“Reer Berbera waa dad Gob ah, laakiin Xeebo iyo Kulayl ku nool oo hadday soo jeestaan Dhiig kulul, haddii laga hadhi waayana way soo jeesan, hadday soo jeestaanna waa garanaysaan waxa dhacaya…”
“Ma jirto meel Cali-Gadheer kugu xukumaa Taliye Fadaloow, Booliskuna Awaamiirta Dastuur buu u maraa iyo Xeerarka dalka, maaha in qofoonu Taleefan kaa yidhaahdo Xidha…”
“Waan Hambalyeynayaa Garsoorka, Guddoomiye Aadan cid taaban karta iyo cid eryi kartaa ma jirto, Golihii Wakiilladuna wuu jiraa, Golihii Garsoorkuna wuu jiraa, Guurtida ILLAAHAY baan ka baryayaa inuu soo hadeeyo, Saleebaan baa inna hor-taagan..” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
Hargeysa, 07 October, 2015-(Himilo)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI wakhtigan, ayaa sheegay in magaalada Berbera Xukuumaddu ku soo rogtay cuno-qabatayn, isla markaana ay ka dhigtay Maxmiyad (Gumaysi), isla markaana Odayaashii magaaladaas Tigniko (Baabuur Ciidan) lagu eryanayo Tuulooyinka Berbera ka baxsan, sidoo kalena la xidh-xidhay Weriyeyaashii magaaladaas.
Odayaasha uu sheegay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble inay Xukuumaddu ku baacsanayso Gaadiidka Ciidanka Booliska, ayaa ah Siddeed Nin oo isugu jira Mujaahidiintii SNM xubno ka tirsanaa, Nin Abwaan ah iyo Xubno kale, kuwaasoo ku jira Liis uu Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Somaliland ku soo qoray Toban qof oo uu Maxkamadda gobolka Saaxil ka dalbaday inay u jarto Waaran lagu soo xidho, balse uu Guddoomiyaha Maxkamaddaasi ka diiday, isla markaana laba ka tirsan Tobanka qof ee Warqadda ku wada qornaa oo Weriyeyaal ah Isniintii Boolisku Xoog ugaga xidheen Berbera, kuwaasoo kala ah Axmed Siciid Maxmaed oo Kalsan TV Berbera uga warrama iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo Somalinews TV u joogay halkaas.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu sheegay in waxa Berbera ka socdaa wax loo dul-qaadan karo ah, isla markaana ay xaaladda nololeed ee dadka deegaankaasi meel adag oo cabbudhin, xadhig iyo eryasho ay ku kasbadeen haka hadlina Dekedda, Haamaha iyo Goobaha kale ee la wareejinayo ee ay Xukuumadda talada haysaa doonayso inay Shirkado gaar loo leeyahay ku wareejiso kuwo waddani ah iyo kuwo dibedda laga leeyahay-ba. Waxaanu intaas ku daray in Xukuumaddu adeegsanayso Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi (Cali-gadh-dheer) oo Saaxil u dhashay, isla markaana uu ku tallaabsado maalinba go’aanka Madaxtooyada looga yeedhiyo, kuna kacay tallaabooyin cabbudhin iyo xadhig ah oo uu ku hayo dadweynaha reer Berbera iyo Suxufiyiinta halkaas ka hawlgasha.
Waxa uu Xildhibaan Siciid hambalyo u diray Garsoorka dalka, gaar ahaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, waxaanu yidhi; “Maanta Garsoor baynu leenahay, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan aad iyo aad baan u hambalyeynayaa, waxaan leeyahay cid allaala cid ku eryi kartaa ma jirto, Shacabkiisii ayuu Aadan haystaa, Golayaashiisii ayuu haystaa, waan hambalyeynayaa Garsoorka, Golihii Wakiilladuna wuu jiraa, Golihii Garsoorkuna wuu jiraa, Guurtida ILLAAHAY baan ka baryayaa inuu soo hadeeyo, Saleebaan baa inna hor-taagan.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo la hadlaya Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, waxa uu yidhi; “Waxaan idiin sheegayaa Saxaafaddi way xidhan tahay, waxaan leeyahay Caliyoow (Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha) siiddaa Saxaafadda. Taliyaha Booliska ayaan la hadlayaa, meel allaala iyo meel uu Cali-Gadheer ama Wasiir Ku-xigeenkaasi kugu xukumaa Fadaloow ma jirto, Booliskuna Awaamiirta Dastuur buu u maraa iyo Xeerarka dalka, maaha in qofoonu Taleefan kaa yidhaahdo Xidha.”
Sidoo kale, mar uu Xildhibaan Siciid Cilmi ka hadlayey Rag Odayaal ah oo reer Berbera ah oo uu sheegay inay Xukuumaddu Ciidammo iyo Tikniko ka daba-dirtay markii ay Berbera iskaga baxeen ka dib, waxa uu yidhi; “Maanta Raggii waaweynaa markii magaaladii Berbera dee Sallacalee, la yidhi qabta way iskaga baxeen oo Toolooyinkii bay u baxeen Geel-loo-kor iyo, Tuulooyinkii baa Saaka (Shalay gelinkii hore) lagaga daba-tegay, Saddex Tikniko ah baa la diray oo loo diray Tuulooyinkii Berbera ee Geel-loo-kor iyo, bal haddii halkaa wax ka dhacaan yaa ka masuul ah? Maxaa dadka loo daba-galayaa loo eryanayaa, haddii Berbera loo diiday oo la yidhi haku hadlina Afkiinna oo ay iskaga baxeen maxaa loo dabagalayaa oo loo eryanayaa.”
“Anigu waxaan leeyahay xaalad xun baa Berbera ka taagan, waa dad aad iyo aad Gob u ah, laakiin Xeebo iyo Kulayl ku nool oo hadday soo jeestaan Dhiig kulul, haddii laga hadhi waayana way soo jeesan, hadday soo jeestaanna waa garanaysaan waxa dhacaya. Waxaan u digayaa Xukuumadda dhegaha la’a ee dalka ka talisa ee wakhtigeedu dhammaaday, inta la kordhiyeyna doonaysa inay boob ku dhammaysato, waataad ku go’daan inaanay cunaha idiin marahayn, waxaan leeyahay ka hadha dadka reer Berbera.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u warramay Telefeshinka Star Xalay.
Waxaanu Xildhibaan Siciid sheegay in Culays iyo Cadaadis Ganacsi lagu hayey reer Berbera, immikana loogu daray dhibaato ka sii badan oo xadhig iyo cabbudhin ah, waxaasina aanay ahayn wax ay reer Berbera iyo Saaxil gayaan ee qalad iyo badheedh lagula kacayo oo la doonayo in lagu kiciyo ay tahay sida uu hadalka u dhigay, isagoo sharci-darro ku tilmaamay tallaabooyinka ay Berbera ka waddo Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
No comments:
Post a Comment