Derna/Qahira, 17 Febr, 2015 (Himilo)- Dawladda Masar, ayaa sheegtay in diyaarado ku weerartay gudaha dalka Liibiya, ka dib markii Malleeshiyo ka tirsan Kooxda ISIS ama Daacish ay Madaxa ka gooyeen 21 qof oo Masaari Kiristiyaan Kobtik ah (Qibdiyiin), kuwaasoo ay si fool-xun ugu gawraceen Xeebaha Liibiya Axaddii toddobaadkan.
Millateriga dawladda Masar, ayaa sheegay in diyaaradahooda F16-ka loo yaqaano ay weerar subaxnimo ku beegsadeen xarumaha Daacish, meelaha ay ku tababartaan, iyo meelaha ay hubka ku kaydsadaan. Madaxwaynaha Masar, Cabdifataax Al-Casisi, ayaa ku hanjabay aargudasho kadib markii Mintidiinta Liibiya ay madaxa ka gooyeen Masaari Kiristaan ah.
Afhayeenka Ra'ii-salwasaaraha Liibiya, ayaa Isniintii shalay sheegay in siddeed weerar diyaaradeed oo lagu qaaday magaalada Derna ee dalka Liibiya ay dawladda Libya ka qayb qaadatay, kuwaasoo ay qayb ka ahaayeen weerarrada ay Millateriga Masar ku qaadeen halkaas.
Madaxwaynaha Masar Cabdalfataax Al-Casisi, ayaa sheegay in waddankiisu uu xaq u leeyahay in uu ka aarguto wakhtiga iyo goobta uu doorto, arrintaasina waxa ay dabo socotaa ka dib markii Malleeshiyada ka tirsan Daacish ee Liibiya ay ku dishay Xeebaha Liibiya koox Qibdiyiin Kiristaana oo Masaari ah.
Muuqaal ay soo saareen Daacish, ayaa muujinaya iyaga oo si wadar ah madaxa uga jaraya 21 qof, kuwaasoo dhawaan laga afduubtay magaalada Xeebta ku taala ee Sirta ee dalka Liibiya, halkaasoo la sheegay inay shaqo-teg u tageen wakhtigaas la afduubay qaarkood, qaarna hore uga sii shaqaynayeen.
Madaxwaynaha Masar waxa uu khudbad u jeediyay Qarankiisa oo uu u mariyey Telefeshinka dawladda, waxa uu kaga dhawaaqay toddobo maalmood oo Baroordiiq ah. Cabdalfatax Al-Sisi waxa uu sheegay in Masar iyo caalamkuba dagaal qadhaadh kula jiraan argagixisada. Balse muu sheegin sida uu dalkiisu uga jawaabi doono dil wadareedkaas argagaxa lahaa.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Masar, waxa uu sheegay in ay go'aansan doonaan wakhtiga iyo goobta ay uga aargutaan Daacish, ka dibna waxay Millaterigu bilaabeen duqaynta goobaha ay u tuhunsan yihiin inay Liibiya Saldhigyada kaga leeyihiin Malleeshiyada Daacish taageersan, halkaasoo sida war madax-bannaan looga helaa adag-tahay, balse wararka qaar sheegayaan in Diyaaradaha Masaaridu illaa Kontoneeyo qof ku dileen, inkasta oo aan la xaqiijin waxay kala yihiin dadkaasi.
Dilkaasi waxaa laga duubay Kamarad Fiidyoow ah. Muuqaalkaas oo shan daqiiqo ahaana niman xoogaa ah oo dhar isu eeg ama Dirays Madaw oo kuwa Daacish xidhato ah ku labbisan, 21ka Nin ee Qibdiyiinta Kiristaanka ah ee reer Masar oo ay Dhawr Liimiya u xudheen Safay Xeebta dacalkeeda, waxaana qofkasta la socday nin ka mid ah Mallayshiyada oo wejiga soo dabooshay Seefna ama Middi iyo Qori sita, waxaanay Jilba-joojiyeen Xeebta dacalkeeda, halkaas oo ay hal-mar ku wada jiifiyeen Soodhadhka ay dhuunta kaga hayeen.
Ehellada dadkan ayaa hore u dalbaday badbaainta dadkooda intii afduubka loo heystay, kuwaasoo inta badan laga afduubtay Liibiya oo ay ka shaqaysanayeen. Qoraal ku dul qornaa muuqaalka Daacish ku shaacisay dilkaas, ayaa caddeeyay sababta loo dilay waxaana lagu sheegay in loo bartilmaameedsaday Diintooda.
Madaxwayne Al-Casisi waxa uu hore u sheegay in Mallayshiyaadka Liibiya aanay halis ku ahayn Masar oo keli ah, balse ay sidoo kale halis ku tahay Bariga dhexe oo dhan. Masar waxa ay taakulo u fidisay dadkii ka baxsaday Liibiya ee dawladda ka mid ahaan jiray iyo Ciidammadaba.
Hoggaamiyaha Masar hadda waxaa saaran culays ah in uu si wayn uga jawaabo arrintaasi. Intii aanu jabin Madaxweynihii dalka Liibiya Mucamar Qadaafi, Liibiya waxa ay caan ku ahayd in dadka Masaarida ah ay shaqo u doontaan waddankaas.
Hase-ahaatee, tiradu waa ay sii yaraanaysay tan iyo markii uu dalkaasi dhaxlay dagaallada, balse dad reer Masar ah, ayaa weli kusii hadhay Liibiya, iyaga oo halista halkaas ka jirta ka door-biday saboolnimada waddankooda ku haysta. Hase-yeeshee, waa markii ugu horreysay ee dad reer Masar ah Diinta ay doonaan ha haystaane sidan oo kale loogu galo gudaha dalka Liibiya.
Geesta kale, Xoghayihii hore ee Gaanshaadhigga dawladda Mareykanka Leon Panetta kana mid ah La-taliyeyaasha Difaaca Maraykanka, ayaa sheegay in kooxda ISIS laga cabsi qabo inay ka abuuranto dalalka kala ah Yemen, Nigeria iyo Soomaaliya; taasina caqabad kale ku noqon doonto caalamka.
Panetta ayaa intaas raaciyay in Soomaaliya iyo dalalka la midka ah ay u nugul yihiin inay ku baahdo Daacish, maaddaama oo dalalkaas aanay ka jirin dawlado awood badan leh, isla markaana ay xaalad adagi ka jirto. Xoghayihii hore ee difaaca Mareykanka, ayaa xusay in dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish uu qaadan karo muddo ka badan 30-sano. Iyadoo Mareykanka iyo dalal kale oo ay xulufo yihiin ay haatan kooxda kula dagaallamayaan dalalka ay ka dhisan tahay ISIS ee Ciraaq iyo Suuriya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment