Sunday, October 11, 2015

Caqabadda ugu weyn ee haysata ciidanka Boolisku waa wasaaradda arrimaha gudaha Siyaasi Garyaqaan Barkhad

 

Ugu horreyn hambalyo kal iyo laab ah aan u diro dhamaan saraakiisha kala duwan iyo askarta booliska Somaliland gaar ahaan taliyahooda Sareeyo guuto C/laahi Fadal Iiman sida ay heeganka ugu yihiin ilaalinta amniga dalka gaar ahaana aan ugu hambalyeeyo sidii ay gacanta ugu soo dhigeen kooxdii weerarka ka geysatay aqalka badhasaabka ee gobolka awdal

Tan iyo markii aan ka midka noqday xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxaan ahaa dadka xooga u dhalliila taliska booliska gaar ahaan taliyaha guud ee ciidamada booliska aniga oo dhowr mar ku dhallilay dhacdooyin ka dhacay caasimada iyo gobollada dalka qaar markaas oo aan u arkayey in masuuliyad darro baddani ka muuqato dhanka hogaanka ciidanka, balse waxaan daraasad aan sameeyey billihii u danbeeyey ku ogaaday caqabadda iyo culeyska ugu weyn ee haysta boolisku iney tahay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo masuuliyiinteeda.

Miisaaniyad sanadeed kasta waxaa ugu weyn ee ahmiyada la siiyaa waa amaanka dalka kaas oo kharash hor leh loogu darro miisaaniyada qaranka maadaama oo amnigu yahay aasaaska nolosha sidoo kalena yahay waxa kaliya ee Somaliland dunida ka iibiso si gaar ahna ay ugu soocan tahay mandaqada geeska ee dalkeenu ku yaal

Waxaa jirta oo soo noq noqoneysay billihii u danbeeyey dhacdooyin murugo iyo murraaro dilaac ku reebay bulshada Somaliland kuwaas oo boolisku rasaas ay rideen madaxa kaga dhacday dhalinyaro kala duwan

Waxaana ugu danbeeyey marka laga yimaado kuwii hore tii awdal ka dhacday, dabcan dhibi way dhici kartaa askariguna xabada uu ridaa qof uunbey asiibeysaa balse waxaa ugu weyn ee la isweydiinayaa waxaa weeyey maadaama oo ay wasaaradda arrimaha guduhu tahay wasaaradda u xilsaaran amniga dalka ma waxay awoodi kari wayday iney yareyso dhimashada shacabka iyo askarta laftirkooda oo dhaawacyo xoog badan la gaadhsiiyo markasta oo dhibic dhacdo?

Sida loo yareyn karaana ay tahay iyadoo loo soo iibiyo booliska sunta dadka ka ilmeysiisa iyo qalabka ka hortaga rabshadaha  haddii xattaa dunidu ka iibin wayday ma waxay awoodi kari waayeen iney la yimaadaan aragti ah iney dalalka jaarka sida Ethiopia iyo Jabouti yidhaahdaan naga caawiya qalabkaas?

Wasaaradda waxaa jooga 4 wasiir kuwaas oo midba dhinac qaabilsan yahay balse tiro badnaantooda iyo tayo la’aanteedu isma laha markaad si caqli ah ku cabirto oo caadifad ka fog.

Boolisku waxay u baahan yihiin qalab kala duwan sida isgaadhsiin u gaar ah, budhadh casri ah oo laysar leh, mootooyin badan, haddii gaadiidku qaali kuba yahay, direys tayo leh, mushahar mug leh iwm kuwaas oo u wada sahlaya gudasha hawl maalimeedkooda maadaama oo ay koroyso tirada bulshada Somaliland markastana uu imanayo khilaaf bulsheed gaar ahaan ka ugu weyni ka kaco dhulka

Masuuliyiinta wasaaraddu waxay aqoon amni u leeyihiin oo kaliya iney soo fadhiistaan saxaafada horteeda iyagoo ku labisan suudhadh mad madow kaddibna intey is xoodaan ku galad sheegtaan wixii guulo ah ee ay soo hooyaan taliyaha booliska iyo ciidankiisu

Runtii ma arkeysid iyadoo la leeyahay wasaaradda waxay maanta furtay shirweyne lagaga hadlaayo tayeynta ciidamada iyo cuddudooda

Waattaas maanta masuuliyiinti dawlada guryahoodii lagu weerarayo amni kale oo ay sugaan iska daayee iyagiiba lafahoodii isku ilaalin kari la,

Waxaan halkan ummadda Somaliland ugu sheegayaa in Taliyaha Booliska Somaliland iyo ciidankiisuba yihiin kuwo kali ku noqday amniga dalka oo waayey ciddii marjaca u aheyd mihiimna ay tahay in shacabku la shaqeeyaan

Ma jecli inaan sheego wax badan waayo waxaan ogahay iney jiraan caddow badan oo haddii xogo badan helaan ka faa’iideysana balse waxaanu ku talineynaa gaar ahaana u sheegayaa Madaxweynaha Somaliland inuu sida ugu dhakhso badan hoos ugu eego wasaaradda arrimaha gudaha ciddii ehelka u aheydna xilkaas ugu dhiibo shacabka

Taliyaha booliska Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa dadaalkiisa joogtada ah waxaanan leeyahay masuul qaran oo xilkiisa gudanaya ayaad tahay waanu kula shaqeynaynaa balse ku dadaal inaad xooga saarto xalkii lagu badali lahaa xabadda ciidanku isticmaalyaan

Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batun

 

Political and civil rights activist 

Email: Barkhad909@live.com 

Hargeisa Somaliland 

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment