Weriyeyaashaas oo kala ahaa Axmed Siciid Maxamed oo ka hawlgala KALSAN TV iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo isna ka hawlgala Somalinews TV. Maxkamadda gobolka Saaxil oo markii horeba diidday inay u goyso Waaran qabasho ah oo Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xooluhu ku dalbaday in loogu jaro si uu u xidho, ayaa shalay amartay siiddeynta labadaas Suxufi .Maxkamada gobolka Saaxil, ayaa Ciidammada Booliiska ku amartay in lasii daayo Weriyayaashaas iyo nin Abwaan ah oo isaguna Berbera ku xidhnaa uu Guddoomiyaha Maxkamaddu xusay in sii-daynta Weriyeyaasha iyo ninkaas kale-ba ay u cuskatay qododbka 25-aad ee Dastuurka qaran oo uu sheegay inaan lasoo xidhin karin qof aan waaran Maxkamadeed loo haysan ama fal dembi oo uu gacanta kula jiro lagu qaban.
Weriyeyaashan la sii daayey ayuu Wasiir Ku-xigeenku ka daba-socday War ay baahiyeen oo la xidhiidhay Maalintii Ciiddal-Adxada oo dadweynaha reer Berbera Buuq iyo Foodhi ku qaabbileen labada Wasiir Ku-xigeen ee Xannaanada Xoolaha iyo Wershadaha oo intii aan salaadda la gelin doonayey inay dadweynaha kala hadlaan Fagaare la isugu soo baxay oo Salaadda Ciidda lagu tukanayey.
Geesta kale, dawladda Soomaaliya, ayaa Xabsiga kasii daysay Agaasimihii Bariga Afrika ee Universal TV, Cabdillaahi Kulmiye Xirsi iyo Weriye Cali Daahir Salaad oo ah soo-saaraha Barnaamijka Dood-wadaag oo muddo lix cisho ah ku xidhnaa Xabsiga hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya ku leedahay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sii-daynta Weriyeyaashan Muqdisho ku xidhnaa kala hadlay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya, kaasoo ka aqbalay siideynta Suxufiyiintaas Universal TV, oo lagu heystay Barnaamij Dood ah oo ay Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan u qabteen bilawgii bishan, kuwaasoo iftiimiyey in dalka Soomaaliya uu ku jiro Gumaysi dadban, isla markaana ay ka taliyaan AMISOM, Itoobiya iyo UNSOM.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaan Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Xildhibaannada ka qaybgalay Barnaamijka dood-wadaag ee Weriyayaashan lagu xidhay arrinkooda lagaga hadli doono Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaasna Xildhibaannadaas la marin doono anshaxa Xeer-hoosaadka Baarlamaanku waajibinayo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment