Nablus, 17 October, 2015-(Himilo)- Dad Falastiiniyiin ah, ayaa dab qabadsiiyay goob barakaysan oo Yuhuudda Daanta Galbeed ee magaalada Nablus ilaashadaan, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda u dhaxaysa labada dhinac.
Dad ayaa dab qabadsiiyay Qabri ay Yuhuudda iyo Muslimiintu ay aamminsan yihiin inuu ku duugan yahay Nabi Yuusuf (C.S.). Baabuur Dab-damisyo ah, ayaa damiyay dabka Qabrigaas la qabadsiiyey. Hase-yeeshee, meesha ayaa Khasaare xooggan dabkaasi gaadhsiiyey sida ay Suxufiyiinta goobtaas booqday ku soo warramayaan.
Tallaabadan gubista ahi waxay dhacday saacado ka dib markii Ra'iisal-wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta inay joojiyaan weerarka. Waxaa jiray weerar Mindiyeen dad Yuhuud ah, taasoo ay Falastiiniyiintu qaadayeen bishan, iyadoo ay korodhay weerarka labada dhinac.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa yeelanaya kulan gaar ah oo lagu lafo-guro xiisadda ka dhex taagan Falastiiniyiinta iyo Israel, taasoo labadii toddobaad ee la soo dhaafay keentay dhimashada 39 qof.
Kulankan ayaa ka yimid xubinta Golaha ugu jirta waddanka Jordan, waxaana qayb ka ah Xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo sharaxaad ka bixin doona xiisadda labada dhinac u dhexeysaa halkay salka ku hayso.
Shirkaas ayaa yimid ka dib markii Israel Ciidammo soo dhoobtay Xuduudka Qaza, halkaasoo Maamulka Falastiin u qoondeeyay Bannaan-bax ballaadhan in laga dhigo. Waxay Falastiiniyiintu si xooggan u diiddan yihiin tallaabada Israel Ragga da’doodu ka yar tahay 40 sano jir ugu diidday inay ku Tukadaan Masjidka Al-aqsa.
Xogo laga helay Diblamaasiyiin ayaa iftiimiyay inaanu jirin qaraar Golaha Ammaanku qorsheeyey oo arrintan laga soo saaray, balse, waxa la sheegay in la soo saari doono bayaan labada dhinac lagu farayo inay xakameeyaan xiisadda taagan.
Muddaharaadyada Falastiiniyiintu kaga soo horjeedo xaddidaadda Israel soo saartay waxaa isku dhacyo Ciidammada Israel iyo Shacabka Falastiin ku dhintay dad tiro badan. Waxaa la dilay 35 Falastiiniyiin ah, kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyay inay Israeliyiin weerarayeen, kuwo shacab aan hubaysnayn ah iyo sidoo kale 7 Israel u dhashay oo Mindiyo ay Shacab gedooday oo Falastiiniyiin ahi ku dileen.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment