Wednesday, February 18, 2015

Wasaaradda Hawlaha Guud oo Xuquuqdooda Farta ka saartay Shaqaale ka hawl-gali jiray Wershadda Korontada Hargeysa oo saddex Nooc isugu jira

Hargeysa, 18 Feb, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland, ayaa Xuquuqdii ay lahaayeen ku wareejisay Shaqaalaha ka hawl-gali jiray Wakaaladda Korontada ee Hargeysa, kuwaas oo isugu jira qaar hawl-gab noqday, shaqaale la dhimay iyo qaar iskood isaga tagay shaqada ay ka hayeen Wakaaladda Korontada ee Hargeysa oo dhowaan lagu wareejiyey shirkado ganacsi.
kolShaqaalahan xuquuqdooda la siiyey oo ka koobnaa 39 qof oo muddo dheer u shaqaynayey Wershadda Laydhka ee dawladda, ayaa munaasibad lagu shaaciyey guddoonsiinta Xuquuqdooda oo loogu qabtay Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, waxa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Cali Cabdi Saa’iq, Agaasimaha Maamuka Lavagta ee Wakaaladda Korontada iyo masuuliyiin kale.
Shaqaalahan oo dhawaan Shaqada ka tagay ayaa xuquuqdooda loogu saleeyey Muddadii uu mid kastaaba ka shaqaynayey Wershadda laydhka, iyada oo qof kasta la guddoonsiiyey 11 Milyan oo Shilinka Somaliland ah.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud ayaa Shaqaalaha u balan-qaaday Qof kasta oo cabasho qaba In ay u soo bandhigaan si ay uga qanciyaan wixii cabasho ah ay tirasanayaan.
“Halkan waxa aynu ku gudoonsiinaynaa lacagihii ay Xaqa u lahayeen shaqaalaha Hay’adda Korontada Somaliland, Shaqaalahan halka Lagu guddoonsiinayo Xaqoodii waxa ay iskugu Jiraamn qaar shaqo-dhimis lagu sameeyay iyo qaar soo codsaday in shaqada laga joojiyo iyo Kuwa kale oo iyaguna hawl-g noqday, Ka Wasaarad Hawla Guud ahaan waxaanu ku dadaalay inaanu Shaqaalahaas oo muddo badan soo shaqaynayay inaanu Xaqooda siino,maanta qaarkood halkan fadhiyaan, waxa ay qaadanayaan, Lacag dhan Kow iyo Toban Milyan Shilin oo waliba qaarba ka badan,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud.
“Maanta waxa aynu ku kala tagaynaa niyada-samaan, Qofkastana waxa la siin doonaa lacag u dhiganta inta uu soo shaqaynayay, kolay meel laga tagi maayo laakiin maanta lacagta waxaanu idiin siinaynaa waa Mag-dhawgii aad shaqaynayseen, waxaanan idiin sheegayaa inaad tihiin raggii u soo dhabar-adkaygay waayihii idinku soo maray wakaaladda Korontada ee Hargaysa, waxaanad tihiin kuwii dhidabbada u taagay iskuna hawlay inaad gaadhsiisaan meel aad u saraysa,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku.
Dhinaca kale, Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Somaliland Yuusuf Siciid Axmed, Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wakaaladda Korontada Hargaysa Naasir Xariir Xandule iyo Agaasimaha waaxda Xidhiidhka Gobolada Cabdi Cabdilaahi Dagaal oo iyaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa shaqaalaha ka tagay Wakaaladda Koronta Hargaysa u rejeeyay inay khibraddooda iyo waayo-aragnimadooda ka hawl-galaan meel kale oo ka wanaagsan Wakaaladda Korontada.
Gunaanadkii munaasibadda, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa shaqaalihii goobta ku sugnaa mid-mid u guddoonsiiyey Xaqa loo xisaabiyey inay ku lahaayeen wakaaladda Korontada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment