Sunday, February 15, 2015

Xukuumadda Somaliland oo ka warbixisay Xidhiidh ay Dawladda Maraykanka kala samaysay Xannibaadda la saaray Xawaaladaha Soomaalida

Hargeysa, 15 Feb, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadashay go’aanka dawladda Maraykanku ku joojisay lacagaha Qurbejoogta Soomaalida ee dalkaasi soo marin-jireen Xawaadaha Soomaalida, waxaanay sheegtay inay xukuumad ahaan ka hawl-galaan sidii ay jaaliyadaha Soomaalida ee dalkaasku dhaqan u soo diraan ehelladooda ku dhaqan deegaannada Soomaalida.
SILANYOWarqad xambaarsan mowqifka Xukuumadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa loo gudbiyey Safiirka Dawladda Maraykanka ee magaalada Nairobi iyo wasaaradda Maaliyadda ee dalkaas, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa.
“Maraykanku bisha lixdeedii wuxuu joojiyey lacagihii Soomaalida loo soo dirayey, hawshaa aad baanu u galnay, haddaanu Baankii Dhexe nahayna waxaanu qornay waraaqo, Madaxweynuhuna wuu saxeexay, waxaanu u dirnay safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi iyo Wasiirka Maaliyadda ee Maraykanka. Taas oo aanu ugu sheegnay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, gaar ahaan Somaliland iyo kuwa la deriska ah ay xaq u leeyihiin in soo daayo lacagta ay doonayaan inay diraan,” sidaas ayuu yidhi Md Cabdi Dirir Cabdi.
Guddoomiye Cabdi Dirir oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaad mooddaa arrintaasi inay immika meel-dheer gaadhay oo waxaan maqlayey inay gaadhay Guriga Cad, waxayna immika u egtahay in la soo daynayo Soomaalida.”
Go’aanka lagu joojiyey lacagaha ay soo diraan Qurbejoogta Soomaalida ee Maraykanka oo la dhaqan-geliyey bishan Lixdeedii, ayaa ka dambeeyey kadib markii Bangiga loo yaqaanno Merchants Bank of California oo ah Bangiga keliya ee Xawaaladaha Soomaalida wada-shaqaynta la leh isla markaana 80% ay xawaaladuhu lacagaha soo mariyaan uu sheegay inuu go’aanka u gaadhay cabsi laga qabo in lacagaha sii mara Xawaaladaha Soomaalidu ay gacanta u galaan kooxaha xaq-jirka ah, haseyeeshee waxa arrintan in dib loo eego oo lana sameeyo nidaam cusub oo cabsida la muujiyey lagaga hortago soo jeediyey xildhibaanno ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka oo codsi go’aankan lagu baajinayo u jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Obama.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment