
Afhayeenka Ururrada Difaacayaasha Xuquuqal-Aadamaha Somaliland oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Golayaasha Qaranka qaarkood dalka ka wadaan fawdo, isaga oo si cad u eedeeyey Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo ka baaqsaday hirgelinta shuruucdii diyaarin lahayd jewi doorasho.
“Shantii sano ee la doortay Madaxweyne Siilaanyo waxa ka hadhay Afar bilood, waxaanay ku qanacsan yihiin ururrada u dooda xuquuqda aadamigu markii ay eegeen duruufo badan oo ka jira dalka in aanay dorashadu qabsoomaynin wakhtigeedii, waxaana haboon in maxasteena iyo dhallinyaradeena buuq lagu haasaawinin, oo nin dan leh oo dhami ku odhanin dhagax soo qaata halkan ayuu ku jiraa ninkii Geelayaga qaaday ee aynu shiidno si aanay carruur kale inooga dhiman,” ayuu yidhi Saleebaan Xuquuq.
“Aqalka sharci-dejintu waxa uu ku guul darastay in jawi doorasho ku qabsoomi karto dalka ka sameeyaan. Kuwaas oo shuruucdii la habsaamay, waxaanay baarlamaanka Somaliland caqabad ku yihiin dimuqraadiyadda Somaliland. Waxaanay kuraasta fadhiyeen 10 sano, shuruucdii ay ku meel mari lahayd doorashaduna maalin dhawayd aynu Cirro sii daayay, waxaanan ku talin lahaa in doorashada golaha wkaiiladu soo horayso, ta madaxtooyadana dib loo dhigo,” ayuu yidhi Saleebaan Xuquuq.
Afhayeenka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamaha Somaliland oo ka hadlayey marxaladda dalka, waxa uu yidhi, “Waddankeenu waxa uu marayaa meel aad u fiican xaga kaabayaasha dhaqaalaha, dhismihiisa waxaana uu sheegay wasiirka gaadiidka ee dawlada Itoobiya inay isticmaalayaan dekeda Berbera, waxaana uu yidhi wasiirka Itoobiya markab oo xamuula oo Itoobiya leedahay oo labo kami qaadaan shidaalka kii ugu horeeyay bishan gudaheeda ayuu ku soo xidhmayaa dekeda Berbera.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment