Saylac, 10 October 2015-(Himilo)- Maamulka gobolka Selel, degmada Saylac, Taliyeyaasha Ciidammada ilaalada Xeebaha Selel iyo Taliyaha Laanta Socdaalka ee gobolkaas, ayaa soo dhaweeyey Qaxoonti ka soo carraray dagaallada Yemen ka socda oo Doonyo ku soo gaadhay Xeebaha degmada Saylac.
Habeennimadii Jimcuhu soo galayey ee Habeen-hore iyo Khamiistii dorraad waxaa soo gaadhay Xeebaha ama Badda Saylac ee gobolka Selel laba Doonyood oo kala duwan oo siday dad u dhashay waddanka Yemen oo ka soo qaxay dagaallada dalkaas ka socda, kuwaasoo kala ahaa 15 Qoys oo Carruur badan wata iyo sidoo kale Shan Qoys oo iyaguna Carruur wata, isla markaana ay Masuuliyiinta dawladda Somalilad ee qaabbilay sheegeen in dhibaato badan iyo jilicsanaan xooggani ka muuqato dadkaas duruufta qaxoontinnimo iyo Badda ay soo mareen awgood, una baahan yihiin caawimooyin deg-deg ah.
Guddoomiyaha gobolka Selel Cabdirisaaq Waabberi Rooble, Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Dhamme Haaruun Siciid Cali, Taliyaha Laanta Socdaalka gobolka Selel Gaashaanle Fu’aad Caabbi Ismaaciil, ayaa shalay magaalada Saylac kula hadlay Saxaafadda, isla markaana sheegay inay dadkaasi gurmad deg-deg ah u baahan yihiin.
Waxaanay sidaa awgeed, ugu baaqeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNHCR iyo Hay’adaha kale ee caalamiga ahi inay u gurmadaan Qaxoontigaas, iyagoo sheegay inay sidoo kale maalmaha soo socda filayaan in Qaxoonti intaas ka tiro badani soo gaadhaan Saylac.
Badhasaabka gobolka Selel Cabdirisaaq Waabberi Rooble, ayaa sheegay inuu u mahad-celinayo Taliska Ciidanka ilaalada Xeebaha gobolka Selel iyo Ciidankaba, doorka ay ka qaataan soo dhawaynta iyo soo badbaadinta Qaxoontiga Yemen ka soo barakacaya ee soo gaadhaya Xeebaha Saylac oo uu sheegay inay masuuliyad fiican iska saareen.
Taliyaha ilaalada Xeebaha gobolkaas ee Somaliland Dhamme Siciid oo dadkan ku wareejiyey maamulka gobolka iyo ka degmada uu sheegay in masuuliyadda qaxoontigaasi isaga ka wareegtay mar hadduu badda Ciidankiisu ka soo gudbiyey oo Berriga soo gaadhsiiyeen. Iyagoo Masuuliyiinta gooblka iyo degmada ee Qaxoontigaas kala wareegay Taliska ilaalada Xeebaha gurmad kooban oo deg-deg ah gaadhsiiyeen oo Biyo iyo Cunno ah, isla markaana ku baaqay in dhakhso loogu gurmado dadkaas.
Qaxoonti Yemen u dhashay oo illaa ku dhawaad laba Kun oo Ruux ah, ayaa dhawrkii bilood ee u dambeeyey soo gaadhay Somaliland, kuwaasoo intooda badani ka soo degeen Dekedda magaalada Berbera, halka ay dadkaas Yemen u dhashay dhinac socdeen dad u dhashay Somaliland iyo Soomaaliya oo iyaguna Yemen ka soo qaxay, kuwaasoo markay Berbera soo gaadhaan u kala gudbo gobollada kala duwan ee Somaliland iyo Soomaaliya qof weliba halka uu isleeyahay waad ku noolaan kartaa ama eheladiisu deggan tahay.
Inta badan caawimo dhammaystiran oo ay ku noolaan karaan oo heer caalami ah may helin dadka Yemen u dhashay ee Somaliland ku soo qaxay, isaga oo mid ka mid ah Qaxoontiga Yemen u dhashay ee dalka ku sugani Salaasadii toddobaadkan inna dhaafay uu is-ku hor-gubay Xafiiska Hay’adda Qaxoontiga Adduunka u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ku leedahay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ka dib markii ay sida la sheegay Ballan-qaadyo ay muddo bilo ah u samaynaysay Hay’adda UNHCR u fulin wayday oo uu muddo dhawr bilood ah ku noqnoqonayey, ka dibna Salaasadii dab is-qabadsiiyey, markii ay nolushu ku adkaatay, isagoo ku noolaa Masjid ku yaal Hargeysa oo ay Culimada Masjidkaasi Cunto waxay u helaan ugu gargaari jiray sida xubno si dhaw xaaladda ninkaas ula socday u xaqiijiyeen Wargeyska Himilo.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment