Wanaaga waana la iskaga daydaa, waana la hidda raaca qormadan waxaan ku falanqayn doonaa arrimahan hoose: Nabadda, danyar gargaarka, wadaniyadda, wax-qabadka, bulsho abaabulka, dhiiranaanta iyo gabasho la’aanta.
Sh. Madar iyo nabada: Hargaysa oo ahayd goob cidlo ah oo safarada lagu dhaco ayuu sheekh madar yimid oo uu ka aasaasay magaalo, kadib wuxuu sameeyey xer wadaado ah, oo quraanka dadka barta. Sh. Madar wuxuu dadaal dheer u galay inuu nabad waarta ku soo dabaalo hargaysa iyo nawaaxigeeda Qaababka uu nabadaynta u mari jirtay waxay ku salaysnayd isqancin, wada hadal iyo dhex dhex-dhexaadin. Marna iskumuu dayi jirin inuu xoog adeegsado waxaana tusaale u soo qaadan doona dagaaladii ka dhex qarxay axmed nuux iyo yoonis nuux iyo waliba dagaalkii ka dhex dhex taagna ciise dhamal iyo Gobdoon oo jilibo arab ahi la socdaan.
Dagaaladaasi oo muddo u soo taagna sh. Madar aakhirkii wuu soo af-jaray, sida ay sheegeen qorayaasha caanka ah ee I.M lewis iyo Cap swayne.
Sh. Aadan-siiro iyo nabada: Sh. Aadan siiro markaad u kuur gashid khudadihiisa salaada jimce ee masaajidka xawaadle ee hargaysa celcelis ahaan wuxuu nabada uu ka hadlaa 80% taaso ina tusaysa inuu nabadayta qayb libaax ka qaato waxaanu tusaale u soo qaadan karnaa xaafada uu ku yaalo masaajidka xawaadle intaanu Sh. Aadan-siiro masuulka ka noqon masaajidka waxa xawli ku socon jiray tuugnimada, Dilka, kufsiga, koox isku laynta, dhalinyarta oo xaafad xaafad isku laysa, sakhraanimo, macsida iyo waliba dadka xun ee guryaha laga kireeyo. Sh.adan-siiro oo lagu yaqaan geesinimo aan hadalka la gaban, ayaa ka badheedhe jiray hadba wixii uu arko. Isagoo farta ku fiiqi jiray cidii wax xumaynaysa.
Kadib markii uu Sh. aadan siiro masaajidka la wareegay wuxuu wada tashi qoto dheer la yeeshay bulshada xaafada sidii arrimahan loo af-jari lahaa iyo isagoo oo wacad ku maray inuu soo gebo-gebayn doono marxalada xun ee xaafada ku jirta isagoo talaabooyin hor leh qaadaya ayuu sameeyey saldhig boolis ah oo isagu gacantiisa kharashaadka ka bixiyey, ka dib booliskii xaruunta waxay markiiba gacanta ku dhigeen tuugtii, dilkii, kufsigii, kooxaysigii iyo dhamaan fasahaadkii xaafada ka socday.
Taariikhda aynu dib u raacno Sh. Aadan siiro wuxuu ka mid ahaa culimadii dalka xasiloonidiisa ka qayb-gashay ee ugu horaysay kadib markii ay ururkii S.N.M ay dalka qabsatay. Wuxuu ka ahaa culimadii samaysay distoor islaami ah oo dalka lagu dhaqo marka laga xoreeyey rajiimkii siyaad barre, laakiin nasiib darro wanaaga lama qaadan.
Sh. Madar iyo Danyar gar-gaarka: xaruuntii Sh.madar ee jameeco weyn waxay iska lahayd dhulweyn oo beero ah oo ay beeran jireen culimadii ku xidhnayd masaajidka jameeco weyn oo ay ku baran jireen culuunta islaamka. Waxa jiray reero ahaa reero-guuraa oo soo caydhoobay, ka dib ayaa warkii wuxu soo gaadhay Sh. Madar ka dibna waxa uu u diray koox culimo ah oo soo qiimaysa baaxada ay leegtahay dhibtu, kadibna culimadii ay soo bandhigtay dhib weyn oo xoolo la’aan iyo cunto la’aan. Sh. Madar waxa uu la shiray culimadii daganayd jameecada oo ka dhaadhiciyey inay soo ururiyaan kaalmo la siiyo dadkan dhibaataysan isla markaana la soo dajiyey meel xeero ah, oo jameecada ka agdhow si loo siiyo cunto, biyo iyo waliba xoolo laga soo ururiyo dadka degan hargaysa hareereheeda. sama falka sh. Madar wuu hirgalay oo dadkii waxa loo qaybiyey kaalmo kala ah cunto, biyo, xoolo, caano iyo subag wakhtigaasi oo ku beegnaa 1869, waxa si fiican u falanqeeyey qoraaga cap.swayne ee qoray buuga {seventeen trip to somaliland}
Sh. Aadan siiro iyo danyar gar-gaarka: waxyaabaha uu ka qayb-qaatay sh.adan siiro ee dadka lagu caawiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan dalka gaar ahaan reer hargaysa lama soo koobi karo balse waxaynu soo qaadan doona qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn mashruuca miskiin caawinta ee xaafada xawaadle oo lagu quudiyo dad gaadhaya 200 qoys ayaa bil kasta la siiya guud ahaan oo uu mashruucani oo uu gacanta uu ku hayo sh. Aadan siiro isla mrkaana 80% bixiyo kharashka ku baxa oo aanay cid kale la bixin markaad u kuurgasho siduu mashruucani u guulaystay waxaad odhan kartaa xaafada xawaadle waxay gaadhay isku filaan dhinaca baahida cuntada ee masaakiinta. Waxa kale oo xusid mudan siduu sh. Aadan siiro u baahi tiray masaajidka xawaadle oo aanad arkayn iyadoo la ururinayo lacag wax lagaga qabto, laakiin wuxuu sh. Aadan siiro gacantiisa ku bixiyaa wixii loo baahdo ee masaajidka ka jira. Waxaan tiro lahayn dadka gar-gaarka ugu tagaya ee u sheeganaya baahi iyagoo u gaar ah, ee sh. Aadan siiro uu gacan qabto. Waxaa intaasi soo raacda muxaafidiinta ramadaantii tukiya salaada taraawixiid iyo taajudka oo uu ka farxiyo habeenka 27 ee bisha radamaan, oo u soo ururiyo lacag xaqal-ciid ah.
Sh. Madar iyo wax-qabadka:markii si rasmi ah loo degay hargaysa ee sh. Madar iyo jameecadii la socotey ay xarun ka dhigteen, ayay kadibna ka fikireen sidii dhulka loo beeran lahaa sh. Madar oo wax ku soo bartay magaalada harar ayaa keenay fikirka ahaa in dhulka la beerta kadib wuxuu sh. Madar faray in la keeno 100 gudmood oo lagu baneeyo dhirta cufan ee ku xeeran jameeco-weyn, si loo beero hadhuudh iyo garaw si dadka ugu noolaadaan. Xirfada dhul-beerista waxay ku cusbayd dhaqanka reer somaliland, waayo waxay ahaayeen reero guura kolba meel u biyo iyo baad doonto, oo aan aqoon u lahayn wax beerista kadib sh. Madar baa soo bandhigay qorshe cad oo dhulka lagu beerayo, isagoo ka faa’idaysanaya khibradii uu ku soo qaatay magaalada harar. Xaruntii jameeco-weyn waxay gaadhay isku filaansho dhinaca cuntada ah.
Qorshaha dhul-beerista :
- Diyaarinta dhul-beerista
- Hirgalinta
- Tababarihii shaqaalihii beeraha
- Ka ganacsigii hadhuudhka iyo galayda
Waxay ka soo maaxday maskaxda sh. Madar
Waxa sidaa yidhi “Drake Brockman” ee qoray buuga British somaliland
Sh. Aadan siiro iyo wax-qabadka: halkan laguma soo koobi karo wax-qabadka sh. Aadan siiro, balse waxaynu xusi doona qaar ka mid ah waxyaabaha uu sh. Aadan siiro qayb libaax ka qaatay :
- a. Xabaalaha xeedho: iyadoo dadka reer Hargaysa la yaaban yihiin qorshe la’aanta dawladda hoose ee hargaysa ee aan diyaarin meelo lagu aaso dadka dhintay ayuu sh. Aadan siiro soo bandhigay qorshe ay awoodi waayeen 25 nin ee dawladda hoose ka taliya, wuxuu bilaabay qorshe uu miiska soo saaray laguna iibinayo beero ku yaal xeedho dadkana lagu aaso. Walibana bixiyey bilawgii lacagta hawshaasi ku baxaysay, kadibna ku xigsiiyey inuu soo ururiyo intii ka dhinayd. Aakhirkiina waxa uu ku guulaysatay inuu dhamaystiro, taasina waxay noqotay in loogu magac-daro xabaalihii, oo loo bixiyo xabaalihii aadan siiro oo uu xaq u lahaa in loogu magac-daro
- b. Sahan: waa goob wax lagu daweeyo waxna lagu baro dadka maskaxda ka xanuusanaya oo laga soo ururiyo suuqyada magaalada hargaysa.
Dadka maskaxda ka xanuusanaya waxay dhaawacyo soo gaadhsiin jireen dadka suuqa ka ganacsada ee waliba u badan dumarka, arrintani markii ay faraha ka baxday ayuu sh. Aadan siiro keenay fikir odhanaya in loo sameeyo goob lagu daweeyo, oo walibana wax lagu baro markay ladnaadaan. bilawgii qorshahan waxa si buuxda gacanta u qabtay sh. Aadan siiro , oo waliba bixiyey lacagtii lagu bilaabay waxa muuqata inuu sh. Aadan ka fogaaday xikmadii ahayd “ninkii wadaadka ahaa ee masaajidka khudbada ka jeedinayay ee ka hadlay wax bixinta, kadibna xaaskiisii ku tukanaysay masaajidkii ayaa iskala garan wayday oo bixisay dahab ay xidhnayd, ka dib ninkeedii oo khudbad jeedinaya ayay ku tidhi “sheekh dee wax-bixinta ayaad ku dheeraate oo wixii dahab aan xidhnaa ayaan bixiyay’ oo kadib ninkeedi oo khudbada jeedinayey ayaa ugu jawaabay ‘inaan dadka ka ururino ayaan isku ogayn ee inaad adigu bixiso iskumaynaan ogayn.” Wax kasta oo la bixinayo sh. Aadan siiro ayaa isku bilaaba inuu bixiyo inta hore ka dibna dadka kale ayuu u gudbaa.
- c. Dawga cad: waa wado aan laga sheekayn karin siday tahay, waxay isku xidhaa Hargaysa iyo waqooyiga ilaa jabuuti gawaadhi ku rogmatay wax qalin lagu soo koobi karayo maaha. Waxay isku nooc yihiin waddada sheekh ama dawga sheekh. Wadada dawga cad muddo dheer ayey dhibaato ku haysay dadka u kala socda hargaysa iyo jabuuti oo dadku aanay marna ku fekirin inay sameeyaan. Sh. aadan siiro oo ku caan baxay wax qabad iyo abaabul, ayaa keenay fikir ahaa in la isku tashado oo la ururiyo lacag lagu sameeyo dawga cad kadib sh.aadan siiro wuxuu qaaday dhawr talaabo oo isku xiga si loo hirgaliyo qorshaha dhismaha wadada waxaanu shirar badan la yeeshay wax-garadka, aqoonyahanada, odayaasha, dhalinyarada, siyaasiyiinta, ganacsatada, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada wuxu hirgaliyey in la bilaabo dawga cad. Wuxuu safar dheer ugu baxay dibada si uu u soo ururiyo qaadhaan lagu sameeyo dawga cad taasi ilaa hadda meel fiican maraysa.
Sh. Madar iyo wadaniyada: sh. madar oo ahaa aasasiyihii hargaysa wuxuu hirgaliyey in dhulka hargaysa laga beero oo la xoojiyo wax soo-saarka . sheekh madar waxay fikir ahaan isku dhaceen wadaado aaminsanaa mad-habta saalixiyada, oo iyaga oo doonaya in la weeraro dalka itoobiya oo wakhtigaasi ay ka talin jireen boqoro. arrintaasi sheekh madar wuu diiday waxaanu ku sababeeyey in dal aan colaad inoola imin la weerar ma banaana. markuu khudbada ka jeediyey masaajidka jameeco-weyn wuxuu aad uga hadli jiray qiimaha wadaniyada iyo wax-soosaarka. Wuxuu aaminsanaa in si nabad ah loola dhaqmo bani’aadanka. markuu la tashanayo jameecada wuxuu hoosta ka xariiqi jiray wadaniyada. sannadihii 1864---1867 wax dhac ka gaystay koox xabashi ahaa, ka dib warkii ayaa sheekh madar soo gaadhay waxaanu u diray kooxo soo baadha baaxada dhacu leeyahay, ka dib wuxuu fariin u diray boqor xabashi ahaa oo uu ku yidhi dadka iyo dalka dhibta ka daa haddii kale waanu kaa tashan. sidaa waxa yidhi cap. swayne oo qoraa ah.
Sh. Madar iyo bulsho abaabulka: sh. Madar wuxuu hargaysa ka dhigay magaalo dad ku nool yihiin, halkay markii hore ay ka ahayd goob cidlo ah, oo looga cararay masar iyo libaaxyo. Kooxdii culimada ahayd ee la socotay wuxuu u soo jeediyey inay halkan ka dhigtaan goob ay degaan, kuna noolaadaan. Wuxuuna ku guulaysay inuu ka dhigo hargaysa goob nabad ah oo aan lagu kala dhicin xoolaha, intaasi kadib dadkii reer guuraayo ahaa ee xooluhu ka madhaan ayaa soo ag-degi jiray xaruunta jameecada oo sheekh madar madax ka ahaa waxaanu bari jiray sida loo dhiso darkadaha iyo sida loo falo beeraha, markay bartaan xirfadahan waxaay ku dabaali jireen baahidooda ileen waa caydh aan xoolo haysan. dadka dhibaataysan baa raxan raxan ugu iman jiray iyagoo ka dalbanaya inuu gargaaro wuxuu ahaa nin daacad ah oo jecla inuu bulshada tabaalaysan wax- u -qabto
Sh. Aadan siiro iyo bulsho abaabulka:sheekh aadan siiro wuxuu can ku yahay halhayska ah.”inay bulshadu isku tashado oo ay wax wada qabsato, balse dawlada aan wax laga sugin”. marka aad u kuurgashid hawlaha uu ku mashquulsan yahay waxa kuu soo baxaya inuu bulshada ugu dhex jiro sidii ay horumar baaxad leh u gaadhi lahayd. Waxa jiray odayaal iyo dad wanaaga jecel ah oo ka shaqeeya sidii xaafadaha hargaysa loo hagaajin lahaa sida nabada, macsida, tuugta, ciyaalo suuqa, ka dib waxay u yimaadaan sheekh aadan siiro oo lagu yaqaan inuu qayb libaax ka qaato taageerida iyo taakulaynta hawlahaasi ay dadkaasi isku xil saareen. maaha oo kaliya inuu talo siiyo balse wuxuu ka gaystaa lacag toos ah oo hawsha fududaysa. xafiiskiis waxa hadh iyo haben ku jira dad siyaabo kala duwan u cabanaya dhibaatooyin waxaabaad mooda inuu hawlaha dawlada qabanayo waayo hawshani waa mid ay qabtaan masuuliinta dawladu
Sh. Madar iyo diiranaanta: sannadkii 1895 ayaa waxa magaalada Berbera ka soo degay sayid maxamed cabdalle xasan oo doonaya inuu doodd dhinaca mad-habta ah la galo culimadii degenayd magaalada barbera, ka dib waa dhacay in la isku hor fadhiisto dood kulul oo qolo kasta ku difaacayso mad-habteeda. Sayid maxamed wuxuu watay mad-habka saalixiyada halka sh. Madar iyo sheekh cabdilaahi caruusi ay wateen mad-habka qaadriyada. Sayid maxamed oo ahaa af-miinshaar aaminsan inuu doodda ku gacan sarayn doono ayaa doodda bilaabay waxaanu sharaxay mad-habka saalixiyada iyo siday ugu fiicantahay mad-habka qaadiriyada kadib waxa hadalkii qaatay sh. Madar ugu horeeyntii wuxuu weydiiyay inuu sh. c\laahi caruusi ahaa macalinkiisii? sayidkii baa ku jawaabay Haa, wuu ahaa, laakiin immika sheekhaygu waa sheekh maxamed saalax ayuu sayidkii raaciyey, intaas kadib waxa kale oo sayidkii la weydiiyey goortuu dhashay? Waxaanu ku jawaabay 1865 ka dib sh. Madar wuxuu yidhi ‘sannadka aad dhalatay ayaan dhamaysaty aqoonta diineed bal ka waran aqoonta aad diinta aad u leedahay iyo inta kitaab ee aad baratay?
Sayid maxamed oo lagu yaqaanay fudayd ayaa kacay dooddi, ka dib waa la soo sababay ilaa dhawr masalo oo diini ahaa ayaa la weydiiyay sayidkii wuxuu ku jawaabay waan soo baadhi oo ayaan kale baanu isku iman. Ka dib waa lagu yidhi markad diinta si fiican u soo baratid ayaad la doodi kartaa sh. madar ee immika iska tag. Arrintan waxaan uga socday sayid maxamed oo aan waligii arag sheekh si dhiiran ula hadla ayay ku noqotay fajac waxaanu markii dambe ka baxay magaalada barbera oo ay ka raacday ceeb ileen dooddii ayaa lagaga adkaaday. sayid maxamed oo ahaa nin dhiiran oo is lahaa cid kula hadli mayso ayuu sh. madar kala hor tagay dhiiranaan la mid ah tiisa
Sh. aadan siiro iyo diiranaanta: markii ay koonfurta soomaaliya qabsadeen golahii maxaakiinta islaamiga ahaa, guud ahaan somaliland waxay isha ku haysay si aanay saamayn ugu yeelan dawladda somaliland. dhamaan wadaadadii reer somaliland waxay ku fashilmeen inay shacabka reer somaliland ku qanciyaan inay yihiin dawlad jirta oo aanay khusayn laydha ka socota koonurta soomaliya. sheekh aadan-siiro oo lagu yaqaano dhiiranaan iyo qabasho la’aan xaga wadaniyada ah, ayaa bilaabay in bulshada reer somaliland ku qanciyo in aanay khusayn kacdoonka wadaadada ee ka socda koonfurta soomaliya. wuxuu jeedin jiray khudbado isdaba joog ah oo uu kaga hadlayay in wadaadada reer soomaaliland in meel cad ka istaagaan laydha ka socota somaliya ee ay hogaanka u hayaan wadaadada reer koonfureed ahi. wakhtigaasi waxa la waayay hal wadaad oo difaaca qadiyada soomaaliland oo ka badheedha mawqifkiisa uu aaminsanyahay .mar kaliya ayay bulshadii reer somaliland ay arkeen heerka wadaniyada ee sheekh aadan siiro iyo waliba dhiiranaantiisa uu ugu babac dhigayo kuwan gashan shaadhka wadaad ee doonaya inay kala diraan somaliland. Isagoo halhays ka dhigan jiray” waar reer somaliland ma aqbali doonaan diin qof keliye si leekaysiiyey, oo la soo waarido”. Waxa dhacay in masaajidkii xawaadle uu dadkii qaadi kari waayay khudbadii jimcaha ee sh. aadan siiro ka jeedin jiray....
Cali cabdi coomay
calicoomay@hotmail.com
Suxufi, qoraa ah.
B.A in journalism
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment