Saturday, October 17, 2015

War-bixin: Murannada Dhulka ee Somaliland oo meel halis ah maraya, hababka cusub ee Seerayaasha looga Ganacsado, Isriixa Beelaha & Doodda Xukuumadda

 

Nin sumeeyay Marxuum uu muran dhul ka dhexeeyay, Xoolo Beerta ay daaqaan laga kireeyo, doorka Qurba-joogta ee dhibaatooyinka Dhulka & dhacdooyinka kale ee yaabka ah

Hargeysa, 17 October, 2015-(Himilo)- Dhibaatooyinka ay keenaan muranka lahaanshaha dhulka, waxay horseedaan in meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto ay ka dhalato rabshado iyo iska hor imaad hubaysan, kaasi oo aakhirka keena dhimasho iyo dhaawac.
Sannadkii tegay dilalka ugu badan ee ka dhacay Somaliland waxa sababay khilaafyo ka dhashay muranka lahaanshaha dhulka oo meel sare ka maraya deegaannada Somaliland badankooda, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa.
Murannada dhulka oo hore ugu koobnaa baloodhada Magaalooyinka dalka ayaa hadda u gudbay dhul-daaqsimeedka iyo beeraha dhulka Miyiga ah, sida ay sheegtay Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Shukri Ismaacii Baandare “Dilal baa ka dhaca, budhayn baa ka dhacda oo sumayn baa ka dhacda, waxa ka dhacda in beelo ahaan la isku qabsado, waxaa la isku haystaana waa dhul-daaqsimeedkii oo qaar ooteen, iyaga oo qaarkood u bixiyey beerta Shinnada iyada oo leh ilaa inta ishaydu qabanayso anigaa leh. Markaa Somaliland dhibaato aad iyo aad u badan ayuu dhulku soo kordhiyey oo maalin iyo habeen wasaaradda arrimhaa gudaha iyo Wasaaradda biyaha oo aanu wada shaqeyn leenahay dacwad baa taagan” ayay tidhi, Marwo Shukri Baandare oo u warantay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.
Khilaafka ka dhasha Muranku dhulku waxay u dhacaan siyaabo kala duwan, kuwaas oo ay ugu badan yihiin in rasaas si toos ah la iskala hor-yimaaddo, iyada oo mararka qaarkood Ciidammada ammaanku ay rasaas nool u adeegsadaan dhinacyada muranku ka dhexeeyo si ay u kala dhex galaan. Hasa-yeeshee waxa dhawaannahan dalka Somaliland ku soo kordhay nidaam cusub oo dil ah oo ay isku adeegsadaan dhinacyada Murannada dhulku ka dhexeeyo, waxaana deegaan ka mid ah Somaliland ka dhacay in laba nin oo isku maandhafay lahaanshaha Dhul uu midkood sumeeyo ka kale isagoo Sun ugu daray biyo uu Cabbayey.
Isriixa deegaannada iyo Murannada ka dhasha
Dhulalka inta badan la isku laayo ayaa u badan dhulalka Magaalooyinka, laakiin waxa kale oo inta badan la isku dilaa dhulalka Miyiga ee Xuduuddada ku teedsan sida uu sheegay Cumar Aadan Yuusuf oo ah Cilmi baadhe ka tirsan Xafiiska Akamadiyadda nabadda Somaliland ee Gobolka Togdheer isla-markaana Cilmi baadhis ku sameeyay Khilaafaadka dhulka “Dhibaatada ugu badan ayaa noqotay in sidii beelaha Somaliland u wada degganaayeen oo noqotay in la isriixo, dhulka ugu badan ee mushkiladdu ka taagan tahay waa dhulka Xuduudka ah ee beeluhu iska soo galaan oo qolaba isku dayeyso inay riixdo qolada kale. Waxyaabaha ugu badan ee lagu hantiyayo waxa ka mid ah Ceelal iyo Baraago baa laga samaynayaa Beelihii wada degganaa oo aan ku heshiis ahayn. Dhul-daaqsimeedka oo kale ayaa Beel imanaysaa Saq-dhexe markaasay ka samaynaysaa Baraago si uu u noqdo dhul ay leedahay oo ay isticmaasho”
Xidhiidhka Dhaqaalaha iyo Dhulka
Waxyaabo badan ayaa loo aaneeyaa inay dadku ku dagaalamaan laanshaha dhulka, hasa-yeeshee waxyaabaha inta badan la isku raacsan yahay ayaa ah dano dhaqaale sida ay sharaxday Wasiirka deegaanka Somaliland “Faa’idada ay eegayaan dadka dhulka boobayaa waa ganacsi oo waxay leeyihiin dhulka waala iibsanayaa oo lacagtii Dhulka ku jirtay way laba laabmaysaa ama saddex laabmaysaa”ayay tidhi, Wasiir Shukri.
Qurba-joogta iyo Murannada Dhulka
Dadka lacagta haysta ee Qurbaha ka yimaadda ayaa qayb ka ah Murannada dhulka sida uu qabo Cilmi baadhe Cumar Aadan Yuusuf “Arrinkaa (Muranka dhulka) waxa sababa oo abuura dadka Qurbaha ka soo noqda oo dhulkii Magaalooyinka Xuduudka u ahaa lacag galinaya sidii Bangiga, dabadeedna lix bilood ama sannad ka dibna dib loo iibinayaa. Markaa markii dhulku uu lacag isku beddelay waxay noqotay in la isku dilo”ayuu yidhi, Cilmi baadhe Cumar.
Sababaha la iskugu dilayo dhulku wallow ay dhaqaale salka ku hayso inta badan haddana waxa xusid mudan dayac la xidhiidha Maamulka iyo gacan ku haynta dhulka oo ku yimid dhanka dawladda sida uu qabo Kayse Maxamed Ibaahim oo ka shaqeeya Arrimaha bulshada “Waxay ahayd in Maamulka dhulka ay dawladdu gacanta ku qabato halka uu Maanta Shacabka gacanta ugu galay ee ay Sicirka ay doonayaan u jarayaan ama sida ay doonayaan ka yeelanayaan” ayuu yidhi Kayse, laakiin wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Marwo Shukri Ismaaciil Bandare ayaa ku doodday inay dawlad ahaan dedaal badan ku bixiyeen sidii gacanta dawladda loogu soo celin lahaa Maamulka dhulka, waxayse sheegtay in dhibaatada keenaysa in dhulka la isku dilo ay qayb ka yihiin dadka gacanta ku haya laftoodu.
Marka laga yimaaddo in dadku qabsadaan dhulka si ay mar kale u sii iibiyaan haddana waxa meesha ku jirta in deegaannada Miyiga ay ka dhacdo in dhul la ooto, dabadeedna lacag la waydiiyo qofka doonaya inay xoolo u daaqaan taasi oo wakhtiyada qaar keenta khilaaf, sida ay sheegayso mar kale Wasiir Shukri “Dhulkii waxa laga dhigtay Seerayaal been ah, waxaana xoolihii beeraha ku daaqayaan $ 600 ilaa kun dollar, imika ayaan garanayaa geel beer ku daaqaya $ 800 dollar, xoolihii ay u furnayd inay daaqaa ayaa inta nin ootay ka kireynayaa” ayay tidhi, Wasiirka Wasaaradda deegaanka Somaliland.
Qiimaha lagu kala iibsado Dhuka Hargeysa
Qiimaha dhulka ee guud ahaan Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa maraya heer qofka doonaya meel uu dego aanu awoodi Karin iyada oo ay ka fududdahay in qofku iibsado guri dhisan inuu dhul bannaan iibsado.
Inta badan dhulka bannaan ee guri afar qol ahi ka dhismi karo ayaa lagu iibinayaa qiimayaal kala duwan taasoo ay ugu yar tahay $ 25000 kun oo dollar meelaha qaarkood “Hore meesha qof deggi karaa waxay ahayd $ 2000 dollar maantana wuxuu marayaa $ 25000 dollar, waxa halkaa gaadhsiiyey ee qiimaha kor u qaadayna waa dadka Dillaaliinta ah halka dalalka kale dawladdu gacanta ku hayso dhulka iyo Maamulkiisa, taasina waxay keentay in dadku dhulka ka ganacsadaan dabadeedna isku laayaan” sidaa waxa qaba Kayse oo ka shaqeeya arrimaha bulshada Somaliland.
War-bixinta waxa baahisay oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, waxaana diyaariyey Wariye Barkhad Maxamed Kaariye.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment