“Waxaan ahay Musharrax cod ka doonaya Somaliland oo dhan, waxaanan ballan-qaadaya inaan ka shaqayn doono sidii Somaliland ay beesha caalamka uga mid noqon lahayd..” Maxamed Biixi Yoonis
Hargeysa, 11 October, 2015-(Himilo)- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ahna Musharrax u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa maanta dalka ku soo laabanaya, isla markaana si weyn loogu soo dhawaynayaa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib markii sida la sheegay uu ka soo laabtay Weftiga Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo oo hadda ku sugan waddanka Ingiriiska.
Qaban-qaabada Soo dhawaynta Wasiirka arrimaha dibedda Musharrax Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si weyn xalay illaa shalay looga dareemayay gudaha Caasimadda Hargeysa, waxaana la filayaa inay soo dhawayntiisa ka qayb-qaataan, Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno, Xildhibaanno Golayaasha Baarlamaanka ka tirsan, Masuuliyiin kala duwan oo Hay’adaha dawladda ka tirsan, Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE, Madaxdhaqameed, Cullimo aw diin, Aqoonyahano, Haween, Dhalinyaro iyo guud ahaan qayabaha kala duwan ee Bulshada.Maxamed Biixi oo hore u sheegay inuu u sharraxan yahay jagada Madaxweynaha KULMIYE Madaxweyne Siilaanyo ka dib, ayaa markii Weftiga Madaxweynuhu Ingiriiska gaadhay mar kale shaaciyey inuu jagadaas u taagan yahay, waxaanu yidhi; “Waxaan ahay Musharrax cod ka doonaya Somaliland oo dhan, waxaanan ballan-qaadaya inaan ka shaqayn doono sidii Somaliland ay beesha caalamka uga mid noqon lahayd, waxaynu u baahannahay in lagu shaqeeyo qallinka, aqoonta iyo qofka kartida u leh sida dunida loola macaamilo.”
Ujeeddada soo laabashada Maxamed Biixi Yoonis kaga soo noqday Weftiga uu xubinta ka ahaa ee Madaweynaha Somalilnad Hoggaaminayo oo isu maray dalalka Imaaraadka Carabta, Ireland iyo Ingiriiska oo uu hadda ku sugan yahay, ayaa ila-wareedyo si dhaw ula socda dhaqdhaqaaqa Wasiirka, Wargeyska Himilo u sheegeen inay tahay mid uu ku dar-dargelinayo Musharraxnimadiisa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa oo ay Rag badan oo Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi ugu horreeyaa kula tartami doonaan tobanka bisha 11-aad sannadkan aynu ku jirno ee 2015-ka oo loo muddeeyey Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo lagu kala saari doono Musharrixiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.Go’aankan, ayay ila-wareedyadu Wargeyska Himilo u sheegeen inuu yimi ka dib markii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo la sheegay inuu taageersan yahay Musharraxnimada Muuse Biixi ay si gaar ah isu afgarteen isaga iyo Maxamed Biixi Yoonis maalmihii u dambeeyey ee ay Safarkooda dibedda ku guda-jireen, sida ila-wareedyadu tibaaxeen. Waxaanay intaas ku dareen in Siilaanyo Kalsooni buuxda siiyey oo uu Wasiir Biixi ku taageeray hankiisa Musharraxnimada jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa subaxnimada Axadda Maanta ka soo ambabixi doona magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya oo uu xalay u hoday, isagoo la sheegay inuu habeen-hore u hoyday magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo la tibaaxay inuu labadaas dalba kula kulmay Masuuliyiin ka tirsan dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti, inkastoo aan la ogeyn waxa ay ka wadahadleen xubnaha la sheegay inuu waddamadaas kula kulmay.
Ismuujinta Maxamed Biixi Yoonis Maanta laga filayo iyo sida diirran ee loo abaabulay in loo soo dhaweeyo, ayaa sii xoojin doonta loollanka adag ee Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE ee u sharraxan Jagada Madaxweynaha, taasoo toddobaadyadii u dambeeyey ama tan iyo markii la muddeeyey wakhtiga uu qabsoomayo Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaysay.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment