Hargeysa 02 March, 2014 (Himilo)- Carwo lagu soo bandhigay waxsoosaarka dalka iyo kulan hawleed laba maalmood soconaya oo lagaga hadlayey toddobaadka Cuntada iyo Biyaha Somaliland ayaa maanta ka furmay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Kulankan waxa ka qayb galay madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici, Wasiirada wasaaradaha Qorsheynta Qaranka, Xanaanada Xoolaha, Beeraha, kaluumaysiga iyo Biyaha, martisharaf kale iyo hay’addaha taageerada ka geysta dhinacyada biyaha iyo cuntada ee dalka ku sugan. agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Cabdirashiid Axmed Guuleed ayaa warbixin kooban ka bixiyey ujeedada toddobaadka Cuntada iyo Biyaha Somaliland iyo hadafka xukuumaddu ka leedahay ee isku baraarujinta waxsoosaarka cuntada dalka.
Wasiirka Qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Kaluumaysiga Cali Jaamac Faarax (Buureed) iyo Wasiirka Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle oo dhamaantood kulankaa ka hadlayey ayaa sheegay inay lama huraan tahay sidii ummadeenu tacab u gelin lahayd waxsoosaarka cuntada dalka iyo biyaha. Waxaana hadladoodii ka mid ahaa:
"Maanta waad la socotaan inaynu faraha ka qaadnay waxsoosaarkii cuntada dalkeena, oo aynu ku badalanay Baastada iyo Bariiska iyo saliidda shisheeyaha oo aynaan garanayn meeshii laga soo saaray" ayuu yidhi wasiirka kaluumaysiga Mr Cali Jaamac Faarax.
"Haddii biyo la helo cuno iyo caanaba waa la heli balse su'aashu waxay tahay sidee baynu kula soo baxnaa. dhulka Bariga ilaa Galbeedka haddii aad socoto waxaad arkaysaa uun dhul oodan beeri ma ka baxday waa maya? xoolihii maku noolaanayaan? waa maya, haddii ay kuwa dhulka iska ootay wax la cuno uun inooga beeraan waxba inagama xumaadeen" ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Awdaahir
"Nin baa hal miis oo kaliya maanta soo dhigay 42 nooc oo kala duwan oo cuntada dalkeena laga soo saaro ah" ayuu yidhi wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole.
Wasiirka Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle ayaa bulshada u soo jeediyey inay qabsadaan biyaha gu’ga oo dhowaan haddii ilaah yidhaahdo la filayo inay da’aan.
"Kuweena dibadaha joogaa marar bay inoogu hanjabaan inay inaga joojin doonaan waxay inoo soo diraan maxaynu yeeleyna markaa haday inaga joojiyaan? Ayuu yidhi wasiirka Qorsheynta Dr. Sacad Cali Shire.
Madaxa hay'adda IFAD oo taageero ka geysata dhinaca beeraha, Mr Neol Harris oo kulanka maanta ka hadlay ayaa sheegay inay farad u tahay isaga iyo hay'addisaba inay ka dhexmuuqdaan munaasibadan qiimaha badan ee lagu dhiiri galinayey wax soo saarka dalka Somaliland
Sidoo kale, Madaxa xafiiska hay'adda FOA ee Somaliland Mr Luca Alinovi, ayaa sheegay inay FOA ku hanwayntahay inay ka qaybqaadato barnaamijka lagu hormarinayo cuntada iyo wax soo saarka dhaqaalaha Somaliland.
Ugu dambayn, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici oo kulankaa ka hadlay ayaa bulshada reer Somaliland u soo jeediyey in dadku jiifka ka toosaan oo ay wax soo saarka xagga beeraha ah u jeestaan, isla markaana ganacsatada dalku ganacsigooda Bariiska iyo Baastada ku daraan dhaqashada xoolaha oo uu sheegay inay ka heli lahaayeen faa'iidooyin ka badan tan bariiska iyo baastada kaliya "Ganacsatadeenu maba yaqaaniin inay xoolaha dhaqashadoodu tahay ganacsi fiican oo lacag badan laga helikaro balse waxay ku mashquulsan yihiin Baastada iyo Bariiska kaliya" ayuu yidhi Mr Saylici.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment