Hargeysa, 10 October, 2015-(Himilo) – Xoghayaha guud ee xisbul-xaakimka KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf ayaa beeniyey in xubnaha beesha Arab ugu jira Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ay isku raaceen inay taageeraan Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo dhawaan shaaciyey inuu u tartamayo Musharraxa Madaxweynaha ee xisbigaasi.
War-saxaafadeed uu xoghayaha guud ee KULMIYE ka soo saaray Hargeysa oo soo gaadhey Himilo ayuu ku sheegay in aanay waxba ka jirin Warkaas oo lagu baahiyey shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com
War-saxaafadeedka oo dhamaystiranna waxa uu u qornaa sidan:- “Anigoo ah Xasan Siciid Yuusuf, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, kana tirsan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ee beesha Arab, waxaan halkan ku beeninayaa war been abuur ah oo ay qortay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, kana xigteen warbaahin kale, warkaas oo ay ku sheegtay in xubnaha golaha dhexe ee beesha Arab ay si buuxda isugu raaceen taageerada Murrashaxa Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe kadib shir ay isugu yimaaddeen doraad (Khamiistii). Haddaba, waxaan caddaynayaa in aanay waxba ka jirin warkaasi oo uu yahay mid been abuur ah.
Waxa jiray shir casuumad qado ahaa oo ay qabteen salaadiinta beesha Arab, kaas oo aan haba yaraatee cid lagu taageeray iyo cid lagu diiday toona aanay jirin, waxaanna shirku isku raacay in xubnaha golaha dhexe ee beesha ugu jira KULMIYE ay gaar isku arkaan oo ay ka wadatashadaan arrimahooda Xisbinimo. Sidaa darteed, xubnaha golaha dhexe waxay yeelan doonaan wadahadallo iyo wadatashiyo gaar ah, isla markaana waxay si dhakhso ah uga soo saari doonaan is-afgarad ay ka gaadhaan danahooda.
Waxaan uga digayaa warbaahinta inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah ee aan waafaqsanayn anshaxa iyo dheeltirka wareed, iskana horkeenaya bulshada”

No comments:
Post a Comment