Hargeysa (Himilo)-Isbahaysiga Musharaxiinta Kulmiye eek ala Ah Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe ayaa maanta munaasibad balaadhan oo Hutel Guuleed lagu qabtay ku soo bandhigay mawqifkooda muranka qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye.
Munaasibadan oo Qadosharaf ahayd waxaa ka soo qayb galay saddexda musharax, wasiiro iyo wasiir xigeenno, masuuliyiin kale oo xukumadda xilalka haya, xildhibaano tira badan, siyaasiyiin, salaadiin uu hogaaminayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Masuuuliyiinta munaasibadan ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay mawqifka ay ka taaganyihiin guddida qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye , iyagoo xusay in qabanqaabada shir uu wado musharax ku tartamaya golaha dhexe islamarkaana waxyaabo khaldan ay soo bixi karaan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment