Thursday, October 8, 2015

War-saxaafadeed: SOLJA Oo Raali-gelin Ka Bixiyey Baahinta Warar Ay Daabaceen Joornaallada Ka Soo Baxa Hargeysa

Hargeysa, 8 October, 2015-(Himilo) - Ururka SOLJA ayaa hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Taliska Booliska Somaliland ka raali-galiyey baahinta Warar Wargeysyada ka soo baxa Hargeysa Saadaal kaga bixiyeen Shirka Golaha dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE.


War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo nuqul ka mid ahi soo Maanta soo gaadhay Himilo Media ayuu ku sheegay in hoggaanka KULMIYE iyo Taliyaha booliska Somaliland uga soo cawdeen warar ay ka baahiyeen Wargeyska ka soo baxa Caasimadda Hargeysa qaarkood, kuwaasi oo uu tilmaamay in masuuliyiinta ay khuseeyaan u arkeen deel-qaaf.


Xuuto


War-saxaafadeedka SOLJA ayaa u qornaa sidan “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu jawaab cad ka bixinayaa cabashooyin kala duwan oo ka soo gaadhay masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo Madaxda Booliska, gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, kuwaas oo ku qotoma eedo ay u jeedinayaan qaar ka mid ah Saxaafadda oo maalmahan dambe saadaal aan sax ahayn ka bixinayey loolanka Musharrixiinta shirka Golaha dhexe ee KULMIYE iyo Derajada Ciidammada.


Cabashooyinka soo gaadhay SOLJA oo qaarkood yihiin qoraal ka soo baxay hoggaanka xisbiga KULMIYE, qaarkoodna yihiin Cabashooyinka Afka ah oo ay ka tirsanayaan Wargeysyada Waaheen Cadadkiisii 1702 ee 06/10/2015, Sahan Cadadkiisii 1063 ee 05/10/2015, Codka Shacabka Cadadkiisii 1063 ee 05/10/2015 iyo Ogaal Cadadkiisii 26047. Kuwaas oo dhammaantood cabashooyinka loo soo jeediyey yihiin inay soo bandhigeen Go’aamo hor-dhac ah oo ay ka saadaaliyeen loolanka KULMIYE.


Sidoo kale Taliyaha booliska Somaliland wuxuu SOLJA Cabasho uga soo gudbiyey Cadadkii Wargeyska Hubaal ee 479 ee 04/10/2015, kaas oo wax ka qorey Saraakiil iyo Askar loo xidhay Saluug ay ka muujiyeen derajooyinkii loo qaybiyey qaar ka mid ah Ciidammada Booliska.


Haddaba, Cabashooyinka ka soo yeedhay Musharrixiinta KULMIYE iyo Taliyaha Booliska markii uu dersay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isla-markaana qiimeeyay awoodda Saxaafadda Somaliland iyo masuuliyadda Culus ee arrimahani leeyihiin oo u muuqda kuwo abuuri kara khalkhal iyo in bulshada lagu marin habaabiyo Saadaal aan sax ahayn waxa uu Ururku u arkaa inay yihiin kuwo loo baahan yahay Saxaafadda iyo Suxufiyiinta ka hawl-galaa (Wargeysyadaa) inay ka fogaadaan isla-markaana aanay mar dambe daabicin illaa inta Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE Go’aan rasmi ahi ka soo baxayo.


Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu ka raali-galinayaa dhammaan Masuuliyiinta Cabashooyinkan soo gaadhsiiyey saamaynta ay Wararkani ku yeesheen guud ahaan Qaranka, gaar ahaan shaqsinimada Masuuliyiintan oo mudan inaan laga baahin warar aan rasmi ahayn ama aan lahayn Caddeymo ku filan.


Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, wuxuu soo dhaweynaynaa Cabashooyinka ay Masuuliyiintani u soo gudbiyeen, waxaanan mar kasta ka rajeynaynaa qof kasta oo Saxaafadda ka tirsada deel-qaaf inuu soo war-geliyo Ururka isla-markaana Qadariyo muhiimadda uu leeyahay in lala soo xidhiidho inta aan tallaabo kale la qaadin.


Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu taageerayaa go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo hawl-wadeennadiisu ku tix-galiyeen inaan Suxuufiyiinta Xadhiggooda loo marin dariiq Qaldan, gaar ahaan waxaanu Maxkamadda Gobolka Saaxil ku amaanaynaa tallaabadii ay ku diidday codsigii Wasiir ku xigeenka Xannaanada xoolaha iyo siideynta dambe ee labadii Wariye ee kala ahaa Axmed Siciid Maxamed iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ay u soo celisay Xorriyaddooda.


Maxamuud Cabdi Jaamac


Guddoomiyaha Ururka SOLJA

No comments:

Post a Comment