Xukuumadda iyo qaybo badan oo ka mid ah shacabka Caasimadda, ayaa todobaadyadii u dambeeyey ku jaah-wareersanaa Idaacadda FM-ta ah oo magaceeda la yidhaahdo BAADI-GOOB, taas oo xilliyada habeenkii laga dhegaysto gudaha Caasimadda, waxaanu wasiirka Warfaafintu qiray halista ay ammaanka ku leeyihiin Idaacadaha noocan ah ee sida sharci-darrada ah looga dhegaysto gudaha dalka, isaga oo ku mesaalay inay tusaale u noqon karto sida ay uga faa’idaysaan karaan dadka cadowga ah ammaanka iyo deggenaanshaha dalka oo uu xusay haddii aan laga hawl-gelin inay khal-khal gelin garaan ammaanka dalka.
Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo shalay warfidiyeennada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu ka war-hayo jiritaanka Idaacadda isla markaana laga dhegaysto qaybo ka mid ah xaafadaha Hargeysa, waxaanu masuuliyadda baadi-doonkeeda isaga riixayo ciidamada Ammaanka.Wasiirka oo la weydiiyey waxa ay xukuumad ahaan kala socdaan Idaacadda iyo qaabka ay uga hawl-galeen, ayaa yidhi, “Idaacaddaas dhowr qof oo kalena waan ka maqlay, maaha idaacad weyn oo muhiim ah oo meel fara-badan laga maqlay, waa idaacad xaafadaha Hargeysa meel ka mid ah uun laga maqlo, sida lay-sheegay. Baadhitaankeeda iyo daba-galkeeduna ciidamada Ammaanka, ayuu u yaallaa.”
“Haddii Idaacad noocan oo kale ah meelahan lagula dhuun-dhuunto, suurto-galbay noqon doontaa cadowguna inuu mid kale la dhuun-dhuunto, sidaa awgeedbaa loo day-dayayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.
Dastuurka Somaliland, ayaa ka xaaraantimaynaya in gudaha dalka laga hirgeliyo Idaacad gacan-ku-haynteedu ka madax-bannaantahay xukuumadda, isla markaana idaacadda kaliya ee la dhegaysan karaa ay tahay Idaacad afka dawladda ku hadasha, in kasta oo ay jiraan idaacado siyaabo kala duwan looga dhegaysto dalka, balse xarumahoodu ku yaallaan waddamo kale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment