Wednesday, October 7, 2015

Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Sii Daysay Laba Wariye Iyo Abwaan 4 cisho ku Xidhnaa Magaalada Berbera

 

 

Berbera 7,October,2015-(Himilo)-Maxkamada gobolka Saaxil ayaa maanta oo Arbaca ah xoriyadoodii u celisay xabsigana kasii daysay laba wariye iyo abwaan mudo afar cisho ah ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaalada Berbera.

Laba wariye oo ka tirsan saxaafada madaxa banaan ee Somaliland kana hawlgala TVyada Somnews iyo Kalsan Tv iyo abwaan reer berbera ah ayaa maalintii sabtidii ciidamada booliiska gobolka Saaxil oo amar ka haysta wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Xabsiga u taxaabeen.

maxkamada gobolka saaxil ayaa sheegtay in xadhiga wariyayaasha iyo abwaanku aanu ahayn xadhiga sax ah balse uu yahay tacadi uu ku kacay wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Somaliland.

Xadhiga wariyayaasha iyo Abwaankan ayaa daba socday qorshe ay xukuumadu ku wareejinayso haamaha kaydka shidaalka oo muran wayn ka dhaliyay Gobolka Saaxil.

Maxkamada Gobolka Saaxil oo saaka la horgeeyay wariyayaashan , si ay u qaado dacwada lagu soo ooggay ayaa sheegtay in lasii daayo suxufiyiintan iyo abwaanka.

 

Halkan Hoose ka akhri Qaraarka maxkamada gobolka Saaxil ku siidaysay Wariyayaashan

 

 

Warqada-MAXKAMAD

No comments:

Post a Comment