
Boorama 7,October 2015(Himilo)-Dabley hubaysan ayaa xalay Cabaaro 3:30 kii habeenimo weerar ku qaaday guriga uu ka daganyahay magaalada Boorama Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Saleebaan Cali (Ramaax).
Weerarkan ay dableyda hubaysani ku qaaday guriga badhaasaabka gobolka Awdal ka degenyahay magaalada Boorama ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in dableydaasi tacshiirad rasaasa oodda kaga qaadeen guriga badhasaabka iyagoo iska caabin kala kulmay ciidamada ilaalada aqalka badhasaab ka awdal.
Rasaasta dhexmartay dablaydan hubaysan iyo ilaalada aqalka badhasaab ayaa waxaa ay sababtay dhimashada laba askari oo kamida ilaalada badhasaabka Awdal iyo dhaawaca laba askari oo kale.
Wararka ka imanaya magaalada Boorama waxaa ay sheegayaan in dableydaasi baxsadeen islamarkaana ka talaabeen xuduudka a u dhaxeeya Ethopia iyo Somaliland.
Badhasaabka Gobolka Awdal Saleebaan Cali Ramaax oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in gurigiisa la soo weeraray, isagoo weerarkan ku xidhiidhiyay maleeshiyada Taageersan Suldaan Wabar.
Balse warar kale oo kasoo baxaya magaalada Boorama ayaa sheegaya in weerarkan laga abaabulay magaalada Boorama dhexdeeda.
Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa weerarkan u xidhay maayirkii hore ee magaaalada Boorama Saleebaan Xasan Xadi, ganacsato iyo cuqaal ka tirsan salaadiinta boorama oo xalay niskii dambe guryahooda lagala soo baxay, islamarkaana imika ku xidhan xarunta CIDda ee magaalada Hargeysa.
Wasaarada arimaha gudaha Somaliland oo weerarkan ka hadashay ayaa sheegtay in falkaasi loo xidhxidhay dad lagu tuhmay in dablayda weerarka soo qaaday ay joogeen guryahooda islamarkaana lagu dabo jiro dablaydii weerarkan fulisay oo qaarkood ku suganyihiin magaalada Boorama Sida uu sheegay wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland.
Xukuumada Somaliland ayaa ciidamo dheeri u dirtay magaalada boorama iyo xuduuda Ethopia iyo Somaliland taasi oo aad u adkaynaysa amaanka magaalada boorama oo ay ka socdaan isreebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
No comments:
Post a Comment