Monday, October 5, 2015

Kaashkii Somaliland Yaa Liqay!!!?

Waxa taariikhda ku suntan sidii loogu diirsaday soo bixitaankii noodhka adag ee ummadda reer Somaliland leeyihiin, taasi oo ku beegnayd wakhti adag iyo xaalado qalafsan oo lagu jiray dagaalo uurku taalo xun ku yeeshay dhamaan inta sammaha jecel, halka dad badani doodo adag kaga soo horjeedeen in la hirgaliyo lacagtaasi taasi oo ay ku sababeeyeen in sixir barrar uu dhici doono iyo in aanay jirin dawlad adag oo maamusha, waxaana laga hortagay is hortaag adag iyo ku jiqsii ilaa maalin dhawayd ay soo gaadhay in Burco laga baddallo oo loo maaro waayo in laga hirgaliyo gobollada bari gaar ahaan.  Waxa jiray in barigaas nin maqaalo ku qoray jaraa’idka uu kaga soo horjeedo taasi oo uu aad ugu naqdiyay hirgalinta Lacagtaasi, balse waxa maalin si kadisa loogu yeedhay in uu yimaado Madaxtooyada oo Marxuum Cigaal Allaah ha u naxariistee uu ku doonayo, fajac iyo amakaag ayaa ku dhacay waanu u qaadan waayay, balse wuu ka qayb galay kulankaasi Cigaalna waxa uu amaanay qaabka uu u taxliilyay Lacagta iyo saamaynteeda dhaqaale ee suuqyada lacagaha lagu kala gadayo, Madaxwayne Cigaal waxa uu xasuusiyay saaxiibkaa in arragti fog uu ka leeyahay arrintaasi oo aanu marnna aqballayn in SUUQA BAKAARAHA laga xukumo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee reer Somaliland, waxa uu kusii daray waanu ognahay in sixir barar dhici doono balse balaayo taa ka wayn baanu ka gaashaamanaynaa. Saaxiibkii oo aad madaxa u luxaya garawsaddayna arrinta iyo qiimaheeda ayaa kasoo baxay Qasrigii Cigaal.

Waxa iyana xusid muddan in ganacsatadii barrigaasi ay hiil iyo hoo la agtaagnaayeen dawladii Somaliland ee wakhtigaa ku beegnayd, taasi oo dakhliga iyo kala socodka dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ay ku tiirsanaayeen ganacsato uu u magac dheeraa Ibraahim Dheere oo markabkii u horreeyay Berbera kusoo xidha dalka keenay una horseeday Caalamku in ay kusoo dhiiradaan, ta kale sidda dad xogogaali sheegeen Gaar ahaan Oday Muuse Dalab waxa lacagta Soomaaliland lacagtii lagu soo daabacay jeebkiisa ka dhiibay ganacsadahaa aan soo xusnay, halka ganacsato kale oo reer somaliland ah oo bari iyo galbeedna hawsha dhinacooda u hayeen waxaan isaga u xusay waa qaybtii libaax ee uu lahaa maahanna mid marag iiga baahan ama aan si hoose ugu xaglinaayo. Waxa muuqata in ganacsataddaasi ay lacagtooda la barbartaagnaayeen Xukuumadihii dalka soo maray. Taa badalkeedana bulsho waynta reer Somaliland waxay helleen Dawlad adag oo ay ku diirsadeen galdaloolooyin ha jiraane, hadhkii dawladnimona waxa uu gaadhay meelo fog fog halka dhawaaqiina uu gaadhay dacalada dunida oo dhan.

Haddaan si toosa ugu soo gunda dago ujeedada qoraalka oo ah KAASHKII SOMALILAND YAA LIQAY, runtii waa dood dadku ku kala arragtiyo duwan yihiin, waana sida caadiga ah wax ku abuuran Aadamaha waxaase jira in wax kasta oo la sheegayo in loo hayo caddaymo cadcad lagana dheeraado ku tidhi ku teenta iyo wararka suuqa ee ujeedooyinka gaarka ah leh iyo hebel jeclaysiga, markastana waxa muhiima in miisaanka la saaro dhacdooyinka waaqaca ka dhacaya iyo saamayntooda dhaqaalaha iyo Amaanka ummadda ahba. Waxa dad badani ku doodaa in Baanka Somaliland intii uu Geeriyooday Marxuumkii hore Cabdiraxmaan Ducaale in loo maara la’yahay qaabka loona noolaado gadgadiska suuqyada lacagaha Somaliland, taasi oo uu khabiir ku ahaa Marxuumkaasi si xirfadlehna ulla macaamili jiray xaalad kasta oo dhacda, waliba wakhti jawigu ka adkaa kana kakanaa kan hadda jiray, waxa maqan guud ahaan saamayntii Baanka ee ahayd in uu Maamulo hababka maaliyadeed ee Dalka siyaasad ahaan iyo dhinaca shuruucda iyo kala haggida shirkadaha maaliyadeed ee dalka ka jira iyo kuwa samaysmi doona, waxaan laf dhuun gashay baankii ku noqday in uu ku dawakho dakhliga Dawlada oo u dhiib iyo sii uun uu ka dhexeeyo iloobayna in uu yahay Aabaha Maamulka Maaliyada dhextaal Dalkan curdinka ah ee Somaliland la yidhaahdo, tusaale Maxkamadduhu sida ay u shaqeeyaan waa qaab madax bannaan oo daboosha dhamaan baahiyaha dacwadeed ee dalka, sidaa si la mida ayaa looga baahnaa in uu Baanku dhabarka u rito dhamaan hawlaha maaliyadeed mid dadwayne, dawladeed iyo tu shirkadaha gaarka loo leeyahayba

Sidaa daraadeed dadka qaarbaa ku dooda in bulshoweyntu tahay cidda kaliya ee hagratay Baanka waayo way aamini waayeen oo waxay lacagaha ku kaydsadaan qaabab ay iyagu door bidaan, doodaasi oo si toosa u weeraraysa bulshawaynta ayaa marka loo kuur gala aad dareemaysa in wax badan run ka yihiin, waayo qofku haddii aanu qarankiisa qiimayn qarankiina qiimo ma yeelanayaan dhamaan hay’adihiisa u addeega bulshawaynta ee ka madhan macaash-doonka cid gaara, waana waajib qof walba saaran in uu xisaab ka furto Bangiga si dawlada diiftu uga fuqdo, haddii kale cabashada dhaqaale marna kor looga toosi maayo, waana warran ku taagnaan doona illaa bulshadu dareento u haggar bixida iyo la shaqaynta hay’adaha dawlada oo ah hantida kaliya ee ka dhaxaysa reer Somaliland. Waxa la yidhaahdaa ruqe ninkii lahaa dabada hayaa miyuu kacaa.

Dood saddexaad baa jirta oo si toosa farta ugu fiiqda shirkada Maaliyadeed ee dalka ka jira, balse waxa laga rabbaa dadkaasi sifayn cad oo cilmiyaysan, waxa iyadu aan marna la dafiri Karin in baahida ugu wayn ee in Baanka Dhexe ee Somaliland in uu si fiican u shaqeeyaa ay danta ugu wayn ugu jirto dadka lacagaha iyo Maaliyadaha Maamula, waayo haddii shuruucdii kala hagi lahayd iyagu isku dhexyaacdo yaa kala gurrayaaya Shirkada gaarka loo yahay, waayo dalku wuu korayaa ee qaabkan ii hay hadhawna isii ee xisaabaadka loo maamulaa ma shaqaynaayo, macaamiishuna way korayaan oo waxay ubaahanayaan adeeg adag oo ay isku hallayn karaan, waliba ta kasii daran waa haddii ay yimaadaan Shirkado shiyeeye oo dibada ka socdaa, su’aasha ugu horraysa ee ay ina waydiinayaan waa Shuruucda Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo ka Maaliyadeed, dee may inna waddaysaa sheekadan Caasha Qushida dumarkana aan la kaftamee.

Haddaba haddii gorafkii aynu ku maalayna Maandeeq aynaan wadda ilaashan Bulsho, Dawlad, Ganacsato in loo wadda gunttado siddii loo wadda toli lahaa, cid walibana meesha ku beegan ee ay joogto laabta usiidayso sidii danta gaarka ah looga hore marin lahaa ta guud ee innawadda saamaysa.  Odayaashii reer Somaliland Dawlad bay inoo dhiseen Allaah baana inoo suurta galiyay, dee in aynu si xirfad leh oo Islaamka iyo Qawaaniinta Caalamka ee waafaqsan shareecada waa in aynu ku dhaqanaa waliba dunidu maanta waxay noqotay edag kaliya, waxaana jira dad badan oo dunida Islaamka iyo dadka kale dunida lasoo macaamilay, waxa looga fadhiyaa wixii ay soo dhugteen in ay inoo soo dheegaan. Dawladana waxa marti looga yahay in ay dhegaha u furto, bulshadana waxaa la gudboon in ay guddoomaan wixii lasoo go’aamiyo laguna Adeeco dawlada wixii aan Allaah ka cadhaysiinayn. taasi waxaan fillayaa in ay tahay waddo wacan waxaana jira waddooyin badan oo ka wanaagsan oo bulshada dhexdeeda ceegaaga balse ciddii rumayn lahayd la la’yahay, taasina waa mid hortaala dadka hanka leh iyo kuwa hadda kuraasta fadhiya.

Gabagabdii in wax la dhaliilaa waa shay fudud balse in wax la dhaqaajiyaa waa shay adag, waxaana ka adag dadka ka adkaada ee dhaqaajiya rumeeyana riyadooda ay ku riyoodeen, sida looga baxayaa waa arrin dulsaaran dhamaan dhinacyada aan soo sheegnay oo Hasha kaliye ee aynu wadda maalnaana waa waxa casrigan loo yaqaan Dawlada. in dhinacyaduna si hoose isku xantaan oo hoosta la iskaga dusiyo ama cidiba cidda kale ku riixdaa waa waddada guul darrada, geesinimadduna waxay ku qurux badan tahay in qofkastaa qoortiisa saaro masuuliyada ku beegan mid qof qof ah iyo mid koox kooxa, waana in laga yeeshaa tallo qaran haddii uu shillinku qiimo dhaco waxa qiimo dhacaya mid ka mida tiirarka ama dhaabadaha ugu culus ee Dawlad casriya wakhti xaadirkan lagu tilmaansaddo guuldaraduna qof kasta gurigiisa ayay ugu soo hoyan, waxaan aad ula yaabay nin ka mida sariflayaasha oo ku callaacalay sida ay lacagtu u qiimo dhacayso haddaan la af qaban xaalada lacagta ee hadda, ninkaasi waxa uu ku tiraabay oo sheegay in waxkasta lagu kala iibsado Dollar, waxa wax lala yaabo ah iska daa dunida fog foge waddamada aynu jaarka nahay dadwaynahooda qaar baan waligoodba arrag waxa doolarka la yidhaahdo oo idaacadaha uun ka maqla sida uu ii sheegay nin macalin noo ahaa waxa doolarka iigu horraysay markaan hargeysa imid, ta kale waxa dalka ka dhoofay xoolo nool oo kor u dhaafay 2 milyan haddana Dollarkii inyar muu liicin, waaba yaabka yaabkiisee iyadoo uu aad hoos ugu dhici jiray xaaladahan oo kale ilaa heer uu gaadho in qiimihiisa uu waayo ku dhawaad 25% (boqolkiiba shan iyo labaatan) maanta inyar muu hinqan,

Waxa intaas gaaska dabka ku sii shiday in dhamaan Dolllarka Dibada laga soo diraa uu toos ugu tago ganacsatada oo qofka loo soo diray iyo Dukaanka ama Bakhaarku af iyo gacan isku noqdeen, halkii wax lagu iibsan lahaa Lacagta Somaliland oo sharaf iyo karaamadeenu ku jirto, sidaa daraadeed suuqii wax lagu kala sarifan jiray meeshuu kasii baxayaa waxaana dhacday in wax kastaa noqdeen af iyo gacan, runtii dhinacyo badan way ka fiican tahay balse dhaqaalaha guud iyo kaabayaasha dhaqaalaha siday u saamaynaysaa weeyaan waydiintu waana arrin u taala doodeedu dadka aqoonta durugsan u leh gadgadiska suuqyada iyo sarifka sida ay u saameeyaan quutal darruuriga qaataa ma dhargaha iyo dadka ladan.

Qalinkii : Ahmed Ali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com

 

Ahmed Ali Kaahin

0025 2 63 4425881

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment