Nairobi, 8 October, 2015-(Himilo) - Nin u dhashay Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ayaa Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku dilay gabadh Soomaaliyeed.
Ninkan Oromada ah oo toorey u adeegsaday dilka Marxuumaddaasi Soomaaliyeed oo Magaceeda lagu sheegay Saado, ayaa isaguna markaa ka dib isku dilay Sun uu Cabbay.
Wararka ka soo baxaya dilkan naxdinta leh ayaa qaarkood sheegaayaan in ninka dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Cabdimaalik, uu markii hore gabadhaasi u soo bandhigay jaceyl isla-markaana uu u sheegay inuu ka rabo guur, balse gabadha oo aan la ogeyn inay xidhiidh lahaayeen iyo in kale ayaa la tilmaamay inay ka diidday doonistiisii, taasi oo keentay inuu dilo.
Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyey in gacan ku dhiigluhu uu Marxuumadda dhowr jeer ku dhuftay tooreyda, si xunna u dhaawacay, laakiin Marxuumadda ayaa geeriyootay ka hor intaan Cisbitaalka la gaadhsiin.
Sidoo kale, waxa la tilmaamay in dilka ka hor ay Marxuumaddu ka soo noqotay gabadh ay saaxiib ahaayeen oo ay sii dhaweysay, laakiin ninkan dilka geystay oo laftiisu degganaa guri aan ka fogeyn ayaa dhexda u galay isla-markaana tooreyda ku dilay.
Dilkan ayaa argagax ku abuurey shacabka Soomaaliyeed ee deggan Magaalada Nairobi, gaar ahaan Xaafadda Islii, waana dhacdada ugu hadal haynta badan wakhtigan.
Islii waxa deggan Soomaalida ugu badan ee ku dhaqan Magaalada Nairobi iyo tiro aan yareyn oo Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.

No comments:
Post a Comment