Sunday, October 11, 2015

WADDANI oo Xukuumadda ku eedeeyey Masuuliyadda amni-darro ee Awdal & weerarkii Guriga Badhasaab Ramaax

Hargeysa, 11 October, 2015-(Himilo)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Xukuumadda Somaliland dusha ka saaray Masuuliyadda dhibaatooyinka amni daro ee maalmihii u dambeeyay ka taagnaa gobolka Awdal.

WADDANiXoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in Magaalada Borama ilaa 1991-kii ahayd halka ugu ammaan badan Somaliland, laakiin dhibaatooyinka hadda ka socdaa ay la da’ yihiin Xukuumadda talada haysa.

Mr. Uur-cadde oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Weerarka Borama ka dhacay (Guriga badhasaabka Awdal) maaha wax dibadda kaga yimid ee waa hawl xukuumaddu abaabushay Cid kasta oo fulisayba.”

Xoghayaha Guud, waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Nabadgelyo-darradaa ka taagan Boorama waxa Masuul ka ah Xukuumadda Somaliland, iyadaana dusha ku qaadeysa Masuuliyadda dadkii dhintay, kuwii dhaawacmay iyo werwerka haya dadkaa Masaakiinta, waayo Boorama illaa 1991-kii, waxay ahayd meesha ugu ammaan badan Somaliland. Laakiin, Xukuumaddan ayaa intay talada haysay bilawday (ammaan-darrada).”

Uur-cadde oo farriin dirayaa waxa uu yidhi; “Madaxwayne Ku-xigeen idiinkaa ka masuul ah arrintaa, idinkaa loo baahan yahay inaad wax ka qabataan, waayo? Waxa ka soo baxa Boorama ummadda Somaliland waxay u raaceysaa Xukuumadda maanta joogta.”

Xoghayaha WADDANI, waxa kale oo uu tilmaamay in Xukuumadda sugi wayday ammaanka Badhasaabka Awdal ee gurigiisa lagu weeraray aanay shacabka reer Borama ammaankiisa ilaalin Karin, waxaanu yidhi; “Nasiib-darrada Maanta jirtaa waxa weeyaan Badhasaabkii ayay ammaankiisa sugi kari wayday Xukuumaddu, hadday Badhasaabka ammaankiisa sugi kari wayday ma shacabka Boorama ayey ammaankooda sugeysaa? Waxaan leeyahay waa masuuliyad-darro iyo xil-gudasho la’aan.”

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment