Saturday, October 17, 2015

Isbahaysiga Aqlabiyadda Guddiga Fulinta & Musharrixiinta KULMIYE oo Maanta Shaacinaya go’aankooda Shirka Golaha dhexe iyo Garabka Guddoomiyaha oo bilaabaya hawsha bixinta Kaadhadhka Xubnaha

“Waxaannu go’aansannay inaanu jilcino sida loo gelayo shirka, waayo? Mustaqbalkii KULMIYE waxa uu ku xidhan yahay habka loo maamulo shirkaas…” Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeye)
Hargeysa, 17 October, 2015-(Himilo)- Garabka Is-bahaysiga Aqlabiyadda Guddiga Fulinta Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Saddexda Musharrax, ayaa Sabtida Maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaya mawqifkooda la xidhiidha qabshada Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo ay ku eedeeyeen in Guddoomiyaha KULMIYE ahna Musharrax iyaga la siman oo jagada Madaxweynaha ay ku wada-tartami doonaan isku koobay awoodda qabashada iyo qabanqaabada shirkaas oo tobanka bisha soo socota loo muddeeyey.
Garabka Guddoomiyaha KULMIYE ahna Musharrax u taagan Jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa iyaguna Sabtida Maanta isugu yeedhay Xubnaha Golaha dhexe ee magaalada Hargeysa ku sugan inay isugu yimaaddaan Xarunta dhexe ee KULMIYE, halkaasoo ay ka bilaabmi doonaan bixinta Kaadhadkha, gudbinta Sawirrada iyo weliba ka qaadista Sawirrada ee xubnahaas, taasoo uu Wargelin uu toddobaadkii hore soo saaray Xoghaya guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf ugu muddeeyey 17-ka October oo Sabtida Maanta ku began inay Xubnuhu iyagoo wakhtiga dhawraya iska xaadiriyaan xarunta dhexe ee KULMIYE ku leeyahay Hargeysa.
Kala qayb-sanaanta ka dhex-taagan Hoggaanka, Guddiga Fulinta iyo Musharrixiinta Xisbiga KULMIYE, ayaa sii xoogaystay markii ay Aqlabiyadda Guddiga Fulinta iyo saddexda Musharrax ee Maxamed Biixi Yoonis, Axmed Maxamed Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, ay Madaxweyne Ku-xigeenka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland sidoo kalena ah Guddoomiye Ku-xigeenka afraad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) Arbacadii u gudbiyeen cabasho la xidhiidha sida hawlaha shirku u socdaan, sida uu awoodda isugu koobay Muuse Biixi oo ah Musharrax iyaga la siman marka Guddoomiye-nimadiisa laga yimaaddo, maaddaama oo ay wada sharraxan yihiinna u baahan yihiin in Guddi dhex-dhexaad ahi shirka diyaariso.
Hase-yeeshee, Kulan loo ballamay Khamiistii dorraad oo Madaxweyne Ku-xigeenku ballan-qaaday inuu ku dhex-dhexaadinayo Xubno Guddiyo ah oo ay iska soo magacaabeen labada dhinac ee Garabka Is-bahaysiga Musharrixiinta iyo Aqlabiyadda Guddiga Fulinta oo dhinac ah iyo Garabka Guddoomiyaha KULMIYE oo dhinac, isla markaana kulankaas oo Khamiistii qabsoomay ku dhammaaday natiijo la’aan, markii uu Madaxweyne Ku-xigeen Saylici oo Musharrax Madaxweyne Ku-xigeen u ah Muuse Biixi sida la sheegay caddeeyey in Guddoomiyaha Xisbigu awood u leeyahay hawlaha iyo diyaarinta Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.
Sidaa daraaddeed, Garabka Isbahaysiga Aqlabiyadda Guddiga Fulinta iyo Musharrixiinta ee KULMIYE oo habeen-hore Jimcihii shir ku yeeshay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay mawqifkooda rasmiga ah oo illaa xataa heer Maxkamadeed laga cabsi qabo inuu gaadho, ay Sabtida maanta ku shaacin doonaan Shir ay ku qabanayaan Hargeysa. “Waad aragtaan culayska shirku leeyahay, maaddaama oo uu ka soo baxayo Madaxweynaha Mustabalka ee Xisbiga KULMIYE, markaa in Guddiga Fulinta iyo Golaha dhexe shiraan waa dabiici oo habeen walba waannu shirnaa, waxaana laga hadlayaa sidii shirkaasi u hagaagi lahaa ee uu si hufan oo Caddaalad ah ugu dhici lahaa.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE kana mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo markii Shirkaas habeen-hore laga soo baxay Saxaafadda qaarkeed la hadlay.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), waxa uu tilmaamay inay Shirar doceedyada socda uga dan leeyihiin inay jilciyaan sida uu Shirka Golaha dhexe u dhacayo, waxaanu isagoo sii watay hadalkiisa intaas ku daray; “Waxaannu go’aansannay inaanu jilcino sida loo gelayo shirka, waayo? Mustaqbalkii KULMIYE waxa uu ku xidhan yahay habka loo maamulo shirkaas. Markaa, annagoo ah xubno dhawr iyo Soddon ah oo Guddiga fulinta, Xubno Baarlamaanka ka mid ah iyo Golaha dhexe ah ayaannu halkan (Maansoor) ku tashanaynay waxaana Musharraxiinta intooda badani isla qaateen in Sabtida aannu qabanno shir weyn oo aannu kaga hadlayno arrimaha Xisbiga.”
“Waxa kale oo aanu kaga hadlaynaa shirka Sabtida waxaad ogeydeen in Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE uu ku baaqay in Maalinta Sabtida la is-diiwaangeliyo oo la qaato Kaadhadhka Golaha dhexe, laakiin Musharraxiintu waxay u baahan yihiin inay helaan cid Wakiil uga ah qaadashada kaadhadhka oo ka hubisa in dadka kaadhadhka qaadanayaa yihiin Golaha dhexe, Waayo ? Siyaasaddu aammin malaha.”
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment