Thursday, October 8, 2015

Al-Shabaab oo Sheegatay Dilka laba Dhakhtar oo Midkood uu Adeer u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho, 08 October, 2015-(Himilo)- Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen dilka Wiil uu Adeer u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo magaciisu ahaa Liibaan Cismaan Cilmi iyo Nin kale.

QARAX KA DHACAY IYO DAD LAGU LAAYEY MUQDISHOLabadan Nin ayaa galinkii hore ee Arbacada Shalay Koox Hubaysani ku dileen degmada Wada-jir ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Liibaan Cismaan Cilmi, ayaa ahaa Dhakhtar ay qaraabo ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Adeer u ahaa Wiilkaas sida la xqiijiyey. Halka Wiilka labaadna Magaciisa la odhan jiray Cabdiqaadir Maxamed Yabaroow oo isaguna sidoo kale ahaa Dhakhtar Caafimaad.

Kooxda dilka labadan Marxuum geysatay, ayaa Gaadhiga ay wateen ku baxsaday markii ay toogasho ku dileen labadaas Marxuum oo isku gaadhi saarnaa sida la sheegay, isla markaana aan la qaban ee inay fakadaan ku guulaystay. Inkasta oo ay halkaas markii dilku dhacay wax yar ka dib soo gaadhay Ciidammada Ammaanka ee dawladda Soomaaliya, haddana meel wax lagu dilay oo laga baxsaday ayuun bay gaadh ka qabteen, kana qaadeen Meydadka labada Marxuum iyaga iyo Hawl-wadeennada Caafimaadku.

Hase-yeeshee, Kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarkaas qorshaysnaa ee lagu khaarajiyey labada Nin ee mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ehelada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. War lagu faafiyey Idaacadaha Afka Malleeshiyada Al-Shabaab ku hadla, gaar ahaan Al-andulus oo xiganaysay Xubin Sare oo Kooxdaas ka tirsan ayaa lagu sheegay in masuuliyadda dilkaas ay Al-Shabaab leedahay.

Xubinta sare ee Idaacadda Al-SHabaab xiganaysay, ayaa sheegay in ujeeddada weerarka loo fuliyey ahayd in la dilo Wiilka uu Adeerka u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Marxuumkaas oo lagu magacaabi jiray Liibaan Cismaan Cilmi, waxaanu ninka Al-Shabaab u hadlay, yidhi; “Hadafka weerarka wuxuu ahaa Wiilka uu madaxweynaha Soomaaliya adeerka u yahay oo ka tirsan madaxda xidhiidhka waddamada Carabta iyo dowladda Soomaaliya.”

Geesta kale, Qarax ka dhacay isla Arbacadii shalay ka dhacay goob Fadhiisin u ahayd Ciidammada dawladda Soomaaliya oo ku taalla Suuqa Xoolaha ee degmada Af-gooye, waxaa ku dhintay Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidammada sida la sheegay, isla markaana waxaa ku dhaawacmay Saddex Qof oo Shacab ah.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment