Ankara October 5, 2015(Himilo)-Dawlada Turkiga ayaa sheegtay inay joojisay duulimaadyada Diraayadaha Ruushka oo ku xadgudbay hawadeeda meel u dhaw xuduudka ay wadaagaan Syria.
Wasiirka arimaha Dibada ee Turkiga ayaa uga digay dhigiisa dawlada Ruushka in hadii diyaaradaha Ruushku soo galaan hawada Turkiga ay xukuumada Moscow masuul ka noqon doonto wixii ka yimaada xadgudub kale oo ay sameeyaan Diyaarada Ruushku, Isagoo arrintaasina kala hadlay Wasiirada NATO.
Safiirka Russia, ayaa looga yeedhay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ankara. Turkiga ayaa si xooggan uga horjeeda ololaha duqeynta Russia uu ku taageerayo madaxweyne Assadka Syria.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dagaalka Syria maanta Brussels kagala hadli doona madaxda Midowga Yurub.
Hoggaamiyayaasha Yurub, ayaa rajeynaya heshiis xadeynaya qulqulka muhaajiriinta Syria ee Yurub kaga soo gudba Turkiga.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment