah oo isu-sharraxaya Doorashada Golaha Wakiillada

Hargeysa, 06 Sept, 2014 (Himilo)- Waxa shalay Magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo ka mid ah Qurbo-jooga Somaliland ee Carriga Maraykanka, gaar ahaan Guddoomiyaha guud ee Qurbo-jooga Beesha Toljecle ee waddankaas.
Caydaruus Maxamuud Yuusuf ayaa ka soo degay Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayo Gobolka maroodi-jeex ee xisbiga Waddani Saalax Muxumed Idiris (Shiine).
10656347_687616864661355_9168758_n“Waxaanu maanta (shalay) aad iyo aad ugu faraxsanahay inaanu halkan ku soo dhaweyno Muj. Caydaruus oo ah Guddoomiyaha Qurbo-jooga Beesha Axmed Sheekh isaxaaq,” sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Waddani Eng. Saalax Muxumad Idiris (Shiine).
Guddoomiye Shiine ayaa intaas ku daray inay soo dhaweyntani bilow u tahay qorshe taxane ah oo ay Xisbi ahaan ku soo dhaweynayaan Taageerayaasha Beeshaasi ee Xisbiga ku soo biiray iyo hogaamiyeyaashooda. “Howshani waxay bilow u tahay qorshe socda oo howluhu way dambeeyaan, laakiinse tan maanta aynu u taaganahay waa soo dhaweyn,”ayuu yidhi.
Xubno ku hadlayay afka Dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada Siyaasigani ka soo jeedo oo iyaguna ka hadlay munaasibada soo dhaweynta ayaa sheegay inay soo dhaweynta, kadib si rasmiya ugu biiri doonaan Xisbiga WADANI. “Waxaan soo dhaweynaynaa Guddoomiyaha qurbo-jooga Beesha Tol-jecle Siyaasi Caydaruus Maxamuud oo ah Musharaxa Beesha ee Xisbiga wadani ee Doorashooyinka Wakiillada” ayuu yidhi Yacquub Cabdilaahi Cumar oo ku hadlay Afka Dhalinyarada ka qayb-qaadanaysay qaabilada Siyaasigan.
Siyaasi Caydaruus Maxamuud Yuusuf oo hadlay soo dhaweynta loo sameeyay kaddib, ayaa u mahad celiyay guud ahaan dhinacayda ka qayb qaatay soo dhaweyntiisa,waxaanu si gaar ah ugu mahad naqay hogaanka Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisa.
“Waxaan u mahad naqayaa qof kasta oo ay maalin khayr badan tahay halkan u yimi aniga awgay” ayuu yidhi Muj. Caydaruus “ howshuna way sii socon doontaa,” ayuu sii raaciyay.
Siyaasigan oo sii hadlay wuxuu dareen ahaan qeexay waxa ay tahay xisbinimadu, “Xisbinimadu maaha wax afka uun laga yidhaahdo ee waa mabda’, waxaanan u sharaxanahay Musharax Golaha Wakiillada ah Xisbiga Wadani,”ayuu yidhi.
Siyaasi Caydaruus ayaa hore uga tirsanaa hormuudka Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay inuu u taagan yahay murashaxnimada doorashada golaha Wakiillada isla markaana uu iska dhex-sharrixi doono Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment