Saturday, October 17, 2015

Midawga Yurub oo Heshiis dhinacyo kala duwan saamaynaya la galay Turkiga oo Diyaarad Dagaal soo riday

Brussels, 17 Octeber, 2015-(Himilo)- Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub, ayaa kulan ay yeesheen waxay ku go’aamiyeen in Malaayiin Lacagta Yurub ah iyo Fiisayaal la siiyo Turkiga, taasoo beddelkeedana Turkigu xakameeyo Qaxoontiga Suuriya ee dalkiisa soo maraya una gudbaya waddamada Qaaradda Yurub.
Midawga Yurub, ayaa Turkiga ugu ballan-qaaday Mucaawimo dhan saddex Bilyan oo Euro una dhiganta ($3.41billion) Doollar. Waxaa sidoo kale Turkiga loo fududeynayaa gelista Muwaaddiniintiisa ee waddamada Yurub. Waxaana la dardar-gelinayaa dib-u-eegista wadahadallada dalka Turkigu ku doonayo ka mid noqoshada Midawga Yurub.
Hoggaamiyeyaasha Yurub, ayaa shir ka dhacay Brussels, waxay goor hore oo Jimcihii ah ku sheegeen inay isla qaateen Madaxweynaha Turkiga qorshe hawleed lagu horumarinayo 2 Milyan oo Qaxoonti Suuriya ah oo Turkiga ku sugan, sidoo kalena loogu dhiirrigelin lahaa inay halkaas joogaan oo ay ka nagaadaan Safarrada ay dalalka kale ee Yurub ku beegsanayaan.
Donald Tusk oo kulankaas guddoominayay, ayaa sheegay in wadahadalka toddobaaddan kula jireen Madaxda Turkiga ujeedkiisu yahay sidii loo joojin lahaa Muhaajiriinta Asia ka imanaya, isla markaana dhex-maraya waddanka Turkiga, kuwaasoo Yurub u sii gudbaya.
Raysal-wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel, ayaa sheegtay in qorshahani yahay sidii Qaxoontiga Suuriya meel dalkooda u dhaw loogu siin lahaa Mucaawimada Yurub lagu siin lahaa. Waxay sheegtay in hadda laga wadahadlayo halka laga keenayo lacagta Turkiga lagu caawinayo ee saddexda bilyan ee Yuuro (Euro) dhan.
Geesta kale, dawladda Turkiga ayaa sheegtay inay Ciidammadeedu soo rideen diyaarad aan la aqoonsan cidda leh, oo la aamminsan yahay inay tahay kuwa aan duuliyaha lahayn, taasoo maraysay meel u dhaw Xuduudda Suuriya Turkigu la wadaago.
Millateriga Turkiga, ayaa sheegay inay ku xad-gusubtay hawada Turkiga, isla markaana aanay waxba samayn ka dibna markii digniino loo diray, balse ay ku joogsan wayday. Arrintan ayaa dhacday iyadoo ay Wakiilo ka socdaan Ciidanka Cirka ee Ruushka ay imanayaan magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga, si looga hadlo xad-gudub ay diyaaradaha Ruushka ku sameeyeen hawada Turkiga.
Dawladda Turkiga, ayaa hore diyaaradeheeda dagaalka ugu kicisay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo duqaymo ka waday dalka Suuriya, una gudbay gudaha Turkiga, waxaanu Turkigu ka digay inaanu mar dambe u dul-qaadan doonin inay Diyaaradaha Ruushku ku xad-gudbaan hawadda waddanka Turkiga..
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment