Wednesday, October 7, 2015

Tirada Xubno Golaha dhexe ee KULMIYE ugu jira Subeer-Awal oo Taageeray Musharraxnimada Muuse Biixi

“Waxaan caddaynayaa inaan ahay Muuse dabadii Musharraxa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Insha Allaahu Tacaalaa, taasoo aan muddaba ku taamayey inaan jagadaas gaadho..” Agaasimaha guud ee Warfaafinta Maxamed-ilka-case

Hargeysa, 07 October, 2015-(Himilo)- Aqlabiyadda Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE ugu jira Beelaha Subeer-Awal (Sacad Muuse, Baha Muuse iyo Ciise Muuse), ayaa la sheegay inay si buuxda u taageeradooda ula garab-istaageen Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan Jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas dhexdiisa.

Kulan isugu jira Qado iyo fadhi Qayilaad ah oo Xubnaha Golaha dhexe ee Beelaha Subeer-Awal ku yeesheen shalay Hoolalka shirarka ee Green Plaze Huteel ee Galbeedka Hargeysa sida la sheegay waxaa ka qaybgalay Konton iyo afar (54) Xubnood oo ka tirsan Xubnaha Golaha dhexe KULMIYE ugu jira Beeshaas, isla markaana Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyaal, Agaasimayaal iyo Xubno kale isugu jira oo Subeer-awal ka soo wada-jeeda, ayaa la sheegay inay ku shaaciyeen inay taageersan yihiin Musharraxnimada Muuse Biixi oo ay Codkooda siin doonaan Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo loo muddeeyey in la qabto tobanka bisha soo socota ee 11-aad.

Kulankaas oo ahaa mid Warbaahintu dibeda ka joogtay oo aan loo oggolaan inay goob-joog u noqoto marka laga reebo Sawirro guud kulankaas inay ka qaataan loo oggolaaday Weriyeyaal gaar ah, balse sida xubno ka qaybgalay xaqiijiyeen, waxay xubnahaasi isku raaceen inay codkooda siiyaan oo ay taageeraan marka la gaadho tartanka Jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa Musharrax Muuse Biixi Cabdi. Hase-yeeshee, ma war intaas ka sii faahfaahsan lagama helin Shirkaas lagu taageeray Musharraxnimada Muuse Biixi.

Hase-yeeshee, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), ayaa qoraal uu Bartiisa Facebook ku baahiyey xalay saacadihii dambe, waxa uu ku sheegay inuu Hambalyeynayo Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE kaga jira Beelaha Subeer-Awal sida ay isugu raaceen inay taageeraan oo ay Codkooda siiyaan Musharrax Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u diryaa Xubnaha Golaha Dhexe kaga jira Beesha Subeer-Awal ee Maanta (shalay) Caddaysy Mawqifkooda Taageerada Musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi ee jagada Madaxwayne-Nimada Xisbiga Kulmiye. Hambablyo ayàn leeyhay. Waxaan Caddaynayaa Inaan si buuxda u taageeray Mawqifkooda maaddaama oo aan ka mid ahay Golaha dhexe ee Xisbiga. Waxa kale oo aan caddaynayaa inaan ahay Muuse dabadii Musharraxa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Insha Allaahu Tacaalaa, taasoo aan muddaba ku taamayey inaan jagadaas gaadho.” Sidaa ayuu qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafintu Maxamed-ilka-case.

 

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

 

No comments:

Post a Comment