
Cumar Al-bashiir oo u warramay telefishanka Euronews Axaddii todobaadkan kaddib markii degellada Internetka lagu baahiyey muuqaallo muujinaya 21 qof oo Kiristanka waddanka Masar ah oo Malleeshiyaad xidhiidh la leh Kooxda Daacish ku gawraceen xeebaha waddanak Liibiya, taas oo sababtay in waddanka Masar kaga jawaabo duqeymo xagga cirka ah oo ay kaga aar-goosanayaan dilka foosha xun ee loo geystay muwaadiniintooda.
“CIA iyo Mossad ayaa ka dambeeya oo taageero u fidiya ururradan, ma jiro qof Muslim ah oo samaynaya ficilladan oo kale,” sidaas waxa uu madaxweyne Bashiir u sheegay telefishanka EuroNews.
In kasta oo uu dhaliilay hab-dhaqanka kooxahan, haddana waxa uu madaxweyne Bashiir ka digay in dagaal fool-ka-fool ah oo dunidu isu bahaysato lala galo kooxdan, isaga oo ku dooday in tallaabadaasi sii xoojinayso hawl-gallada kooxaha xag-jirka ahi sameeyaan. Waxa uu madaxweynaha Sudan sheegay in siyaasad furfuran iyo wada-hadallo lagu furdaamin karo ama fekerka kooxahaas lagaga badbaadin karo dhalinyarada.
Hadalka Mr Bashiir ayaa ku soo beegmay iyada oo todobaadkii hore hadal ka mid ahi ka soo yeedhay hoggaamiyaha Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan, Xasan Nasrullah oo sheegay in Sirdoonka Maraykanka iyo Yuhuuddu ka dambeeyaan Kooxaha Xag-jirka ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment