Tuesday, October 6, 2015

Wasaaradda Waxbarashada oo Shaacisay inaan dib loo fasixin Lacagihii laga qaadi jiray Dugsiyada Hoose

 

Waa immisa Tirada guud ee Macallimiinta Dugsiyada dawladda Somaliland waxa ka dhigaa?

Hargeysa, 06 October, 2015-(Himilo)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa beenisay jiritaanka warar sheegayey in Ardayda Dugsiyada dalka laga qaado lacago, isla markaana dhawaan abuuri doonaan urur u dooda Xuquuqda Macallimiinta dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Abiib Axmed Cali oo la weydiiyey waxa ka jira in dib loo bilaabay lacagtii bil walba laga qaadi jiray Ardayda Dugsiyada hoose/dhexe oo hore Xukuumaddu u joojisay, waxa uu ku jawaabay; “Barnaamijka Siyaasadda Waxbarashada ee Xukuumaddu waxa uu ahaa in Ardayda qofkii haysta lacag iyo kuwo aan haysan-ba ay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, Askariga toddoba Carruur ah dhalay haddaan waxbarashada bilaash looga dhigin ma geyteen Carruurta Dugsiyada, hadafkii ahaa in ilmo walba helo waxbarasho bilaash ah waynu gaadhnay.”

Abiib Axmed Cali, ayaa sheegay in weli Ardayda Dugsiyada sare laga qaado lacag bil walba, laakiin la wado qorshe Xukuumaddu arrinkaa ka yeelanayso sidii laga yeeli lahaa, waxaanu yidhi; “Waxa laga yaabaa in Lacagtii laga qaadi jiray Ardayda lagu dabooli jiray baahiyo yaryar, weli way jirtaa baahidaasi, sida baahiyaha Dusgiyada sare oo weli aan la mamnuucin lacagta Ardayda laga qaadaa u jirto. Siyaasadda dawladda inay bilaash noqoto waxbarashadu weeye, talladeediina waa lagu jiraa, immika ma jiro go’aan dawladdu ku shaacisay in dib loo qaado lacagtii Dugsiyada, waa bilaash.”

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlayey dood lagu falanqeynayey Macallimiinta Adduunka, kana qeybgaleen Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Abiib Axmed Cali iyo Marwo Sacdiya Muuse Axmed, ayaa sheegay in tirada Macallimiinta Somaliland ka shaqeeyaa gaadhayaan toban kun iyo afar iyo afartan Macallin, balse qiyaastii boqolkiiba 70% aanay tabobbar fiican lahayn. “Fasalkii waxa wax ku dhigta shan iyo konton Arday, isla markaana hal Buugta casharrada ayey wadaagaan 16-kii Arday, taasoo dhibaato ku ah dedaalkii Macallimiinta.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiir Sacad.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment