Saturday, October 17, 2015
Madaxa arrimaha Xajka u qaabbilsan Soomaaliya oo ka hadlay Xujaaj diidday inay waddankooda ku soo laabtaan
Jiddah, 17 October, 2015-(Himilo)- Xujaaj tiro badan oo ka tirsanaa Xujaajta Soomaalida sannadkan Xajay, ayaa markii ay soo guteen Acmaasha iyo Waajibaadka Xajka, diiday inay dib ugu soo noqdaan dalkooda Soomaaliya sida uu baahiyey Wargeys ka soo baxa magaalada Jiddah ee waddanka Sucuudiga.
Hase-yeeshee, Madaxa arrimaha Xajayda Soomaaliya Axmed Luqmaan, ayaa ku dooday inaanu warkaas haynin xogtiisa oo dhan, balse uu maqlay. Balse, 31.48 % oo Xaaji oo Soomaali ah, ayaa doonaya inay iska dhiiban waddanka Boqortooyada Sacuudiga, iyagoo marka ku andacoonaya anaan ammaan fiican oo la isku hallayn karo iyo dhaqaale toona dalkooda Soomaaliya ka jirin, sida ay baahisay Jariiradda Al-Watan oo ka soo baxda dalka Sacuudiga.
“Soomaalidu waxay ku anducoonayaan inaanu amni wanagsan iyo dhaqaale fiicani toonka dalkooda ka jiran,taasina ay ku qasbeyso halkan (Sucuudiga) inay sii joogan.” Sidaa ayaa lugu yidhi Warka lugu baahiyay Jariirddda Al-watan.
Jariiradda oo soo xiganaysa Saraakiil iyo Shirkadaha duulimaadka ee ku dhaw Xujeyda Soomalida oo iyagu sheegay in aanay meel uga socon waddanka Boqortooyada, isla markaana ay dalab u direen dawladda, kaasoo ay kaga codsadeen oggolaansho ay ku sii joogi karaan waddankaas.
Madaxa arrimaha Xujeeyda Soomaalida Axmed Luqman oo Wargeyska Al-watan oo arrintan wax ka weydiiyey la hadlay, ayaa sheegay in warkaasii uu maqlay, balse ay sugi doonan wixii dhaca xilliga kama dambeesta ah ee Xujaajta loo qabtay ee Sucuudiga ay kaga baxayaan oo ah 15-ka bisha Muxaram.
Tallaabadan oo kale, waxaa hore u sameeyey Muwaaddiniin u dhashay waddanka Suuriya, kuwaasoo sannadkii hore markii ay soo guteen Waajibaadkii Xajka diiday inay Suucuudiga ka baxaan, dagaallada ka socda dalkooda dartii oo aanay niyaddu siin karin inay dib ugu laabtaan sida ay ku doodeen.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment