Saturday, October 10, 2015

Mushahar la’aanta Ciidammada Soomaaliya oo saamaayey xidhiidhka Dawladda & Qaadhaan-bixiyayaasha

Muqdisho, 10 October, 2015-(Himilo) – Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa heshey Warbixin ay arrimaha Soomaaliya ka qortey hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee dalalka Eretria iyo Soomaaliya, waxaana war-bixintaa lagu sheegay in awood darida dawladda Soomaaliya ka haysata inay bixiso Mushaharaadka askartooda ama xataa ay siiso cuno inay khatar galisey isla-markaana waxba kama jiraan ka soo qaaday sannado badan oo howl adag ay ku jireen iyo guulihii ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jireen Al-Shabaab oo ay ka saareen deegaanno badan.


Labadii bilood ee la soo dhaafey ayey warbixintu sheegtay in Maleeshiyadka ku xidhan Al-qaacida ee Al-shabaab ay u suurta gashey inay qabsadaan xeryo ay degganaayeen ciidammada nabad-ilaalinta, iyagoo dibna u qabsadey dhowr Magaalo oo yaryar oo ay ka soo baxeen ciidammada dowladda oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.


Iyadoo aanay cidna fileyn in kooxda Al-shabaab ay  dib u qabsado dhulkii hore ay uga saareen ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya, ayaa waxa hadda jirta cabsi laga qabo in dedaallo sanado socdey oo la doonayey in dib loogu habeeyo ciidammada ay meel cidlo ah ku soo dhammaan doonaan,  iyadoo askarta qaar ay ciidammada isaga tagayaan, qaar ay Isbaarooyin dhiganayaan, qaar kale ay laaluush qadaanayaan, halka ay jiraan kuwo kale oo iyagana aaanan niyad u hayn in ay dagaalamaan.


Warka Soomaaliya


Mushahar la’aanta ciidammada ee lixda bilood soo jiitameysay, ayaa waxa ay sii xumeysey xidhiidhka dowladda iyo Qaadhaan-bixiyayaasha caalamiga ah sida Mareykanka iyo Waddamada Yurub, kuwaasoo balaayiin dollar ku maal galiyey in Soomaaliya lagu nabadeeyo, isla-markaana lagu xaddido siibo xagjiriinta ku sii fidaya Geeska Afrika.


“Inaad xukuntu ciidammo aan Mushahar la siin waa dhibaato, waayo amaradaadu waxay ku dhacayaan dhago Awdan” Sidaa waxa yidhi, Colonel Faarax oo ka mid ah Taliyayaasha Milatariga Soomaaliya sida ay baahisay Reuters.


Waxaanu intaa ku daray in askar badan oo aan mushahar qaadan ay isbaarooyin dhigteen Waddooyinka deegaannada ay ku sugan yihiin, lacagana kaga qaata dadka rayidka ah “Ciidammada uma kaxayn kartid furimaha dagaalka, waayo waxay ku weydiinayaan maxaanu u dhimaneynaa” ayuu hadalkiisa raaciyey Colonel Faarax


Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Cuno-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Erataria oo aan weli si rasmiya aan loo baahin, ayaa Reuters oo nuqul ka mid ah aragtay sheegtay in waxyaabaha lagu sheegay ay ka mid tahay in musuqmaasuqa ka dhex jira dawladda Soomaaliya uu sabab u yahay bixin la’aanta Mushaharka ciidammada.


Wakaallada Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in War-bixinta Qaramada Midoobay ku eedeysey Taliyayaasha Milatariga Soomaaliya inay si been abuur ah u kordhiyaan tirada ciidammada iyo in lagu takri faley Mushaharaadka loogu talo-galay ciidammada.


Warbixintan ayaa loo qebiyey golaha guud ee ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo aan la daabici doonin ilaa iyo inta ay dhammaan xubnaha golaha ammaanku eegayaan.


“Bixinta Mushaharaadka Ciidammadu  waa mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee aanu kala hadalno dowladda” Sidaasi waxaa yidhi diblomaasi reer galbeed ah oo la hadley Reuters, Isagoo intaas raaciyey in wakiillo kala duwan ay arrintaas kala hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, markaa dhammaanteen arrintan si dhab ah ayaanu uga walaac sannahay”.


Guddiga Qaramada Midoobay ee ‘Monitoring Group’, ayaa warbixinteeda ku sheegtey “Dhowr dhacdo ayaa muujiyey khataraha si xun u maamulka dhaqaalaha iyo khataraha ammaan ee arrintaas ka iman kara taasoo saameyneysa xasiloonida Soomaaliya, taasoo ka mugweyn oo kali ah musuqmaasuqa ka dhex jira hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka”


Warbixinta ayaa xustey in xadka ama heerka musuqmaasuqa iyo xorriyadda faro laga qaadka ah ee masuuliyiinta ciidammada Qaranka ay dhaawacdey kalsoonidii Qaadhaan-bixiyayaasha ay ku qabeen dowladda.


Dhanka kale, saraakiisha ciidammada qaar ka mid ah AMISOM ayaa khatar ka muujiyey ciidammada aan mushaharka qaadan ee ka bar-bar dagaalamaya.


Qaadhaan-bixiyayaasha adduunka ayaa rajeynayey in kaddib markii la wiiqey Al-shabaab in ciidammada Soomaalida ay la wareegi doonaan ammaanka meelaha ka baxsan magaalooyinka, laakiin Stig Jarle Hansen, oo ah khabiir  Jaamacadda NMBU ee dalka Norway wax ka dhiga, ayaa sheegey in ayna Al-shabaab marna tir-tirmi doonin haddii aan la sugin ammaanka meelaha miyiga ah “taana waa inay Soomaalida lafteeda sameeyaan” ayuu yidhi, Khabiirka oo la hadlay Reuters.


Mid ka mida la Taliyayaasha reer galbeedka ee dhanka ammaanka ayaa sheegey in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ay 1500 oo askar ah oo xareysnaa ay hadda ka joogaan 800 oo kaliya, iyagoo taana ku beddeshey isbaarooyin sharci daro ah si ay noloshooda ugu debbaraan, maadaama oo aan la siin Mushahar.

No comments:

Post a Comment