Saturday, October 17, 2015

“Hawshii Shirka KULMIYE oo dhami waxay gacanta ugu jirtaa laba Musharax, Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne Ku-xigeen Saylici, taasina..”

“Isweydiintu waa hore Xisbiga KULMIYE ma u soo martay iyadoo aanu hoggaankii Golaha dhexe samaynayn in shirkiisi la qabtay? HAA, waddadii xilligaa loo maray waa Siilaanyo Guddi dhex-dhexaad ah buu magacaabay....Hadduu mar ahaa Askari immika maahee waa Siyaasi, Aqoonyahanku maaha Qurba-joog waa nin dalka iyo dadkaba garanaya, laakiin keebaa immika ku haboon?
“Qabanqaabada shirka wakhtigan uma socdo siduu ku noqon lahaa Shir loo siman yahay, lagu tartami karo oo dhex ah, waxaan ku sababaynayaa…” Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ka mid Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE
Hargeysa, 17 Octobar, 2015-(Himilo)- Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ka tirsan Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay inaanay macquul ahayn inuu shirka Golaha dhexe ee Kulmiye qabsoomo, haddaanay Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Saylici joojin hawlaha ay gaarka u qabanayaan, isla markaana aanay ku gaadhi doonin danaha ay leeyahiin.
Cabdikariin Axmed (Xinif), ayaa shaaca ka qaaday in hore Xisbiga Kulmiye u soo martay xaaladad wakhtigan muranku ka taagan yahay ee qabanqaabada shirka Golaha dhexe oo Hay’adihii sharcigu siinayay aanay dhisnayn, balse loo baahan yahay dariiqii hore loo maray in loo raaco.
Cabdikariin Xinif oo weriye Sagal Mustafe X. Nuur oo Telefishanka Universal TV ka tirsan wareysi kala yeelatay xaaladaha ku xeeran qabsoomida shirka golaha dhexe, iyo arrimo la xidhiidha shuruucda xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in shirka golaha dhexe kulmiye loo mudeeyey qabsoomidiisa 10 November, 2015, balse ilaa xilligan aanu caddeyn ajendahiisu, waxaanu yidhi; “Waa dhab shirkii Golaha dhexe Kulmiye waxa loo muddeeyey 10 November, 2015, laakiin illaa Immika ma cadda ajendahiisu, musharrixiin in lagu dooran doono iyo inkale. Waxa ka horreeya oo muhiim ah Xisbiga Kulmiye Xeer ayuu leeyahay waa in Golaha dhexe leeyahay hoggaan, Guddoomiye, Ku-xigeen iyo Xoghaye, ayuu qorayaa, ma samaysna, kuwa in lagu sameeyo waa daruuri, la’aantoodna shirka Golaha dhexe ma socon karo oo iyaga hagaya. Markaa, waxaan keliya hubaa in hoggaankii Golaha dhexe lagu dooranayo, ma caddeyn karo ma musharaxiin lagu dooranayo, laakiin waa qodob boqolkiiba 80% soo raaci kara.”
“Haddaan ka jawaabo Xisbiga Kulmiye qof noocee ah ayuu u baahan yahay, maaha waxa qof u baahan Xisbiga Kulmiye ee waa Somaliland hogaamiye noocee ah ayey u baahan tahay. Waxa dalka soo maray hogaamiyeyaal kala duwan oo midwalba duruufo gaara ka soo saaray, oo hogaamiye walba wakhtigiisii shaqadii ku haboonayd soo qabtay.” ayuu yidhi Cabdikariin Xinif.
“AHN Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali waxuu ku soo beegmay wakhti dalka la soo galay oo la wada hubaysan yahay, dadka badankiisuna dawladnimo waxba aanu ka garanayn, mudadiisuna way koobnayd. AHN Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, hawl weyn oo munaasib ahayd ayuu qabtay dib-u-dejin, dib-u-habayn iyo hubka-dhigis muhiim ahayd ayuu qabtay, iyo isu-keenid beelahii oo dawladayn ah ayuu sameeyey. Wakhtigii Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin wakhti loo baahan yahay doorashooyin ayuu ku soo beegmay, doorashooyinkiina wuu qabtay. Madaxweynaha immika jooga Axmed Maxamed Siilanyo waxuu ku soo beegmay wakhti dalka iyo dadku u baahan yihiin horumar.” Sidaa ayuu yidhi Xinif.
Waxaanu intaas ku sii daray; “Runtii horumar balaadhan oo la taaban karana wuu qabtay, waxaanay u muuqata inuu kaalintiisii ka soo baxay. Madaxweynaha soo socda ee loo baahan yahay waa noocma, waa madaxweynahii dibedda wax ka tari lahaa, intii hore waxqabadyadoodu gudaha ayey u badnaayeen, inkastoo waxqabadyadooda dibeduna ay jirtay. Wakhtigan waxa loo baahan yahay shaqsi aqoonyahan ah oo caalamka wax ka yaqaan, isagana caalamku yaqaano, oo xidhiidhkeena dibedda ee caalamka wax badan ka qabta, innaguna xidhi kara.”
Cadikariin ayaa sheegay inay gef tahay in dhaliilo loo soo jeediyo musharaxiinta xisbiga kulmiye waxaanu yidhi; “Waxaan maqlayey dad dhaliilaya musharaxiinta xisbiga kulmiye, qaar leh mid waa Askari, mid waa Qurba-joog ama karaani oo masuuliyiinta xisbiga qaarkood yidhaahdeen, arrintaa waxaan u arkaa meel-ka-dhac gef ku ah labada musharax, mid walba han buu leeyahay inuu wax doorto iyo in la doorto. haduu mar ahaa askari immika maahee waa siyaasi, aqoonyahanku maaha qurba-joog waa nin dalka iyo dadkaba garanaya, horena uga soo shaqeeyey, laakiin ha lays weydiiyo keebaa immika ku haboon? Anniga fikirkaygu waa ka aqoonyahanka ah, ee caalamka wax ka garanaya, ka kalena xaq buu u leeyahay inuu wax doorto, ama la doorto.”
Cabdikariin oo la weydiiyey siduu u arko qabanqaabada shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa ku jawaabay; “Markaan u eego waaya-aragnimadayda xisbiga Kulmiye iyo qaababkii shirarkiisu u dhici jireen, saadaashayda qabanqaabada shirka wakhtigan uma socdo siduu ku noqon lahaa shir loo siman yahay, lagu tartami karo oo dhex ah, waxaan ku sababaynayaa, kuna caddeynayaa xisbiga Kulmiye xeerar buu leeyahay, shirka golaha dhexe cidda hagta waa gudoomiyaha, ku-xigeenka iyo xoghayaha golaha dhexe, nasiibdaro xilalkaasi ma magacowna, waana eed ay leeyahiin hogaanka xisbiga Kulmiye ee lixda xubnood ah, siday doonaan ha u sii kala badsadaane, cid kalena aanay la wadaagin. Maadama hay’adii sharci ee shirkan qaban lahayd aanay jirin, waxa imanaya muran, yaa qabanaya, xeerka xisbiguna waxba kama sheegin, hadaanu hogaankii golaha dhexe dhisnayn cidda shirka qabanaysa? Keliya waxuu xeerku cadeeyey in fadhiga ugu horeeya ee shirka golaha dhexe u gudoominayo gudoomiyaha Xisbigu, oo xilkiisu yahay inuu weydiiyo golaha dhexe cidda u sharaxan xilalka hogaanka golaha dhexe, marka la doortana, gudoominta shirka golaha dhexe waxa la wareegaya hogaanka la doorto.”
“Haddaannu hoggaankii shirka Golaha dhexe magacownayn, isweydiintu waa hore xisbiga Kulmiye ma u soo martay xaaladan oo kale, iyadoo aanu hoggaankii Golaha dhexe samaynayn shirkiisa ma la qabtay, haa, waddadii xilligaa loo maray waa in la maraa, waxay ahayd sannadkii 2008-kii. Waxaanu shirk u qabannay bishii March 29 illaa 30-keedii huteel Ambassador, waxa lagu doortay xubnahii Golaha dhexe, xeerku waxa uu qorayey in bil gudaheed lagu doorto hoggaankii Golaha dhexe, duruufo jiray awgeed ma dhicin Shirkii, afar bilood dabadeed ayaa shirkii lagu qabtay magaalada Burco, Madaxweyne Siilanyo oo Guddoomiyahii Xisbiga Kulmiye ahaa muu guddoomin shirkii Golaha dhexe ee waxa uu u saaray Guddi dhexdhexaad u ah xubnahii tartamayey, oo markii ay soo saareen hoggaankii Golaha dhexe, u banneeyey kuraastii guddoominta shirka hoggaankii la doortay, oo musharraxiintii tartamayey kala saaray. Haddaba, haddii Xisbiga Kulmiye waddadaa hore u soo maray, waxa caqliga saliimku ku siinayaa in xilligana loo raaco, oo guddi qabanqaabo musharaxiintu ku wada kalsoon yihiin la magacaabo. Waa khasab in xubno lagu kalsnoon yahay oo shirka gaadhsiiya doorashada hogaanka golaha dhexe la helo.”
“Immika hawshii oo dhami waxay gacanta ugu jirto laba musharrax, Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi, iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici oo ka mid ah Musharraxiinta xisbiga Kulmiye, iyo taageerayaashooda, taasina waxay u muuqataa inaanay caddaalad ahayn, laguna tartami karin, shirkuna sidaa ku qabsoomi karin, oo dantii xisbiga, dantii Somaliland iyo dantii xubnaha Golaha dhexe midna ku jirin, waxa xalaal ahna ka soo bixi karin. Haddaba, waxaan qabaa, laba mid in la raaco, in guddi dhexdhexaad ah loo dhiibo qabanqaabada shirkan iyo inta shirkan hogaankii golaha dhexe lagu doorto, uu hogaanku mudeeyo shirkii lagu dooran lahaa musharaxiinta xisbiga u metelaya doorashada madaxtinimada, oo ta macquulkuna taa tahay.” Sidaa ayuu yidhi Cabdikariin Xinif.
Cabdikariin ayaa sheegay in shirka golaha dhexe Kulmiye ku guulaysan karo marka sharciyadiisa loo dhamaystiro, waxaanu yidhi; “Waxaan qabaa hadii shirkan sharciyadiisa loo dhamaystiro, oo si wanaagsan layskula jaan-qaado, cid lagu kalsoon yahay oo dhexdhexaad ah gacanta ku qabato inuu wakhtiga loogu tallogalay ku qabsoomayo, hadii kale muran iyo isjiid-jiidad wuu imanayaa, dabadeedna wakhti dambe in loo qabto ayey u baahanaysaa. Annigu cidaan u arko in danta xisbiga iyo ta dalkuba ku jiro ayaan u codeynayaa, welibana u ololeynayaa. Hadii aanan ku qanacsanayn ama aaminsanayn Ilaahay idankii in musharaxa aan wato, aanu soo baxayn, wakhti kuma lumiyeen.”
Mar Xinif la weydiiyey sharciyan cidda masuul ka ah inay qabato Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye, waxa uu yidhi; “Waa nasiib-darrada na haysata, ciddii sharciga u lahayd ma samaysna, waa ciddii laga rabay inay kaadhadhka Xubnaha Golaha dhexe samayso, isla markaana qeybiso, waa ciddii awoodda u lahayd inay diyaariso ajendaha shirka. Markaa, haddaanay jirin, cid kastoo hawshaa gaar u qaadata waa sharci daro, markaa xalku waxa uu noqonayaa in la helo xubno lagu wada kalsoon yahay oo hubiya xubanaha Golaha dhexe, kuwii meesha ka baxay iyo sida loo bedelayo ee sharcigu dhigayo u mara, samayn lahayd kaadhadhka, ee saxeexi lahayd, waa in la sameeyo, oo shirka soo gaadhsiiya ilaa furitaankiisa, ka dibna gudoomiyaha xisbigu shirka furo si loo doorto hogaankii golaha dhexe, ka dibna uu ku wareejiyo hawsha shirka hogaanka la doortay. Waa dariiqa keliya ee shirku ku qabsoomi karo, laakiin hadii musharaxiinta qaarkood ula wareegeen hawsha keligood u socotana ma noqon doono in la gaadho shir qabsooma, musharaxiinta wadana kuma gaadhi doonaan danaha ay leeyahiin.”

vlcsnap-2015-10-16-22h47m10s139

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment