Kulalampur, 11 October, 2015-(Himilo)- Xukuumadda dalka Malaysia, ayaa soo saaray go’anno cusub oo wax uu dhimaya Ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalkaas oo hore ugu tegi jireen Fiisooyinka Caafimaad ama Dalxiiska, sida Sharciga dalkaasi uu dhigeyo in aan la oggolayn ciddii Fiise Caafimaad ku gasha dalka ay haddana wax ka barata dalkaas, waxaana Xukuumaddu sheegtay in Ardayda wakhtiga ku jooga Fiise Caafimaad haddana-se waxbarasho ku jooga dalka laga saari doono.
Boqollaal Arday Soomaali ah, ayaa sannad walba dalka Malaysia u Safra si ay waxbarasho heer Jamacadeed u qataan, kuwaasoo qarkood ku soo galayaan dalka Fiisooyinka Caafimaadka ama Dalxiiska ayey Xukuumadda Malaysia, ay sheegtay in ay Ardaydaas dib u celin doonto. Maxamed Aadan Yuusuf (Haami) oo Jamacadaha dalka Malaysia uu qaabbilsan Ardayda Soomaalida, ayaa uu sheegay Ardayda doonaysa in dalka Malaysia wax ka bartan in aanay dalka ku soo gelin Fiisooyinkaas hore. Hase-yeeshee, ay dalbadan dalka inta ay joogan waxbarashada, waxaana Ardaydaas loo soo bandhigay fursado kale dhinaca waxbarashada ah.
“Waxa jirtay wakhtigii hore in ay dadka Soomaalidu ama dadka kaleba ay ku soo geli jireen Fiisooyinka Cafimaad ama Dalxiis, ka dib markaas ayey u wareegi jireen Fiiso Ardaynimo oo ay waxbarasho waddankaasn ku sii joogii jireen. Arrintasina way ka fursan waday oo waa la joojiyey, qofka haddii uu ku soo galo fiise Dalxiis ama Caafimaad ka dibna isku dayo inuu wax ka barto way ku adkaneysaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ardayda Soomaalida ee Malaysia wax ka barata Maxamed Aadan Yuusuf (Haami) oo waraysi siiyey Telefeshinka Somalichannal.
Waxaanu Maxamed oo sii wada faahfaahintiisa uu intaas ku daray; “Waxaanay noqoneysaa in qofkaasi uu dalkiisa ku noqdo ama dalalka kale ee deriska la ah Malaysia ka dibna uu soo codsadaa fiise cusub ka dibna uu dalka ku soo noqdaa, markaa arrintaas xalkeedu waxa weeyaan ee sida ugu habboon noqoneysaa Ardayga isagoo dalkiisa Hooyo jooga in uu soo diro Waraaqihiisa iyo Foomkiisa ka dib loo xareeyo.”
Maxamed Aadan waxa uu sheegay inay jiraan Waraaqo ay xaraysanayaan dadka doonaya inay waxbarasho u tagaan dalkaas, waxaanu yidhi; “Waxa jirta Waraaq la yidhaa Calling Letter ama Approval oo ah Waraaqda Waxbarashada ee qofka lagu aqbalo oo qaadaneysa muddada jawaabtaasi 2 illaa 3 toddobaad ah. Ka dibna marka uu Waraaqda helo Ardaygu ayuu dalka u soo dhoofi karaa, isla markaana Waxbarashadiisa uu bilaaban karaa, taasina waa qodobka keliya ee xalka uu ah ee ay Ardaydu ku soo geli karaan waddankan.”
“Waxaana Ardaygu kala socon karaa halka ay marayso hawshiisu Shabakad cusub ay samaysey Wasaaradda Waxbarashada dalka Malaysia oo la yidhaa www.EMGS.com oo ka heli karo Macluumadka uu u baahan yahay ciddii doonaysa in dalka Malaysia ay wax ka bartan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ardayda Soomaalida ah ee Malaysia Maxamed Aadan Yuusuf (Haami).
Sharcigan cusub ee ay dawladda Malaysia soo saartay, ayaa ah mid si weyn u saamaynaya Ardayda Soomaalida ah ee dalkaas wax ka barta ee halkaas hore ugu joogay Fiisooyinka Caafimaad iyo kuwa Dalxiiska iyo weliba kuwa dhawaanahan isu diyaarinayey inay Fiisooyinkaas oo kale ku tagaan, inkasta oo Sharciga cusub ee ay dawladdu soo rogtay lala qabsan karo, haddana waxoogaa caqabad ah ha u badnaadaan kuwo hore qaabkaas ugu joogaye ayuu ku keenayaa nidaamkaas hore ay Ardayda Soomaalida ahi ula qabsadeen ama ugu dhaqmi jireen.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment