Kaadhadhkan oo u badan kuwa ay Muwaaddiniintii is diiwaangeliyey ka sugayeen Xafiiska diiwaangelinta ee Wasaaradda arrimaha gudaha sida la sheegay, iyagoo Masuuliyiinta Wasaaradda Daakhiligu hore ugu ballan-qaadeen in marka loo diyaariyo ay u yeedhi doonaan si ay u qaataan, ayaa qaar ka mid ahi waxa ay ka war heleen in kaadhadhkoodu ka mid yihiin kuwa iyaga oo guban laga helay meel 15 KM dhinaca Waqooyi ka xigta Caasimadda Hargeysa, sida uu baahiyey Somaliland Spece Channel.
Hase-yeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Warbaahintu weydiisay waxa uu kala socdo kaadhadhka la gubay maaddaama oo ay Wasaaraddiisu masuul ka ahayd, waxa uu ku jawaabay; “Annagaa gubnay (kaadhadhka aqoonsiga muwaadiniinta), waayo? Markii hore tijaabo ayuu ku jiray, markaa Kaadhadhkii lagu tijaabiyey (qalabka) ama khaldamay ama xumaaday ayaa inta la ururiyey la gubay.”Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment