Monday, October 5, 2015
Berbera: Ciidan Booliiska oo Xabsiga u Taxaabay Laba Wariye.
Berbera October 5, 2015(Himilo)-Ciidanka Boliska Gobolka Saaxil ayaa maanta Xabsiga u taxaabay laba Wariye oo kala ah Wariye Axmed Siciid Maxamed oo ka hawl gala tvga Kalsan Iyo Shabakada Wararka Ee Mandheera.com Iyo Wariye C/raxmaan Maxamed Cige oo ka hawl gala Somalinews.Tv Iyo Shabakada Wararka Ee Oodweynenews.com.
Wararka Ka Imanaya magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera waxaa ay sheegayaan in Xadhiga wariyayaashan iyo Sideed qof oo kale oo lagu daba jiro uu amray wasiir ku xigeen wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland oo Mudooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Berbera.
Wariye Wargeyska Himilo U Xaqiijiyay Xadhiga Saxafiyiinta Iyo xubnaha kale ee lagu daba jiro ayaa sheegay inuu xadhigani dabasocdo Heshiis xukuumadu ku wareejinayso haamaha kaydka Shidaalka Berbera oo ay ka hadleen ama warar kasoo tabiyeen Wariyayaashani.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment