Saturday, October 17, 2015
Magaca Marxuum Reer Somaliland ahaa oo lagu dilay deegaanka Cilmi Xirsi ee Gudaha Kilalka Shanaad ee Itoobiya
Kililka, 17 October, 2015-(Himilo)- Allaah ha u naxariistii Cabdillaahi Cabdi Maygaag oo ka mid ahaa dadka reer Somaliland ee deggan deegaanka Cilmi Xirsi ee gudaha kililka Shanaad ee Itoobiya ayaa geeriyooday Salaasadii toddobaadkii hore, ka dib markii ay toogteen dablay ka soo jeeda beesha Ogaadeen oo ay Ood-wadaag ahaayeen.
Ehellada Marxuumka oo qaarkood Hargeysa ku sugan yihiin ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in dablay hubaysan oo ka soo jeeda beesha deegaankaas Killalka shanaad ay Marxuumka ku dileen deegaanka Cilmi Xirsi oo qoyskiisa oo xoolo dhaqato ahi deggan yahay, waxayna intaa ku dareen inaan ilaa hadda la garanayn ujeeddada gacan ku dhiiglayaashaasi u dileen Marxuum Cabdillaahi Cabdi Maygaag oo la tilmaamay in Ragga dilay ay u yimaaddeen isaga oo Geel la jooga.
Ehelada ayaa sheegay in hore dablay ka soo jeeda beesha Dhagax-buur ay sidan oo kale u dileen Marxuum ay walaalo ahaayeen Marxuumkan Salaasadii lagu dilay deegaanka Cilmi Xirsi, kaasi oo Alle ha u naxariistee Magaciisu ahaa Ibraahim Cabdi Maygaag (Ibraahim Dhakuuke).
Deegaanka Cilmi Xirsi oo ayaa ka mid ah deegaannada Kililka Shanaad ee ay wada degaan reer guuraaga dadka Somaliland ku abtirsada dhalasho ahaan ee Killalka Shanaad dega iyo Beesha Deegaankaas, waxaana had iyo jeer ka dhaca dagaal-beeleedyo u dhexeeya dadka wada degga, kuwaas oo badankoodu yimaadda ama ka dhasha marka sidan oo kale qof si gaar ah loo beegsado.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment