Kiev (Himilomedia.com)- Baarlamaanka dalka Ukrain ayaa ka dhisay caasimada dalka ee Kiev xukuumad cusub, halka jamhuuriyada gaarka u taagan ee Crimea, oo deegaan u ah shucuub ka soo jeeda Ruushka ayaa qorsheynaya inay afti u qaadaan mustaqbalkooda, inkastoo qalalaase ka taagan yahay weli.
Dalka Ukraine wuxuu u diyaargaroobay iska difaaca Ruushka, laakiin sidoo kale gargaar ayuu weydiisan doonaa wadamadda kale hadii Ruushku sii balaadhiyo hawlgalkiis aciidan, ayuu sheegay safiirka Ukrain u fadhiya Qaramadda Midoobay maanta.
"Waxaan u diyaargarownay inaan ka difaacno faragelinta Ruushka dalka. Hadii Ruushku sii balaadhiyo saacad walba ciidamadiisa soo gaadhaya Ukrain, dhab ahaan, waxaan dalban doonaa taageerada beesha caalamka," ayuu Yuriy Sergeyev, safiirka dalka Ukrain u fadhiya QM u sheegay CNN shalay.
Xoghayaha guud ee ururka NATO ayaa shalay uga digay dalka Ruushka inay halis gelinayso nabadgelyada Yurub duulaankooda Crimea, isla markaana uu dhimo werwerkaa, inkastoo dublamaasi sheegay inaanay macquul ahayn talaabo ka dhan ah Ruushka oo NATO isku raacdo.
Mar uu ka hadlayey kulan degdeg ah oo safiirada 28 wadan eek u bahoobay NATO shalay yeesheen ayuu Anders Fogh Rasmussen, xoghayaha NATO sheegay, "Faragelinta Ruushka ee dalka Ukrain waxay dhaawacaysaa mabaa’diida xeerarka Qaramadda Midoobay," balse, "Ha filan go’aan culus oo la gaadho," ayuu sheegay safiir ka tirsan NATO.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry ayaa maanta dhaleeceeyey faragelinta Ruushka ee dalka Ukrain, kuna tilmaamay, "Faragelin aan loo dul-qaadan Karin” kuna hanjabay inay jawaab celin adag kala kulmi doonaan Maraykanka iyo wadamadda kale, sida cuna-qabatayn dhaqaale oo Ruushka lagu soo rogo.
"Ma dhici karto inaad qarnigii 21aad u dhaqantid sidii qarnigii 19aad, oo wadan kale u weerartid si qaawan," ayuu Kerry u sheegay telefishanka CBS maanta.
Kerry ayaa sheegay in Madaxweyne Obama khadka telefoonka kula hadlayey dhigiisa Ruushka muddo saacad ah shalay, una sheegay, "Inuu la kala kulmi doono jawaac celin falkiisa.
Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa la sheegay inuu badbaadinta shucuubta Ruushka ee Crimea uga dhigtay qiilka uu baarlamaanka dalkiisu ugu ogolaaday ciidamo uu geeyo halkaa.
Dhinaca kale khabiir arrimaha siyaasada falanqeeya oo degan Maraykanka ayaa sheegay inaan hadalada wadamada reer galbeedku ka baajinayn Madaxweynaha Ruushka Putin gaadhitaanka qorshahiisa ku waajahan dalka Ukrain, “Maxaan samayn karnaa? Ayuu ku sheegay Fiona Hill, khabiir falanqeeya siyaasada oo wax ka dhiga machadka Brookings Institution, wareysi uu siiyey wargeyska The New York Times maanta. “Waxaan ka hadlaynaa cuna-qabatayn. Waxaan ka hadlaynaa ka gudubka xadkii. Xaqiiqada waan is wareerinaynaa. Isaguna (Putin) intuu istaago ayuu inna daawanayaa,” ayuu sheegay. Isagoo raaciyey. “Wuu ogyahay inaan wadamadeena midna doonayn inuu dagaal galo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment