Saturday, October 10, 2015

Diyaarado joog-hoose ku duulaya oo shalay lagu arkay Xuduudka Somaliland & Itoobiya ee kooxda Wabar ku dhuumaalaysanayaan

Qulujeed, 10 October, 2015-(Himilo) – Deegaannada gobolka Awdal ee ku teedsan Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay diyaarado loo maleynayo inay leeyihiin Ciidammada Itoobiya.


Diyaaradahan oo ah Helikobtarada Ciidammadu adeegsadaan ayaa labadii gelin ee shalay iyaga oo joog hoose ku duulaya dul heehaabayey deegaannada ku teedsan Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan deegaannada ku dhow degmada Qulijeed ee gobolka Awdal.


diyaarado


Dad ku sugan deegaanka Qulujeed ayaa Xalay Wargeyska Himilo u sheegay in laba Helikobtar oo kuwa Ciidammada ahi ay shalay gelinkii hore kaga yimaaddeen dhanka Galbeed ee xuduudka Itoobiya isla-markaana gelinkii dambe mar kale soo dul-mareen.


“Galbeed-guntii ayay nagaga yimaaddeen diyaaraduhu saaka, galabtana (shalay) waxay noo dhaafeen dhanka Galbeedka ee Itoobiya” Sidaa waxa sheegay qof goob-jooge ahaa oo la hadlay Himilo.


Waxaanu intaa ku daray in diyaaradahan oo joog hoose ku duulayey ay ku koobnaayeen Xadka labada dal “Diyaaraduhu waxay raacayeen Xadka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Goob-jooguhu.


Dhaqdhaqaaqa diyaaradahan ayaa ku soo beegmaya toddobaado ka dib heshiis dhanka ammaanka ah oo ay kala saxeexdeen dawladda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo salka ku haya in Itoobiya wax ka qabato Jabhadda Suldaan Wabar ee dhaqdhaqaaqyada ammaan daro ka wadda gobolka Awdal. Waxaana loo maleynayaa in dawladda Itoobiya bilaabayso tallaabooyinka ay wax kaga qabanayso kooxda Suldaan Wabar.


Sidoo kale, Warar aan la hubin ayaa sheegay in dawladda Federaalka Itoobiya wakhti ay  dalkeeda kaga baxaan u qabatey Suldaan Wabar iyo kooxdiisa oo la rumaysan yahay inay gudaha Itoobiya ku dhuumaalaysanayaan.

No comments:

Post a Comment