Thursday, October 8, 2015

Afar Dhallinyaro Ah Oo Maanta Ku Geeriyooday Badda Berbera

Berbera, 8 October, 2015-(Himilo) - Afar dhallinyaro ah ayaa Maanta gelinkii dambe ku geeriyooday Badda Magaalada Berbera, ka dib markii sida la sheegay ay Liqday Badda oo ay u debbaal tageen.


Afarta dhallinyarada ah oo dhammaantood reer Hargeysa ahaa ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen arday dalxiis ahaan Maanta u tagey Berbera, nasiib daro’se Badda oo liqday awgeed u geeriyooday.


Allaah ha u naxariistee Dhallinyaradan oo Maydadkoodu yaalaan Cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Xasan Cismaan Axmed, Cismaan Maxamed Cabdillaahi, Maxamed Haybe Cabdi iyo Siciid Cismaan Maxamed.


Xeebta Berbera


Magacyada afarta dhallinyarada ah ee Badda ku dhintay ayaa waxa Saxaafadda u sheegay Hawl-wadeennada Cisbitaalka guud ee Berbera.


Afarta Marxuum ee dhallinyarada ahaa ayaa Wariyayaasha ku sugan Magaalada Berbera sheegayaan inay dhammaantood ka tageen Xaafadda Calaamadaha ee Magaalada Hargeysa.


 Maalmaha Khamiista ayaa dhallinyarada gobollada Somaliland iyo ardayda dugsiyada qaarkood ay dalxiis ahaan u tagaan Badda Berbera, waxaana marmarka qaarkood dhacda Masiibadan oo kale.


Toddobaadkii hore ayaa sidan oo kale laba dhallinyaro ah ugu dhinteen badda, ka dib markii ay liqday, waxaana midkood Maydkiisa la helay laba Maalmood ka dib geeridooda.

No comments:

Post a Comment