Hargeysa, 11 October, 2015-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro), ayaa ka warramay dhibaato murugo badan oo haysata Hooyo ku nool magaalada Hargeysa.
Hooyadan oo haysata Wiil iyo Gabadh Xanuunsanaya, waxaa la soo dersay xaalad nololeed oo adag, isla markaana gaadhay in Wiilkeeda Maskaxda ka xanuunsanaya uu gaajo awgeed uu Ey ku dhex-qashay Buul yar oo ay ku wada noolaayeen Hooyadii iyo Walaashiisa Xanuunsanaysaa.
Dhacdadan Xanuunka badan ayuu Sheekh Aaden-Siiro kaga hadlay khudbaddiisii Jimcaha ee dooraad, waxaanu ku baaqey in loo kaco sidii loogu gargaari lahaa hooyadaa iyo Carruurteedaa dhibaateysan. “Khudbadda Jimcaha waxaan ka sameeyay Hooyo la jaar ah Masaajidka oo haysata Wiil iyo Gabadh xanuunsanaya. Hooyadaasi markay wayday awood iyo Cid ehel ah oo u gargaarta (Carruurta ka xanuunsanaya) gurigii yaraa ee buulka ahaa ee ku jireen waxay uga carartay Wiilka. Inankii Xanuunsanayey markii Hooyadii uga carartay gurigii yaraa waxa uu xanuunkiisi gaadhay inuu inta uu Ey soo qabsado uu Buulka ku dhex qasho oo uu hilibkiisa Cuno.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.
Sheekha oo sii hadlaya arrintaas waxa uu yidhi; “Su’aashu waxay tahay Hooyadaasi maxay u baahan tahay, waxay u baahan tahay in Wiilkaa laga xereeyo (la geeyo xarumaha xanuunnada dhimirka lagu dabiibo), Sanadkii waxa ku baxaya $ 1500 doollar, markaa labada boqol ee u horeeya annaga ayaa bixinayna ee waynu awoodeynaaye qof walowba waxaad kareyso keen haddii Alle yidhaahdo.”
“Waxaynu ka hadlaynaa waa hooyo ilmaynaysa ee ha loo gargaaro, waayo Nebigu wuxuu yidhi qofka ka feyda qof Muslim ah mid ka mid ah dhibaatooyinka adduunka ILLAAHAY wuxuu ka feydaa dhibaatooyinka Qiyaamaha.” ayuu yidhi Sheekh Aadan.
Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sheegay inaan horumar la gaadhi Karin inta dadka Masaakiinta ahi baahan yihiin, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay Maatida ha loo adeego, waayo dalkani dal noqon maayo oo waxaynu doonayno heli mayno inta dadku dabaqado yihiin ee dadna ay doollarka karsanayaan dadna Carruurtoodii Eyda qalanayaan.”
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment