Monday, October 5, 2015

Waftigii Uu Hogaaminayay Madaxwayne Siilaanyo Oo Si wayn Loogu Soo Dhaweeyay Ireland.(SAWIRO)

 

Dublin October 5, 2015(Himilo) Waftigii uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa gaadhay dalka Ireland, waxaana garoonka Caalamiga ah ee Caasimadda Dublin ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha debadda ee Ireland, Xubno ka tirsan Safiirada Somaliland iyo La taliyaal.
Sidoo kale waxaa Waftiga Madaxweynaha Si weyn u soo dhaweeyay Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ireland.Waftiga uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo, oo ay ku weheliyaan Wasiirka arrimaha dibadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Madaxtooyadda, Marwada koobaad iyo Xoghayaha Madaxweynaha.

 

Waxaana la filaaya in waftiga madaxwaynuhu kulamo la yeesho Madaxda ugu saraysa dalka Ireland iyo jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi.

12143113_10153646728173535_1623737410924116927_n 12077527_10153646729443535_399970662_n 12077022_10153646729278535_201142104_n 12076927_10153646728403535_1701002627_n

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment