Saturday, October 17, 2015

Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha sare ee Somaliland iyo Kenya oo Kulan ku yeeshay Nairobi

 

Nairobi, 17 October, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga, ayaa shalay Xafiiskiisa ku qaabbilay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed oo Safar shaqo ku jooga magaaladda Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga waxa uu Hadiyad u siiyay Buugga Dastuurka dalka Kenya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland markii uu booqday. Waxaanay ka wadahadleen qodobbo kala duwan, sida ay warkan ku sheegtay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo baahisay.

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali waxay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya si ka wada-sheekaysteen iskaashi dhex-mara iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u horumarsan. Waxaanu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland ka mahad-celiyey sida uu Dhiggiisa Kenya ugu qaabbilay Xafiiskiisa.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, ayaa intii uu joogay Kenya ka qaybgalay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta dawladnimo sharci ku dhisan  iyo Maamulka ku dhisan hannaanka Axsaabta badan ee Qaaradda Africa iyo weliba shirka Shuruucda Deegaanka oo ay wadaagaan dalalka Bariga Afrika.

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment