Sunday, August 31, 2014

Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Oo Agaasimayaasha Guud ee Dawladda U Qabatay Kulan Lagu Lafo-guray Dibu-habaynta Shaqaale-weynaha Dawladda

Hargeysa:Aug,31,2014(Himilo)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa Maanta u qabatay Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha Dawladda Kulan lagu gorfaynayey sidii Dibu-habayn loogu samayn lahaa shaqaalaha kala duwan ee Dawladda.

tare

Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ayaa waxa Soo Abaabushay Hay’adda Shaqaalaha, waxaana ujeeddadiisu ahayd sidii Saraakiisha sarsare ee Xukuumadda ka tirsan Fikirkooda uga dhiiban lahaayeen Dardargelin iyo Hufid lagu sameeyo Shaqaalaha Dawladda iyo Waddooyinka Loo marayo Dib-u-habaynta Shaqaalaha.

Waxa Kulankan kasoo qayb galay Inta Badan Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha Dawladda iyo waliba Madax ka socotay Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Dawladda, waxaana sidoo kale Goob-joog ka ahaa Wakiil sare oo ka socday Ha’yadda UNDP Oo Isaguna Talooyin halkaas ka dhiibtay.

nuux

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo ugu horrayn Halkaas Ka Hadlay, ayaa sheegay in sababaha dib-u-habaynta loo samaynayaa ay kaw ka tahay sidii looga Dhabayn lahaa Dhawaaqii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhamaadkii sanadkii 2010-kii kaga dhawaaqay in shaqaalaha Dawladda lagu samayn doono Dibu-habayn.

Nuux Sheekh Muuse Ducale, waxa uu agaasimayaashii iyo madaxdii halkaas iskugu timi u sheegay in looga Baahan yahay inay ka qayb qaataan hannaanka ugu fiican oo loo samayn karo Dib-u-habaynta Shaqaalaha Kala duwan ee Dawladda.

lab

Mudane Nuux waxa uu ku adkeeyey Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha in si hufan u soo bandhigaan wixii aqoon iyo karti ah ee u leeyihiin samaynta Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda, isagoo ku Boorriyey inay Aqoontooda uga Faa’iideeyaan Shaqaalahooda kasii hooseeya ee Awaamiirtooda ku shaqeeya.

Waxa Halkaas lagu soo bandhigay Casharro kala duwan oo lagu muujinayey nidaamyada kala duwan ee loo samayn karo Dibu-habaynta shaqaalaha, kuwaas oo ay soo jeediyeen Khubaro takhasus dheer u leh Hawlaha Shaqaalaha iyo sida loo horumariyo.

Madaxdii kala duwanayd ee Halkaas isku weydaarsanayey Aqoontooda, ayaa soo bandhigay Siyaabo kala duwan oo shaqaalaha loo horumarin karo, waxana Guddida Gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay iskuduba ridka iyo horumarinta arrimaha Shaqaaluhu sheegeen inay qaadanayaan Talooyinka ka yimi Agaasimayaasha iyo aragtiyahoodaba.

Kulankan oo kaliya maanta   inuu socdo loogu talo galay, ayaa kusoo gunaanadmay jawi haboon, iyadoo dhinacyadii ka qaybgalay Kulankaasi ku Ballameen in baahi weyn loo qabo horumarinta iyo Dibu-habaynta Shaqaalaha Dawladda Somaliland.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa iyadu ballan qaadday inay horumar iyo dibu-habayn la taaban karo ku samayn doonto shaqaalaha dawladda, isla-markaana qaadan doonto tallaabooyin loo baahan yahay oo ay Agaasimayaasha Guud talo ahaan usoo jeediyeen.

Kulankan ayaa ah kii noociisa ah ee dalka laga qabto tan iyo intii ay xukuumadda Kulmiye Xukunka Qabsatay muddo haatan laga joogo Afar sano iyo dheeraad, waxaana ay Hay’adda Shaqaaluhu Ballan ku qaaday inay ka midho dhalin doonto Baahiyaha Muuqda ee          Shaqaalaha Dawladda oo si ugu baahan in nidaamkooda wax-ka-beddel lagu sameeyo.

Himilo Media

 

Guddoomiye Cirro Oo Sheegay In Farriimaha Cadowga Somaliland Ka Dheereeyeen Farriimihii Xukuumaddu Beesha Caalamka U Diri Jirtey

Hargeysa:Aug,31,2014(Himilo)-Cabdiraxmaan Maamed Cabdilaahi (cirro) oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland iyo Waliba Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay Ka Baxday Talo hore oo ahayd in Si wada jir ah Beesha Caalamka Looga Dhaadhiciyo in Deegaanada Bariga Somaliland Dalka Ka mid yihiin.

cirroGuddoomiye Cirro oo maanta Saxaafadda La Hadlay, ayaa sidoo kale xusay inay Xisbi ahaan ay taagan yihiin in Tirada Xubnaha Komishanka qaranka Laga DHigo 9-Xubnood, taasna ay Codsigeeda gudbiyeen.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in Qolyaha Mucaaradka ku ah Somaliland farriintoodu ka dheeraatay Farriinta Somaliland u gudbinayso Beesha Caalamka, isla-markaana aan la garanayn meesha ay Somaliland farriimaheedu marayaan.

Ugu horrayn Mudane Cirro oo ka Hadlayey Soo jeedintoodii ahayd in tirada Xubnaha Komishanka la kordhiyo, ayaa Hadalkiisa ku Bilaabay, “ Kamaanan Laaban laakiin, Sharcigu ilaa hadda wuxuu dhigayaa 7 Xubnood. Axmed Maxamed Maxamuud, Madaxweynaha Somaliland markuu ahaa gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Wuxuu ku doodayay in Komishanka laga dhigo 9 Xubnood, anaguna tii uun baanu taagay oo waxaanu leenahay si sinaan loo helo oo Caddaalad u helaan Axsaabtu 9-kay ku wanaagsan tahay laakiin, haddii Madaxweynuhu ku adkaysto 7 ha noqdaana intii aanu ku leenahay ayuun baanu gudbin doonaa haddii Alle ka dhigo”

Gudoomiyaha Waddani iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inaan Xukumadda Somaliland si caadi ah uga jawaabin Baaqyada Caalamiga ah ee ku aadan In Somaliland Ciidanka ka soo saarto Saax-dheer.

“Waxaan isleeyahay farriimihii Somaliland looga baahnaa ee arintaaasi ku saabsanaa saani inoogamay wada bixin, waa laga yaabaa qolyaha Mucaaradka ku ah Somaliland farriimahoodu inay ka bateen kuwa Somaliland gudbinayso, markaa wakhtigii beesha caalamku tidhi Taleex ka baxa Madaxweynuhu wuu noo yeedhay si looga wada tashado Arintaasi, waxayna ahayd in Xukumadda, Axsaabta iyo goleyaasha oo wada socdaa Beesha caalamka u tagaan, taana xukumaddaa ka baxday. Xukumadduna haddii ay hawshaa ku filan tahay oo kaligeed qabanayso waanu ku hambalyeynaynaa, maalintaasna waxaanu ku nidhi haddaydaan ku filayn diyaar baanu u nahay inaanu garab idin siino” Ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiye Cirro ayaa ciidanka qaranka ku Hambalyeeyey Guusha ay ka keeneen Deegaanka Saax-dheer, waxana uu tilmaamay in shacabka Halkaas deggen dantoodu ku jirto Somaliland oo ah Dalkoodii.

Himilo Media

 

Kenya Oo Gacanta Ku Dhigtay Nin Lagu Tuhunsan yahay Shabaabnimo

Nairobi:Aug31,2014(Himilo)-Ciidanka Xuuraanka Dalka Kenya, ayaa shaaciyey inay Su’aalo weydiinayaan nin looga shakisan yahay inuu xubin ka yahay Ururka Al-shabaab.

hooyNinka Ciidanka Sirdoonka Kenya Gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in lagu qabtay Bushqado ay ku jiraan 23-Basaboor oo aanu lahayni, xilli uu ku safrayey Bariga Dalka Kenya.

Dambi baadhista deegaanka Kitui oo ninkan lagu qabtay Julius Sunkuli ayaa sheegay in 34 sano jirkan laga shakiyay loo wareejiyay magaalada Nairobi si baadhitaano dheeraad ah ay ugu sameeyaan ciidamada la dagaalanka waxay ugu yeedheen argagixisada.

Taliyaha ayaa sheegay inay u gacan geliyeen ninkaasi ciidamada Booliska khaaska ah si ay ugala xaajoodaan arimaha argagixisada si waraaqaha badan ee safarka uu waday loo cadeeyo inuu isaga leeyahay iyo in kale iyo ujeedada uu u waday, iyadoo ninkaasi lagu xidhay khamiistii la soo dhafay suuqa deegaanka Kitui ,halkaasi oo loo malaynayay inuu doonayay inuu ku qariyo kooxaha weerarka ka geysta dalka Kenya.

Julius Sunkuli Taliyaha dambi baadhista deegaanka Kitui wuxuu sheegay inay ka shakiyeen in warqadaha ay been abuur yihiin, ama la soo xaday si loo isticmaalo, oo loogu fududeeyo qorista ujeedooyinka argagixisada.

Dhinaca kale hay’adaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay inay adkeynayaan ammaanka dalka Kenya, iyadoo Al-Shabaab ay dalkaasi ka geysatay inka badan 133 weerar tan iyo bishii October sanadkii 2011-ka.

 

Himilo Media

 

Al-shabaab Oo Qaraxyo Qorshaysan Ka Fulisay Xarunta Nabad-sugidda Somalia

Muqdisho:Aug,31,2014(Himilo)-Kooxda Dagaallada kula jirta Dawladda Feeralka Somalia ee Al-shabaab, ayaa Goordhaweyd Garaxyo ka fulisay Xarunta Ciidanka Nabadsugiddu ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

qareeWeerarka ay kooxda Al-shabaab ku qaadday Xaruntaas, ayaa wax aka dhashay khasaare ballaadhan, iyadoo ilaa iyo Haatan lasoo sheegayo Dhimasho Toban ka badan iyo Dhaawacyo intaas kasii badan.

Weerarkan oo loo adeegsaday Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey iyo dagaallo kadib bilaabmay, ayaa lla sheegayaa in raggii weerarka soo qaaday ay halkaas ku wada dhinteen, isla-markaana dileen xubno ka tirsan Cidankii ilaalada Goobta iyo waliba saraakiil ka tirsan Sirdoonka Somalia.

Sarkaal ka tirsan Al Shabaab ayaa wuxuu sheegay in ciidamadooda ay galeen xarunta Godka Jilicoow, halkaasina ay ka geysteen dagaalka.

Xarunta Godka Jilicoow oo ah xarun Nabadsugida Gobalka Banaadir ay degan tahay ayaa si weyn loo adkeeya ammaankeeda, waxaana goobtaasi ku xirdhan maxaabiis badan oo nabadsugida u xidhan.

Sidoo kale ma jirto dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya saraakiisheeda wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan dagaalka dhacay iyo halka xaalada ay mareyso.

 

Himilo Media

Somaliland oo Qaramada Midoobay iyo Maraykanka kala hadlaysa Qaddiyadda Madax-bannaanideeda xilli ay jawaabo kulul ka bixisay Baaqyo ka soo yeedhay

 

Addis Ababa/Hargeysa, 31 August, 2014 (Himilo)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qaddiyaddeeda gooni-isu-taagga iyo kasbashada aqoonsi buuxa oo ay ka hesho beesha caalamka kala hadlaysa dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, oo ay shir gaar ah kula yeelanayso maalmaha soo socda magaalada New York ee dalka Maraykanka.
Maxamed BiixiKulamada Xukuumadda Somaliland la yeelanayso Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Amerika-ba baaq, ayaa daba-socda baaq ay kaga hadleen tallaabada ay Ciidanka Qaranku Khamiistii kula wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Saax-dheer oo ay ka saareen Malleeshiyada Khaatumo la baxday oo Xarun ka dhigatay bilihii u dambeeyey, iyaga oo ugu baaqay Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Saax-dheer.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde xilligan Safar Shaqo ku joogaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa isagu dalkaas u sii dhaafaya magaalada New York ee waddanka Maraykanka oo uu shirar kula yeelan doono Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.
Waxa Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Masuuliyiinta uu kala shirayo Qaramada Midoobay iyo Maraykanka ay ka wadahadli doonaan arrimo badan oo qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland ka mid tahay iyo qodobbo kale oo hor-u-socoshada Qaranka muhiim u ah, sida uu caddeeyey Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Siciid Cali Muuse oo Wargeyska Himilo xalay wax ka weydiiyey ujeeddada Safarkaas Maraykanka Wasiirku ku tegayo iyo Safarka ay labada Wasiir hadda ku joogaan Itoobiya-ba.
“Wasiirka Arrimaha Dibeddu wuu sii dhaafayaa Addis oo New York ayuu shaqo ku tagayaa, waxaanu kulammo la yeelan doonaa Qaramada Midoobay. Wuxuu la kulmayaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud oo loo ballamiyey. Waxa halkaas sii jooga oo ballanta sii qabtay Safiirka Somaliland ee Kenya.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Siciid Cali Muuse.
Warar Madax-bannaan oo Wargeyska Himilo ka helay socdaalka Wasiirka, ayaa iyaguna tibaaxay inuu Wasiir Maxamed Biixi Yoonis magaalada New York kula kulmi doono Masuuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka Maraykanka, oo iyagana uu kala hadli doono danaha Somaliland, xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii Maraykanku Somaliland uga caawin lahaa dhinacyada Siyaasadda aqoonsi-raadinta madax-bannaanideeda, horumarinta aqoonta iyo dhaqaalaha.
Geesta kale, ujeeddada Socdaalka Shaqo ee ay Wasiirrada arrimaha dibedda iyo arrimaha gudaha Somaliland Khamiistii ku gaadheen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, oo la sheegay inay halkaas u tageen sidii ay Itoobiya ugala hadli lahaayeen inay Cali Khaliif Galaydh oo bishan horraanteedii Shir Kooxda Khaatumo ku qabsatay Saax-dheer ay Madaxweyne ugu Cumaamadeen, lagu qabtay qaybta shishe ama daanta gudaha Itoobiya ee Tuuladaas oo ku taalla Xadka Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, halkaasoo Khamiistii lagu qaban lahaa Munaasibad Madaxweyne-nimada loogu caleemo-saarayo, balse ay Ciidanka Qaranka Somaliland kala firdhiyeen.
Hase-yeeshee, Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Siciid Cali Muuse oo Wargeyska Himilo xalay Su’aal ka weydiiyey arrintaas inuu salka ku hayo Safarka Wasiirradu ku joogaan Itoobiya iyo waxay ka wadahadleen labada dhinac, waxa uu ku jawaabay oo yidhi; “Waxay la xidhiidhaa arrimaha cilaaqaadka Somaliland iyo dabcan arrimaha ammaanka ee hore looga wada-hadlay sii xoojintooda. Laakiin, xidhiidh lamay lahayn arrinta Saax-dheer.”
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo Waraysi Jimcihii siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA oo lagu weydiiyey ujeeddada Safarka ay labada Wasiir Khamiistii markii dagaalka Saax-dheer dhacay ka dib ay ku tageen dalka Itoobiya waxa uu la xidhiidho ogaantiisa, ayaa sheegay inay runta u sheegayaan Itoobiya, maaddaama oo xadka ay wadaagaan yahay mid mar walba dhinaca Somaliland ka ammaan ah oo aanay cid rabshadaynaysa dalkooda ku siideynin, inay Itoobiyana waajibkeeda gudato.
Faysal oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Waxa keenay inay Itoobiya tagaan waxa weeye dhinaca Itoobiya ayuu ka dhacayey Shirkani oo uu ka socday (Saax-dheer), Somaliland iyo Itoobiyana xad bay leeyihiin dheer oo illaa 400-KM ah, waana xuduudda ugu nabadgelyada fiican xuduudka ay Itoobiya la leedahay Soomaalida. Markaa, suuragal maaha in annaguna aannu dhulkooda ka ilaalinno wax rabshad ah, xaggoodana nalagaga soo duulo, taasaa loo sheegayay, waanan ku taageersannahay Dawladda Somaliland tallaabadaas ay qaadday ee ah Itoobiya inay runta u sheegto oo aan xaggooda nalagaga soo duulin.”
“Waayo? Saax-dheer waxay ku taallaa xadka aan wadaagno Itoobiya, Shirkanina waxa uu ka socday dhinaca Itoobiya, annaguna ma oggolaan karno in Itoobiya xaggayaga looga maleego wax nabadgelyo-darro ku keenaya, iyadana in loo sheego oo la yidhaahdo dhulkaas xaggiinna waa dhulkii nalagaga soo duulay,dahana labada dalna maaha.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Si kastaba ha ahaatee, Safarka uu Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ku tegayo magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa ku soo beegmaya maalmo ka dib, markii ay Jimcihii Wakiillada Soomaaliya u qaabbilsan Midawga Yurub, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay Baaq ay wada-jir u soo saareen ku sheegeen inay Somaliland ugu baaqayaan inay Ciidankeeda Millateriga dib uga saarto deegaanka Saax-dheer ee ay Malleeshiyada Hubaysan ee Khaatumo kala wareegeen gacan-ku-haynteeda Khamiistii inna dhaaftay, taasoo ay Somaliland-na ka jawaabtay, isla markaana sheegtay inaanay Beesha caalamku ka talinnin gudaha dalka Soomaaliya, baaqooduna yahay mid gardarro ah oo aanay aqbali karin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Xildhibaan Saluug ka muujiyey Siyaasadda Khaarajiga Somaliland oo talooyin uu xal u arko ka jeediyey Aqalka Odayaasha

Hargeysa, 31 August, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo Ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland iyo Arrimaha kasoo cusboonaaday Deegaanada Bariga Dalka.
Mudane Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) waxa uu sheegay in shirarka dhibaatada keenay ee lagu unkay maamullada ka soo horjeeda Somaliland ay yihiin qaar laga soo abaabulayo dalka dibaddiisa isla markaana loo baahan meesha ay kasoo maaxanayaan loogu tago.
axmed-muuse-obsiiyeMudane Obsiiye oo mawqifkiisa ka dhiibanayay dood lagaga hadlayey xaaladda dalka oo ka socotay fadhigii shalay ee golaha Guurtida, waxa uu sheegay in nabadgelyada Somaliland meel fiican marayso, balse waxa uu saluug ka muujiyey siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland oo uu ku dhaliilay inay ka gaabisay doorkii looga baahnaa iyo inay abbaarto goolaha cadowga Somaliland qalalaasaha uga soo maleegayo.
“Shirarkaas la wado waxa laga keenayaa Dibada, Shir aan dibadda laga soo abaabulin gudaha lagama abaabulo, Nabadgelyaduna way wanaagsan tahaye yaan la isku dabakhin nabadgelyadu waa Halkeeda, laakiin siyaasadii arrimaha Dibadda waa la inagaga Adkaaday,” Ayuu yidhi Axmed Muuse Obsiiye.
Xildhibaan Obsiiye, waxa uu ku dooday in dagaalka xilligan Somaliland lagula jiraa ku timi siyaasad xumo dhinaca Arimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah la xidhiidha, isla markana asaaxiibo Somaliland hore ugu lahayd caalamka ay wakhtigan la safan yihiin cadawgeeda, waxana uu yidhi, “Caalamku inaad wax gashato, saaxiib ku yeelato, wax u sheegto, cid kuu doodda ku yeelata ayaa meesha ku jirta, caalamkana ingiriiskaa inoogu dhawaayoo intuu guuray buu tegay xamar ka inaganala dagaallmayana isagaa kow ka ah.”
“Waxa jirtey wakhtiyo dawladihii hore ay jireen oo Baarlamaanka ingiriiska laga soo dhaweynayey madaxweynaheena, Maantana Wakiilkii ingiriiska, kii maraykanka iyo kii Qaramada midoobayba waxay ku dhawaaqeen Somaliland inay ku khaldantay saax-dheer gelitaankeeda, saaxdheerna dalkay ka mid tahay oo xuduudaynu leenahay yurubna iyadaa samayay xuduudaha, markay leedahay way ku khaldantayna waa ujeeddo gaar ah,” ayuu yidhi Xildhibaan Obsiiye.
Xildhibaanku waxa uu iftiimiyey shir-qoolo siyaasadeed oo Somaliland lala maaggan yahay, waxaanu yidhi,“In somaliland la kala jaro oo la googooyo oo sida Xamar laga dhigo oo gobollo loo sameeyo oo nabaddu xumaato ujeeddadu taas weeye, markaa haddaynaan caalamkii cid aynu nidhaahdno waar maanta waxaasu idiinka Baahanahee nala qabta aynaan lahayn waa la inagaga adkaaday.”
Mudane Axmed Muuse Obsiiye, waxa uu ku dooday in xilka wasaaradda Arrimaha dibadda loo dhiibo siyaasiyi dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha darafyada, “Waxan leeyahay Somaliland waa labada hareerood, calooshuna waxba ma ahee wasiirul-khaarajiyaha halla Bedello oo labada Hareerood hallaga dhigo. Waxanu leenayay bahasha yeynaan isku soo koobin oo xidh yar oo la yidhaahdo SNM yeynaan ka dhigin xukuumadda Maanta shaqaysaana waxay ku shaqaysaa SNM kuma shaqayso Somaliland SNM-na waxay dhashay Somaliland.”
Hadalka xildhibaanku shalay dooddiisa kaga dhiibtay fadhigii shalay ee golaha Guurtida oo lagaga hadlay xaaladda dalka iyo siyaasadda Arrimaha Dibadda Obsiiye, ayaa kusoo Beegmaysa xilli dhawaan Qaramada Midoobay, midowga Yurub iyo Maraykankuba si wada jir ah ugu dhawaaqeen in loo baahan yahay inay Somaliland kasoo Baxdo Deegaanka Saax-dheer, iyadoo wasaaradda Khaarajiguna aanay wali wax hadal ah kasoo saarin dhawaaqa Beesha caalamka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

Xukuumadda oo Beesha Caalamka u bandhigtay Doorka uga bannaan Qul-qulatooyinka Colaadeed ee ka taagan deegaamo ka tirsna Bariga Somaliland

“Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa inay kala hadlaan maleeshiyaad khaatumo iyo taageerayaashooda inay ka waantoobaan wax kasta oo xasilooni-darro abuuri kara,

Hargeysa, 31 August, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka u soo bandhigtay tallaabo malleeshiyaadka Kooxda Khaatumo loogu qancinayo inay ka waan-toobaan falalka deggenaanshiyo la’aanta iyo iska-horimaadka ka abuuri kara deegaamada gobollada Bari ee Somaliland.
siciid cali muuseWasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa beesha caalamka u iftiimisay in xasilooni-darrada iyo qalalaasaha ka taagan Bariga Somaliland ay masuuliyaddeeda leeyihiin maleeshiyaadka la baxay Khaatumo, waxaanay xukuumadda u soo jeedisay beesha caalamka inay ku qanciyaan kooxdaas sidii ay uga waantoobi lahaayeen dhibaatada ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaankaas.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey doorka Somaliland ku leedahay xasiloonida iyo nabad-ku-wada noolaanshiyaha mandaqadda, isla markaana ay wakhtiganna diyaar u tahay tallaabo kasta oo lagu xoojin karo deggenaanshiyaha mandaqadda, balse aanay cidna kula gor-gortamayn ilaalinta iyo sugidda ammaanka xuduudaha dalkeeda.
“Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa inay kala hadlaan maleeshiyaad khaatumo iyo taageerayaashooda inay ka waantoobaan wax kasta oo xasilooni-darro abuuri kara, qalalaasena ka dhalin kara tuulada Saax-dheer ee Bariga Somailand. Beesha Caalamka, Somaliland iyo deriskeedu waxa ay ka midaysan yihiin oo dani ugu jirtaa ilaalinta nabada iyo deggenaanshaha Somaliland ku caano-maashay muddada 23-ka sanno ah ee ay jirtay.
“Malleeshiyaadka Khaatumo waxa ay xasilooni-darro iyo degenaanshiyo la’aan ka abuureen qaybo ka mid ah gobolka Sool ee Bariga Somaliland, taas oo aanay oggolaan doonin dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Iska-horimaadkii u dambeeyey ee ka dhacay Saax-dheer waxa keenay joogitaanka maleeshiyaadka ee magaaladaas oo walaac ka dhex-bauuray bulshada deegaanka ku dhaqan,” Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradda Arrimaah Dibadda Siciid Cali Muuse.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

Faro-gelinta Dawladda Somalia ku hayso gudaha Somaliland oo madow-madow gelisay sii-socoshada wada-hadalladii u dhexeeyay labada waddan

“Waa dagaal aad warbaahinta ku qirateen inaad qayb ka tihiin waxa ka socda bogcadda Saax-dheer iyo In Cali Khaliif kuwa dabada ka soo riixaya ee Odaygaa wayn khal-khaliyey” Wasiir Cukuse

Hargeysa, 31 August, 2014 (Himilo)- Dawladda Soomaaliya, ayaa dorraad ka hadashay tallaabada ciidamada Somaliland kula wareegeen magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool oo la doonayey in lagu qabto xaflad lagu xaleemo saarayo Prof Cali Khaliif oo loo doortay hoggaamiyaha kooxda Khaatumo oo taageero ka helaysa dawladda Soomaaliya.
CukuseKa-hadalka Soomaaliya ee tallaabada Ciidamadu kula wareegeen Saax-dheer, ayaa daboolka ka qaadday qorsheyaal siyaasadeed oo dawladda Xasan Sheekh Maxamuud qalalaase kaga abuurayso gudaha Somaliland, sida ay ku doodayso xukuumadda Somaliland oo aamisan in taageerada Soomaaliya u fidisay Cali Khaliif Galeydh ay meesha ka saaray heshiiskii u dhexeeyey iyo wada-hadalladii u socday labada waddan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) isla markaana ah afhayeenka xukuumadda, ayaa dawladda Somalia ku eedeeyey faro-gelin siyaasadeed oo ay ku soo xad-gudbeen deegaamo ka tirsan Somaliland, ka dib markii diyaarado sidey xildhibaanno ka tirsan dawladdaas oo ka qayb-galay caleemo-saarka Cali Khaliif ka soo degeen magaalada Buuhoodle.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in tallaabada dawladda Soomaaliya ku taageertay Kooxda Cali Khaliif ay meesha ka saartay heshiis u dhexeeyay isla markaana ay dhaawac gaadhsiisay wada-hadalladii u socday labada waddan. Wasiirku waxa uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dhiggiisa dawladda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow oo cambaareeyey go’aanka ay ciidamada Qaranka Somaliland kula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool.
Cabdilaahi Maxamed Daahir oo shalay war-fidiyeennada kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu yidhi, “Waxaanu leenahay, waa jabiseen heshiiskii inoo dhexeeyay, wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyeyna waxa uu noqday mid dhaawacmay, markii uu Dhuxulow (Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya) ku dhawaaqay inuu ka hadlo qayb ka mid ah Somaliland. Markii aad Muqdisho xildhibaanno ka soo dirteen, markii aad u soo dirteen inay Somaliland gudaheeda ku shiraan, markii aad u soo dirteen inaad Somaliland gudaheeda khal-khal gelisaan, waxa annagana noo muuqata in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey dhaawacmay.”
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaanu leenahay Soomaaliya, haddii ay idin deeqdo nabaddii aanu idinkula noolayn dhinaca warbaahinta iyo dhinaca milatarigaba, annagu diyaar baanu u nahay, laakiin waxa muuqata in xildhibaannadiinii oo diyaarado saarani qayb ka mid ah Somaliland yimaaddeen. Waa dagaal aad iclaamiseen, waa dagaal marka dambena aad warbaahinta ku qirateen ood ku caddayseen inaad qayb ka tihiin waxa ka socda bogcadda Saax-dheer iyo In Cali Khaliif kuwa dabada ka soo riixaya ee Odaygaa wayn khal-khaliyey tihiin waa wax caddaan ah oo muuqata,” ayuu yidhi Md Cukuse.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay dhawaaq ka soo yeedhay Bulshada Caalamka oo Somaliland u soo jeedisay inay ciidamada kala baxdo Saax-dheer. “Annagu waxaanu maanta iclaaminaynaa oo qof kasta oo ay ka daahan tahay u sheegaynaa dalkayaga gudihiisa meel ka mid ah cid nagala talin kartaa ma jirto, dalkayaga gudihiisa waxaanu ka yeelanaynaa iyo sida nabaddiisa ku sugmayso iyo qaranimada Somaliland sida aanu u ilaalinayno, kala tashan mayno qof aan dadkayaga iyo dalkayaga ka mid ahayn,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Himilomedia
Hargeysa-Somaliland

Shacabka waddan hore xidhiidhka ugu jaray Israel oo dalkooda ka Mustaafurinaya Yuhuudda ku nool

Guatemala, 31 August, 2014 (Himilo)- In ka badan 230 Yuhuud ah oo dhaqan Galbeedka waddanka Waddanka Guatemala ee ku yaala qaaradda Latin Ameerika, ayaa ka barokacay guryahoodii, ka dib markii ay kacdoonno kaga yimaaddeen bulshada ku dhaqan deegaankaas.
Qoysas asalkoodu ka soo jeeda qoomiyadda Yuhuudda ee Lev Tahor oo dalkaas u haajiray wakhtiyo hore, ayaa lagu khasbay inay ka guuraan guryahooda oo ku yaala tuulada San Juan ee galbeedka dalka Guatamala, ka dib markii ay kulan la yeesheen wax-garadka qoomiyadda Mayan oo ka tirsan Hindida asal ahaan loogu tagay qaaradda Latin Amerika.
YuhuuddaQoomiyadda Yuhuudda ee ku dhaqan tuuladaas ayaa lagu eedeeyey inay ku kaceen xad-gudubyo ka dhan caadooyinka ay dhaqan u leeyihiin bulshada Mayan-ka oo badankoodu yihiin dad cawaan ah oo ka xidh-xidhan shacabka ku dhaqan dalkaas.
Todobaadyadii u dambeeyey wax la arkayey dadka Yuhuudda ah oo isu diyaarinaya inay ka guuraan tuulada San Juan oo 150KM dhinaca Galbeed kaga beegan caasimadda dalka Guatemala.
“Waxaanu nahayd dad nabad lagu yaqaano, si aanu uga hortagno dhibaato dhacda, waxaanu go’aansannay inaanu iskaga guurno halkan,” sidaas waxa yidhi Tahor oo ka tirsan dadka Yuhuudda ah oo la bara-kiciyeyh. “Xaqbaanu u leenahay inaanu halkan joogno, laakiin waxay noogu hanjabeen inay na laynayaan haddii aanaan ka tagin.”
Dadka deegaanka ku dhaqani waxa ay ku eedeeyeen Yuhuudda inay faro-geliyeen caadooyinkooda isla markaana ku khasbeen dadka kale inay diintooda qaataan.
“Waxaanu sidan u samaynay inaanu difaacno Sharafta iyo xuquuqda ay leeyihiin dadka u dhashay deegaankan. Dastuurka Guatemala ayaa ilaalinaya xuquuqdayaa, maxaa yeelay waxaanu u baahannahay inaanu ilaalino dhaqankayaga iyo diintayada,” sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay golaha odayaasha oo lagu magacaabo Miquel Vanquez.
Tallaabada ay shacabka ku dhaqan dalka Guatemala kala hortageen Yuhuudda ku dhaqan dalkooda, ayaan ku koobnayn tuuladaas oo kaliya, balse waxa muddooyinkii u dambeeyey socday kacdoonno dawladda Guatemala lagaga dalbaday inay dalkooda ka mastaafuriso dadka Yuhuudda ah ee ku dhaqan.
Waddanka Guatamela ayaa ka mid ah lix waddan oo ka tirsan qaaradda Latin Amerika, kuwaas oo xidhiidhka dibloomaasiyadeed u jaray dawladda Israa’iil muddadii uu socday dagaalkii lagu xasuuqay shacabka Falastiin, iyaga oo safiirradoodii u joogay dib uga yeedhay.
Himilomedia
Hargeysa-Somaliland

Saturday, August 30, 2014

Kornayl Barre Hiiraale iyo Ciidankiisii Oo Gudaha Kismaayo Soo Galay iyo Wada-hadal u Bilaabmaya Madaxweynaha Jubba Land

Kismayo:Aug,30,2014(Himilo)-Kornayl Barre Aadan Shire (Hiiraale) ooh ore u ahaan jirey Wasiirkii Gaashaandhigga somalia iyo Ciidan tiro badan oo uu wato ayaa saaka soo gaadhay Gudaha Magaalada Kismayo ee Maamulka Jubba Land, iyadoo wada Hadallo u furmo doonaan Madaxweyne Axmed Madobe oo ay muddo dagaal ku wada jireen.

hiiraaleGuddiga dhexdhexaadinta oo ka kooban wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday urur goboleedka IGAD ayaa ku guuleystay in Col. Barre Hiiraale ay ku qanciyaan imaanshaha Kismaayo si uu qeyb uga noqdo howlaha dib u heshiisiineed ee ay dowladda federalku ka waddo gobollada Jubbooyinka.

Qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Jubba ayaa warbaahita u sheegay in Barre Hiiraaale iyo ciidankiisa ay haatan ku sugan yihiin garoonka Ma-dhamaato oo ku yaalla duleedka waqooyiga degmada Kismaayo, waxaana la sheegay in halkaasi la dejiyay isaga iyo Ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay si toos ah isu hor yimaadeen Kornayl hiiraale iyo Axmed Madobe, isla-markaana laabta isgeliyeen, iyagoo muujinaya inay dhamaatay Xurguftii muddada u dhaxaysay.

Weriyeyaasha ku sugan Kismaayo ayaa loo diiday in ay tagaan goobta uu ku sugan yahay Barre Hiiraale iyo ciidankiisau, waxase Soo Baxaya in maalinta berry ah labada dhinac bilaaban doonaan Wada-hadalladooda, iyadoo la filayo in halkaas laga soo saaro Qoddobo labada dhinacba ku qancaan oo xal u noqon kara sidii meesha looga saari lahaa khilaafka keenay barkaca shacabka iyo dagaalka labada garab.

 

Himilo Media

Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Bayaankii Reer Galbeedku kasoo Saareen Tallaabadii Ciidanka Qaranku Kula Wareegeen Deegaanka Saaxdheer

Hargeysa:Aug,30,2014(Himilo)-Xukuumadda Somaliland ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadashay Hadallo kasoo yeedhay Dhigeeda somalia, Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub oo la Xidhiidha Weerarkii Ciidanka qaranku kula wareegeen Deegaanka Saax-dheer.

gudhaWasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in Hadalladan dhawaan Somalia kasoo baxay iyo qaar hore uga soo bixi jireyba ay Baalmarsan yihiin Heshiishkii socday ee Labada dhinac hore u dhigteen, kaas oo salka ku Hayey wada-hadalladii Turkiga ka socday.

“Annagu maanta waxaanu Iclaaminaynaa oo qof kasta oo ay ka Daahan tahay u sheegaynaa oo qof kasta oo madmadaw kaga jiro ama ka daahan tahay ama riyoonaya u sheegaynaa, Somaliland waa Somaliland. Dalkayaga meel ka mid ah oo Cidi nagala talin kartaa ma jirto.Dalkayaga gudihiisa waxaanu ka yeelayno iyo nabaddiisu siday ku sugmayso iyo qaranimada Somaliland sida loo adkaynayo kala tashan mayno qof aan dalkayaga iyo dadkayaga midna ahayn oo dibadda ka jooga” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirku waxa uu Masuuliyiinta Somalia ku eedeeyay inay dabada ka riixayaan Cali Khaliif oo dhawaan loo doortay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo “kuwa Cali Khaliif dabada ka riixaya ee Odaygaa wayn Khal-khalinaya inaad idinka tihiina waa wax caddaan ah oo muuqata” ayaa ka mid ahaa hadalka wasiir Cukuse.

Wasiirku waxa uu jawaab ka bixiyay hadal Wakiilada Qaramada midoobay,Maraykanka iyo Midawga Yurub Somalia u joogaa ku dalbadeen in Somaliland ciidankeeda dib uga soo saarto Saax-dheer

“waxaanu leenahay Xuduuddayada Baac ka mid ah oo aanu dib uga soo noqonaynaa ma jirto inaanu hore ugu sii socono halkaanu joogno mooyee, Somaliland na jiritaankeedu wuu sugan yahay, dalkayaga iyo dadkayaguna wuu isku kalsoon yahay. Waxaanu ku kalsoonahay Cududda Militarigayaga iyo dalkayaga” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Hadalkan xukuumadda Somaliland ka sheetay weerarka Deegaanka Saax-dheer, ayaa Jawaab u ah Hadallo hore qaramada midoobay, Midowga Yurub, Maraykanka iyo Somalia uga soo baxay oo ay ku diidanaayeen Duulaankii ciidanka qaranka.

 

Himilo Media

Tiradii Ugu Badnayd Ee Golaha Wakiillada ah Oo Ka Aamustay Wasiir Ansaxintiisa La Horgeeyey

Hargeya:Aug,30,2014(Himilo)-Tiradii ugu badnayd eek a tirsan Golaha wakiillada Somaliland, ayaa ka aamustay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhkiga Golayaasha iyo Tignoolajiyada oo Maanta La Horgeeyey Ansixintiisa.

mareeeTirada Golaha ka tirsan ee Maanta ka aamustay Ansaxinta Wasiir Cali Xaamud Jibriil ayaa ahayd 20-tan Xildhibaan, waxana diiday Shan kale oo ila mudanayaashii fadhiyey ka mid ah, halka ay ka Ogolaadeen 19-Mudane oo kali ahi.

Cali Xaamud jibril ooh ore u ahaan jirey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, isla-markaana uu Madaxweyne Siilaanyo xilkaas hore uga qaaday, ayuu haddana mar labaad u magacaabay wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Tegnoolajiyada caalamiga ah, waxana uu maanta ku meelmaray cod aad u yar.

Cali Xaaamud Jibriil ayaa noqday Wasiirkii ugu codka yaraa eek a dudba Golaha Wakiillada, waxana Goluhu ku sigtay inuu Diido wasiirnimadiisa.

Lama garan karo sababta ay xildhibaanada Golaha wakiillada oo u badan Muxaafidku ku diideen Cali Xaamud Jibriil, balse qaar ka mid ah Mudanayaasha oo Markii ansaxintu dhacday Wasiirka la Hadlayey ayaa u sheegayey inuu arrimaha Golaha Faraha kala baxo oo aanu dib u soo fargoelinin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in cali Xaamud Jibriil uu dhawaan Goobo fagaare ah ka sheegay in loo baahan yahay in Golaha Wakiiillada la kala diro oo ay Banneeyaan Kuraasta.

Himilo Media

 

Madaxweynaha Somaliland oo jawaab dibloomasiyadeed ka Bixiyey dhawaaq Faro-gelin siyaasadeed xambaarsan oo ka soo yeedhay Qaramada Midoobay, EU-da iyo Maraykanka

Muxuu Madaxweynuhu ka yidhi Tallaabada ay Ciidamadu kula wareegeen Saax-dheer

Hargeysa, 30 August, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay tallaabada Ciidamada Qaranka Somaliland subaxnimadii Khamiista ee dorraad kula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool, taas oo Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub ku tilmaameen farogelin Somaliland ku samaysay deegaan aan dhulkeeda ahayn.
Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa subaxnimadii hore ee maalintii Khamiista hawl-gal milatari ka fuliyey magaaalada Saax-dheer oo muddooyinkii u dambeeyey fadhiisin u ahayd Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa, halkaas oo la doonayey in munaasibad caleemo-saar loogu qabto hoggaamiye Cali Khaliif oo shir-beeleed magaaladaas ka dhacay loogu doortay hoggaamiyaha kooxda la baxday Khaatumo.
fataaliintaErgayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Erayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Danjiraha Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso, ayaa Somaliland ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Saax-dheer isla markaana arrimaha gun-dhigga u ah khilaafka dagaalka sababay lagu dhammaytiro wada-xaajood nabadeed oo dhexmara Somaliland iyo Kooxda Cali Khaliif.
siilaanyo3Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo waxa sheegay in ciidamada Qaranka Somaliland oo fulinaya amarkiisa ay ku guulaysteen gacanta ku dhigista magaalada Saax-dheer oo ku taala xuduuudka Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in gacan-ku-haynta ciidamada Somaliland ee magaaladaasi ay fursad u siinayso shacabka ku dhaqan deegaankaas inay dawladda Somaliland ka helaan adeegyada aasaasiga ee horumarinta arrimaha bulshada.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo xalay lagu baahiyey bogga uu Madaxweynuhu ku leeyahay barta twitter-ka, kaas oo u qornaa sidan:- “Ciidammada Qaranka Somaliland oo u hoggaansan amarkayga, waxa ay si nabadgelyo leh gacanta ugu dhigeen ammaanka magaalada (Saax-dheer) Xuduudka ku taala. Dawladdu waxay immika awooddaa inay u fidiso adeegyo aasaasiga ah,” sidaas waxa lagu sheegay qoraalka xalay lagu baahiyey bogga twitter-ka ee madaxweyne Siilaanyo oo uu ugu iftiimiyey in ujeeddada ciidamada Qaranku ula wareegeen magaaladaasi tahay mid xukuumaddu ku hananayso ammaanka iyo xasiloonida xuduudaha dalka isla markaana lagu gaadhsiinayo shacabka deegaankaas wax-qabadyada iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay xukuumadda ugu talo-gashay.
Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay xalay tallaabada ciidamada Somaliland ka qaadeen malleeshiyaadka Cali Khaliif Galeydh, ayaa ku soo beegmay saacado ka dib markii war-saxaafadeed ay si wada-jir ah shalay gelinkii dambe magaalada Nairobi uga soo saareen Danjireyaasha Maraykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaanay ku baaqeen inay Somaliland ciidamada kala baxdo deegaanka Saax-dheer ee shalay dagaalku ka dhacay, kaas oo u muuqda faro-gelin ay ula badheedheen Qaranimada Somaliland maadaama oo deegaanka Ciidamada tageen ka tirsan yahay dhulka Somaliland.
Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Erayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Danjiraha Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso, waxa ay kaga dhawaajiyeen sida ay uga walaacsan yihiin dagaalka ka dhacday magaalada Saax-dheer.
“Waxaanu ku baaqaynaa in si deg-deg ah ciidamada looga saaro Saaxdheer, maxaasta la hayona si deg-deg ah loo sii daayo. Waxaanu dhinacyada ku boorrinaynaa inay ka waantoobaan rabshado dhaca isla markaana ay qaadaan dedaallo lagu xallinayo kala-fogaanshiyaha iyada oo loo marayo wada-hadal nabadeed. Dhammaan dhinacyadu waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinaya doonis dhab ah oo ku aaddan abuuritaanka xaalad muhiim u ah deggenaansho ka dhaca gobolka,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Danjireyaasha QM, EU-da iyo USA u qaabilsan Soomaaliya.
Hawl-galka Milatari ee Ciidamada Qaranka Somaliland kula wareegeen magaalada Saax-dheer, ayaa ahaa mid lagaga hortagayey caleemo-saar magaaladaas loogu samaynayey Cali Khaliif Galaydh oo markii ay xabaddu bilaabantay isaga iyo xubno kale ay firxadkii kaga talaabeen Xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya.
Dagaalkan waxa dhinaca ciidamada Somaliland kaga geeriyooday laba askari halka laba kalena kaga dhaawacmeen sida uu sheegay taliyaha ciidanka Qaranka, halka dhinaca kale tirada dhismaha lagu sheegay tobaneeyo qof iyo gdhaawac gaadhay 6 qof oo tirsanaa maleeshiyo-beeleedka Cali Khaliif. Sidoo kale waxa ay ciidamadu dagaalka ku qabteen gaadiidka dagaalka iyo kuwa shacabka halka sagaal qof oo laba mid ah yihiin xildhibaanno ka tirsan dawladda Soomaaliya Maxbuus ah loo qabtay, kuwaas oo hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Burco.
Dhinaca kale, waxa habeen hore magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya safar aan hore loo shaacin ku tagay Wasiirrada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo dawladda Itoobiya kala xaajoonaya arrimo la xidhiidha ammaanka xuduudaha laba waddan, ka dib markii Cali Khaliif iyo Kooxdii la socotay ay dhinaca dalkaasi Itoobiya u tallaabeen, maadaama isaga iyo kooxdiisa ay xasilooni-darro ka abuurayaan gudaha Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Wasiir Cadami ma Madax-dhaqameedka Warsangeli baa khiyaameeyey mise Isagaa Somaliland Khaayimayey?

Badhan/Dhahar, 30 August, 2014 (Himilo)- Isimmo, Cuqaal, Odayaal, Wax-garad iyo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Warsangeli ee degmooyinka Badhan iyo Dhahar, ayaa ka soo horjeestay, isla markaana qaaddacay Shir Xiin-galool ka furmay oo loogu yeedhay Shirka Beelaha Warsangeli ee Guuleed laba, kaasoo ay ku tilmaameen inuu yahay Shir ay Kooxi wadato, looguna yeedhi karin shir ay ku midaysan yihiin Beelaha Warsangeli oo Khamiistii furmay, iyagoo tilmaamay inaanay ka qaybgelin, waxa ka soo baxana aanay aqoonsan doonin.
vlcsnap-2014-08-30-00h02m51s135Shir Jimcihii shalay lagu qabtay magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan, ayay Odayaasha iyo Madaxda Dhaqanka ee qabtay shirkaasi waxay iftiimiyeen ujeeddada shirkaas laga leeyahay oo aan ahayn mid beeleed. Shirka Xiin-galool ka furmay oo hore Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland u sheegey inuu yahay Shir Beesha Warsangeli u dhan tahay oo aan siyaasad iyo dano gaar ah shaqo ku lahayn, halka uu Wasiirka Kalluumaysigu shaki iyo walaac ka muujiyey shirkaas oo uu sheegay inuu u ekaan karo kii Saax-dheer ka qabsoomay ee Cali Khaliif Galaydh lagu doortay horraantii bishan, ayaa waxa sidoo kale iyaguna ka soo horjeestay Madaxda Dhaqanka, Wax-garadka iyo Odayaasha Beeshaas ee Degmada Dhahar ee gobolka Badhan.
Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo Ugaas Maakhiri Cali Shibbiin oo ka hadlay, ayaa sheegay in Shirkaasi yahay shir aanay beeshu ku wada socon shirkaas, balse uu yahay shir gaar ah oo ay koox gaar ah oo dano shaqsiyadeed iyo dillaalnimo wadaa qabsadeen. “Waxaannu caddaynaynaa Shirka Xiin-galool inaanu ahayn sida loo sheegtay, shirkaasi maaha magaca loo bixiyey ee waa shir gaar ah oo dano gaar ah laga leeyahay.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Xasan Cali Jibriil.
Sidoo kale, Ugaas Maakhiri Cali Shibbiin oo ka hadlaya shirkaasi, ayaa yidhi; “Shirkan meesha ka dhacay ee Xiin-galool laga sheegayo mid annagu aannu shaqo ku leenahay maaha, wax cid ah oo naga raacayna ma jiraan, cidina noogama tegin, shaqo aannu ku leenahay-na ma jirto, Shir Warsangeli-na laguma magacaabi karo.”
Waxaana gebo-gabadii shirkaas shalay lagu qabtay magaalada Badhan Warbaahinta looga akhriyey siddeed qodob oo lagu qaaddacay Shirka Xiin-galool, kuwaasoo qoraalkoodu u dhignaa sidan:- “1- Shir Warsangeli ka midaysan yahay maaha. 2- Waa shir lagu duminayo Masiirka iyo Midnimada Warsangeli. 3- Waa Shir Ujeeddadiisu tahay dillaalnimo labada Maamul ah. 4- Ma aha Shir qaban-qaabadiisa iyo abaabulkiisa laga wada tashaday ee waxa uu ahaa mid koox dan gaar ah lihi wadatay.
5- Waxaannu ku baaqaynaa Shir caafimaad-qaba oo Beelaha Warsangeli u dhan yihiin, kagana wada-tashadaan aayohooda. 7- Beeshu ma aqoonsan doonto waxa ay soo saarto Kooxda Xiin-galool. 8- Waxaannu u baaqaynaa Kooxda Xiin-galool inaanay afka ku ballaadhin Warsangeli ee ay ku eekaadaan Kooxda ay yihiin.”
Sidoo kale, Cuqaasha, Wax-garadka iyo Odayaasha degmada Dhahar ee gobolka Badhan, ayaa qaaddacay iyaguna shirkaas Xiin-galool. Waxaanay Wax-garadka Beesha Dubbays sheegeen in aanu Shirka Xiin-galool ka furmay aanu ahayn shir ay qabsanayaan Beelaha Warsangali oo aan loo dhammayn, wax kasta oo ka soo baxaana aanay Beel ahaan aqoonsanayn oo aanay iyaga khusaynin, xubnaha Dubbays ee ka qaybgalayna yihiin kuwo shaqsiyaddooda u socda ee aanay beesha metelin.
Odayaasha iyo Wax-gardka degmada Dhahar oo Khamiistii Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Dhahar, waxay sheegeen inaanay Cid Beesha Dubbays ka socotaa ka qaybgelin shirkaan, kana qaybgeli doonin ee ay ka soo horjeedaan. Caaqil Cabdi Shire Maxamed (Shire-Maskax), oo ka mid ahaa Odayaasha Shirka Jaraa’id qabtay oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi; “Annagu haddaannu nahay Beesha Dubbeys ee Warsangali shirkaa Xiin-galool ee gogashu Xiin-galool u taal, waxaannu go’aansannay inaannaan maanta diyaar u ahayn, ciddii Beesha Dubeys ka tegtayna aanay naga talo-gelin oo aanay beesha metelin.”
“Haddaannu nahay Odoyaasha iyo Madax-dhaqameedka Beesha Dubbeys shirkaa Xiin-galool annagu hore ayaannu uga cudur-daarannay inaannaan shaqo ku lahayn sababo jira dartood, xilligakanna aannaan diyaar u ahayn, haddaannaan ka qaybgelinna dee shir na khuseeya maaha.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Cumar Cige oo ka mid ahaa Madaxda Dhaqanka ee ka hadlay Shirka Jaraa’id ee Dhahar ay ku qabteen, waxaanay Odayaasha kale ee Shirkaas ka hadlay sheegeen inay Beesha Dubbays taageersanayn shirkaas ee ay ka soo horjeedaan, una arkaan mid dano gaar ah laga leeyahay.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo xalay isagoo jooga magaalada Dhahar ee gobolka Badhan Weriye Himilo ka tirsani Khadka Taleefanka kula xidhiidhay, waxna ka weydiiyey Shirkaas oo uu hore shaki iyo walaac xooggan uga muujiyey mar uu toddobaadkii hore waraysi gaara siiyey Wargeyska Himilo, ayaa sheegay in Shirkaasi furmay Khamiistii, isla markaana Beelaha Warsangeli markay arkeen in ujeeddooyin aan u danaynaynin iyo ajandayaal siyaasadeed oo shaqsiyaad gaar ahi ku faa’iidayaan ay ka gaabsadeen inay ka qaybgalaan, isla markaana qaaddaceen.
“Shirkaasi sidii aan horeba u sheegay waa shir aan ajandihiisa iyo ujeeddadiisu toona caddayn, Beelaha Warsangeli ee Shirka Xiin-galool magacooda sitaana markii ay arkeen in shirkaas Koox dano gaar ah iyo dillaalnimo wadaa ay dabada ka wadaan waad ogtihiin inay qaaddaceen oo aanay ka qaybgalin oo Dhahar laga qaaddacay, Badhan iyo deegaanno kalena laga qaaddacay. Markaa, shirkaas Xiin-galool iyo Kooxda wadataaba waxaan u arkaan inay fashilmeen, wax u suuragalayaana aanay jirin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland.
Wasiir Buureed oo aannu wax ka weydiinnay inkasta oo uu isagu hore shaki iyo walaac uga muujiyey shirkaas, haddana Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo dhawr maalmood ka hor Warbaahinta kula hadlay Hargeysa inuu sheegay in Shirkaasi yahay Shir Dhaqan oo Beelaha Warsangeli horumarkooda kaga tashanayaan, isla markaana ay isaga iyo Masuuliyiin kale oo Beesha ka soo jeeda oo dawladda Somaliland ka tirsani ka qaybgeli doonaan, waxa iska beddelay sidaas, waxa uu yidhi; “Wasiirku isagaa sidaa iska yidhi; Shirkan hadduu shir Beeshu u dhan tahay yahay iyo haddii ujeeddadiisu wacan tahay Madaxda Dhaqanka ee Beesha ayaa gacanta ku hayn lahayd ee may qaaddaceen, waxaa ay ku qaaddeceen baanu qabaa, waxaanan kuu sheegayaa in aan shir lagu tilmaami karin hadda ee uu yahay kulan Kooxi isugu timi, waxa ka soo baxaana aanu noqon karin wax saamayn ku yeelan kara-haba yaraatee Somaliland.”
Wasiir Cadami oo aannu isku daynay marar badan shalay illaa xalay inaannu xidhiidh dhinaca Taleefanka ah la samayno si aannu warkan wax uga weydiinno, ayaanay noo suuragelin inaannu helno Taleefankiisa gacanta oo xidhnaa awgeed, hase ahaatee, waxa uu toddobaadkii hore ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, inaanay shaki ka qabin shirkaas iyo ujeeddadiisa, isla markaana dadka barbar-dhgiaya ama ku dhererinaya Shirkii Saax-dheer ee Galaydh lagu doortay isagu ka xog-ogaalsan yahay, oo uu shirkaasi yahay mid Dhaqan oo Beesha Warsangeli ku tashanayso, balse taasi waxa muuqata inay is-beddeshay, isla markaana ujeeddo kale yeeshay Shirkaas Xiin-galool ka furmay Khamiistii dorraad.
Waxaanay dad badani is-weydiinayaan su’aal ah ma Beelaha Shirka Xiin-galool qaaddacay ayaa khaayimay Wasiirka? Mise Wasiir Cadami ayaa Somaliland Khaayimayey? Marka loo eego sida adag uu uga jawaabay shakiga shirkaas laga muujiyey iyo sida ay ujeedddada iyo ajandaha shirkaasiba isu-beddeleen, isla markaana looga dhex-arkayey Madaxda Dhaqanka Beeshaas ee Somaliland ka soo horjeeda, una ololeeya Soomaali-wayn, kuwaasoo uu ka mid ahaa Suldaanka guud ee Warsangeli Suldaan Siciid oo dhawr shir oo uu hore uga abaabulay Bariga Sanaag la fashiliyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Siyaasiga Ismaaciil Buubaa oo ka talo-bixiyey sida ay Somaliland ku kasban karto Cali Khaliif iyo Dadka gobollada Bari

“Dawladdan immika la dhisayo ee Soomaaliya maba aha mid gacan dheer oo gaadha inay wax ka qabato deegaannadaas Somaliland awoodba u leh...Anigu Midnimada Soomaaliyeed baan amminsanahay, laakiin....”

“Ilama ah in deegaannadaas dadka ku nooli ka fog yihiin Somaliland, waa dad si kasta Somaliland uga mid ah. Arrimo kale ayaa meeshan socda oo u baahan in...Galaydh-na wakhtigii uu Federaal halkaas ka hirgelin lahaa weli lama gaadhin oo taasi ma muuqato ee waa..” Ismaaciil Buubaa

Muqdisho, 30 August, 2014 (Himilo)- Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland u dhashay, hase-yeeshee sida wayn u taageersan qaddiyadda Midnimada Soomaali-weyn oo ku sugan Muqdisho, ayaa sheegay in loo baahan yahay inay Somaliland iyo Cali Khaliif Galaydh wadahadal bilaabaan, isla markaana aanay xabbad iyo in la ismuquuniyaan xal noqon karin.
2113Prof: Ismaaciil Buubaa, waxa uu sheegay in dadka ku dhaqan deegaannada Cali Khaliif Galaydh Madaxweyne Kooxda Khaatumo looga doortay ee Sool iyo Buuhoodle yihiin dad reer Somaliland ah oo ka awoow-ka-awoow ku abtirsada Somaliland, balse waxa keenay inay ka soo horjeestaan gooni-isu-taagga Somaliland iyo wax-la-lahaansheheedu yahay mid ku yimi tabasho iyo qancin la’aan ay dawladaha Somaliland u kala dambeeyey kala kulmeen. Wakhtiganna loo baahan yahay inay Somaliland ku dedaasho sidii ay u kasban lahayd Shacabkeeda.
Waxa kale oo uu Prof: Buubaa, sheegay inaanay waxba ka jirin warar ay Warbaahinta Somaliland qaarkeed ka baahiyeen oo ay ku sheegeen inuu ka mid yahay Siyaasiyiin Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uga yimi ka qayb-galka Munaasibadda la rabay in Madaxweyne-nimada horraantii bishan Kooxda Khaatumo u dooratay Cali Khaliif Galaydh lagu loogu Caleemo-saaro oo ka dhici lahayd Tuulada Saax-dheer oo 75-KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Laacaanood ee xarunta gobolka Sool oo ah goobta bishan lagu doortay Galaydh.lagu caleemo-saaro.
“Warkaas waxba kama jiraan ee waa been. Anigu Saax-dheer ma iman ee Muqdisho ayaan joogaa oo aan degganahay oo aanan beryahaa meelna uga bixin. Warkaasina Warbaahinta Hargeysa ayaa qortay baa la ydihi oo Hargeysa ayuu iga soo gaadhay, waaban yaabayoo waxaan idhi; ‘Hargeysa goormay Wershaddii Beenta noqotay?’ Laakiin, waxaan kuu sheegayaa inaan hadda Muqdisho kaala hadlayo meelna aanan uga bixin, oo aanan Saax-dheerna iman meel kalena tegin.” Sidaa ayuu yidhi Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa oo isagoo ku sugan Muqdisho Khadka taleefanka gacanta ugu warramay Tifaftiraha Aftahannews Cabdifataax I. Mursal oo Hargeysa ku sugan warka sheegaya inuu Saax-dheer u yimi ka qayb-galka Caleemo-saarka Galaydh.
Ismaaciil Buubaa oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko xaaladda ka taagan Saax-dheer oo Sool ka tirsan oo ay Somaliland Cali Khaliif iyo Kooxdiisa ka saartay Khamiistii toddobaadkan, waxa uu yidhi; “Aniga waxay ila tahay inaanay xabbad iyo in la is-baacsado midkoodna xal keeni karin, hase-yeeshee loo baahan yahay wadahadal iyo is-faham in la abuuro oo la iska qanciyo waxa la isku diiddan yahay. Cali Khaliif-na ilama aha inuu yahay nin wadahadal diidi kara, waayo? Wax baan maroorsanayaa meel kuma gaadhi karo, Somaliland-na qasab Somaliland ku ahaada kuma haysan karto dadka deegaannadaas.”
Mar Buubaa uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Somaliland marar badan wadahadal ugu baaqday dadka deegaannada gobollada Bariga, gaar ahaan Sool iyo Buuhoodle, balse Galaydh uu waxaas iska indha-tiray, Somaliland-na wakhtigan ku doodaysay in waxa dagaalka ku kallifay yahay ka hor-tagga hub iyo Siyaasiyiin Muqdisho iyo Kismaayo uga yimi Kooxda Khaatumo, taasoo ay faro-gelin dibedeed oo aanay eegan karin ku tilmaantay, waxaanu yidhi; “Horta, ilama aha Aniga in dawladda Soomaaliya ee maanta Xamar ka dhisani ay awoodba u leedahay inay faro-gelin dibedeed samayso, waayo? Iyadiibaaba la dhisayaa oo aan weli dhismeheedu dhammaan, dagaallana ku furan yihiin, laakiin, dadka deegaanka Sool iyo nawaaxigiisu waa dad reer Somaliland ah oo weligood ka awoow-ka-awoow reer Somaliland ahaa oo ku abtirsada, waxa maanta keenay inay Somaliland-nimada diidaan oo ay yidhaahdaan waan ka goosanaynaa ee Midnimada iyo Federaalka Soomaali-weyn ugu muuqday waxaan qabaa waa tabasho ay Somaliland ka qabaan, waxaanay Somaliland waajib ku ah inay Shacabkeeda qanciso oo wadahadal la furto oo degganaanshaha laga shaqeeyo.”
“Waayo? Arrintani waa arrin u taalla dadka deegaanka, go’aankeedana ay iyagu leeyihiin, Galaydh-na ma qasbi karo, Somaliland-na ma qasbi karto dadka deegaanka, iyagaa rabitaankooda iyo go’aanka masiirkooda leh, markaa walaalnimo, in la wadahadlo iyo in qofka kaa sii socdaa wuxu kuugu soo jeesto aad tusto ayaa lagu wada joogi karaa. Anigu Ismaaciil ahaan si weyn baan u aamminsanahay Midnimada ummadda Soomaaliyeed, laakiin haddana waxaan aamminsanahay in meel waliba iyo gobol kastaaba uu degganaansho helo.” Sidaa ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa.
Waxa Prof: Buubaa la weydiiyey waxa uu kala socdo in Soomaaliya faro-gelin Siyaasadeed iyo maal-gelin ka geysato dhismaha Maamulka Khaatumo ee Galaydh hor-socdo, waxa uu ku jawaabay; “Arrintu Sooomaaliya maaha ee waxa weeye rabitaanka dadka meesha deggan, dawladdan immika la dhisayo ee Soomaaliya maba aha mid awoodba u leh inay wax ka qabato deegaannadaas Waqooyiga ee Somaliland iyo Puntland toona, lamana odhan karo taas oo dawladdani xillinta dhibaatooyinka halkan (Xamar) iyo inta ku xeeran ka taagan bay u taag la’dahay, gacan dheer oo halkaas gaadhana malaha.”
Mar Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey maaddaama oo uu yahay Siyaasi ay in badan Prof: Galaydh soo wada-shaqeeyeen, saaxiibbana yihiin bal inuu marna wax talo ah ka geystay arrinta uu ku mashquulsan yahay iyo isu-soo-dhawaynta Somaliland, waxa uu yidhi; “Wallaahi dadkaasi waa dadkeennii waa dad aannu dad badan walaalo ka nahay ama aan wada shaqayno, ama aan wax wada-baranno ama aan wada degganaanno dad aynu meel kala tegi karno maaha, Galaydh-na waa qof la is-fahmi karo intaan ka aqaan, laakiin inay fahanto iyo inay qanciso isaga iyo dadka deegaanka-ba waa arrin u taalla Somaliland.”
“Sidaan kuu sheegay anigu waxaan aamminsanahay midnimo Soomaaliyee. Laakiin, midnimadaas Soomaaliyeed oo ku salaysan in Bulshada gobollada oo dhan mid walba midnimo gudohooda ah, isfaham iyo wadahadal waxa u dhexeeya ay ku dhammaystaan, ilamana ah in deegaannadaas dadka ku nooli ka fog yihiin Somaliland, waa dad Somaliland si kasta Somaliland uga mid ah. Arrimo kale ayaa meeshan socda oo u baahan in laga wadahadlo, Midnimada ummadda Soomaaliyeed ayuun bay si u arkaan qoladanna u arkaan gooni-isu-taagga, markaa waxkasta waxa lagu xallin karaa isfaham iyo wadahadal aan laga daalin, Galaydh-na wakhtigii uu Federaal halkaa ka hirgelin lahaa weli lama gaadhin oo taasi ma muuqato.” Sidaa ayuu yidhi Ismaaciil Maxamuud Hurre.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Guddoomiyaha UCID oo si adag uga hadlay faro-gelinta Beesha Caalamka ee tallaabada Saax-dheer, Xukuumaddana taageeray

“Beesha caalamku markay ku guul-darraysteen Soomaaliya inay annaga shaqo naga dhigtaan maaha... Tufaaxa Xabbadda xun baa la iska tuuraa….” – Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, 30 August, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay Somaliland Beesha caalamku ku khasbi karin in gudaha dalkeeda laga maleego dhibaatooyin lid ku ah nabadgelyada iyo degganaansheheeda, ka dib markii ay Wakiillada Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo Maraykanka u qaabbilsan Soomaaliya ku baaqeen inay Somaliland Ciidankeeda ka saarto deegaanka Saax-dheer ee dalkeeda oo Kooxda Khaatumo xarun ka dhigatay bilihii u dambeeyey, halkaas oo ay Khamiistii ka saartay Kooxda Khaatumo oo Galaydh ku caleemo-saarayey.
FaysalGuddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da xalay, waxa ugu horreyn uu ka jawaabay dagaalkaas iyo waxay kala socdaan su’aal laga weydiiyey, waxaanu uu yidhi, “Marka hore aad iyo aad baannu uga xunnahay dadka dhintay waanannu ka tacsiyadaynaynaa ehelada, aad baannu uga xunnahay in dagaalkaasi dhaco, markii hore ee shirku socdayna waannu ka hawlgalnay inaan dagaal dhicin. Laakiin, meeshu Bahala-galeen bay noqotay, markii ay yimaaddeen saddex diyaaradood oo qaarkood Hub sidaan Buuhoodle oo Soomaaliya ka yimaaddeen, waxaannu u aragnay in jiritaanka Somaliland iyo nabadgelyada khatar ku tahay meeshaasi, lama huraan bay noqotay, Somaliland-na waxay xaq u leedahay inay difaacdo sharafta dalkeeda iyo nabadgelyadeeda way ka fursan wayday.”
Faysal oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in Beesha Caalamku ku baaqday inay Somaliland ka baxdo deegaankaas Saax-dheer ee ay Khamiistii Ciidankeedu ka qabsadeen Kooxda la baxday Khaatumo, waxa uu yidhi; “Horta Annaga waxba nama siiso Beesha Caalamku. Waddankayagu wuu Burburay, annagaa Gacmahayaga ku samaysannay Nabadgelyada, haddii ay Soomaaliya Natiijo ka laadahay annaga Beesha Caalamku waxba nama siiso. Markaa xaqna nooguma leh inay noogu hanjabaan meel aanay waxba ku darsannin oo dalkayaga ah, waana Arrin daakhili ah oo annagaa dhammaysanayna. Haddii dawladuhu Oggolaadeen In dal laga dhex-sameeyo Maamul, taasi Macquul noqon mayso in Somaliland laga dhex sameeyo wax Khaatumo State la yidhaahd Caqligana ma galayso.”
Eng Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay in Baaq ka soo baxay Wakiilada Midawga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Maraykanka oo ku aadan in Dhulkaasi laga saaro Ciidanka Somaliland wax u dhimayo Xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka waxa uu ku jawaabay; “Horta Anaga waxba nama siiso Beesha Caalamku. Waddankayagu wuu Burburay, anagaa Gacmahayaga ku samaysanay Nabad galyada, haddii ay Somalia Natiijo ka laadahay anaga Beesha Caalamku waxba nama siiso.markaa xaqna nooguma leh inay noogu hanjabaan meel aanay waxba ku darsanin, waana Arin daakhili ah oo nagaa dhamaysanayna. Haddii dawladduhu Ogolaadeen In dal laga dhex sameeyo Maamul, taasi Macquul noqon mayso in Somaliland laga dhex sameeyo wax Khaatumo State la yidhaahd Caqligana ma galayso.”
Waxa uu Guddoomiyaha UCID intaas ku sii daray oo yidhi; “Dadkuna maaha Cali Khaliif, waa Koox yar oo ka tirsan Beeshaas, markii hore ee Taleex lagu shiray ayaabad moodaysay in sidan lagaga badnaa, maanta 15 bay leeyihiin (Dhulbahante) oo hal Suldaan baa la jooga Cali Khaliif, waana nin doonaya inuu dadka ka dhigto Sallaan oo uu Madax ku noqdo, Somaliland-na oggolaan mayso dadka walaalaha ah in la isku diro. Beesha caalamkana halkii loo diray waa Soomaaliya ee halkaas nabad haka keento oo wixii lacagta badan ay ku qaateen haka keenaan, laakiin Somaliland Beesha caalamku wax uma yeedhin karaan.”
Hogaamiyaha Xisbiga Ucid waxa uu sheegay inaanay suuro gal ahayn in Somaliland lagu celiyo halka Wakhtigan Somalia joogto, halkii ay ahayd in Soomaaliya la keeno meesha Somaliland marayso. Waxaanu Faysal xusay inaan xalka iyo horumar laga gaadho ammaanku aanay ku jirin Gacmaha Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka, balse ay ku jirto Gacmaha Soomaalida. “Waxaannu leenahay Ciidammadu way ka baxayaan meesha markay nadiifiyaan, markii horena baahi baa geysay, Tufaaxa Xabbadda xun baa la iska tuuraa, markaa in Cali Khaliif Galaydh noqday xabbaddaas Tufaaxa ah ee xun oo kale.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay in Bulshada deegaanka iyo Somaliland ku kala fogaan karaan Dagaalka deegaanka waxa uu ku jawaabay; “Horta, dadka halkaasi deggani waa dad reer Somaliland ah, waa dad aan Maamul gaadhin oo aannu hadda doonayno in Maamulka la gaadhsiiyo oo Iskuullo loo dhiso, oo Caafimaad la gaadhsiiyo. Laakiin, waxay Calaamatul Su’aal saaran tahay Ninka Xamar intuu ka yimid leh waxaan samaynayaa Maamul aan suurtogal ahayn oo aan caqliga galayn oo ah uun fidno ee i boqra oo i caleemo-saara, kaas ayaa eedda leh.”
Mar uu Faysal Cali Waraabe ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay in Cali Khaliif Xamar haka yimaaddo, Balse uu daagaankaas u dhashay oo uu deegaankiisii joogo, dadkiisiina la joogo, waxa uu ku jawaabay; “Aniguba Awaaraan ku dhashay, haddaan intaan fadhiisto Ina-Guuxaa oo ku taalla Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo aan idhaahdo waxaan samaynayaa Ciidagale State (Maamulka Ciidagale), taasi ma suuragal bay nqoonaysaa? Siday u suuragalaysaa in Laascaanood iyo Buuhoodle iyo Deegaannadaas laga sameeyo Maamul Somaliland ku dhex-jira? Wax suuragal ah maaha. Waxaan mar kale ku celinayaa Beesha caalamku markay ku guul-darraysteen Soomaaliya inay annaga shaqo naga dhigtaan maaha.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Shirkadda AL-XAYAAT oo Abaalmarin ku mutaysatay Qiimo-dhimistii ugu balladhnayd ee lagu soo bandhigo Carwada Ganacsi ee Somaliland

Hargeysa, 30 August, 2014 (Himilo)- Shirkadda agabka Gurayaha iyo Xafiisyada ee Al-Xayaat, ayaa la guddoonsiiyey abaal-marin ay ku mudaysatay qiime-dhimistii ugu ballaadhan ee macaamiishooda ugu sameeyeen wax-qabadka iyo adeegyada kala duwan ee ay bulshada u qabato.
oAbaal-marintan ayaa shirkadda lagu guddoonsiiyey shalay gebo-gabada Carwada saddexaad ee Ganacsiga Somaliland oo muddo lix maalmood ah ka socotay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, taas oo shirkadda Al-Xayaat Furniture kaga qayb-qaadatay adeeggii ugu mudnaa iyo qiime-dhimistii ugu ballaadhnayd agabkii lagu soo bandhigay muddadii ay carwadu socotay.
Shirkada Al Xayaad Furniture oo si wayn uga dhex muuqatay isla wacdaro ku soo bandhigtay muddadii lixda maalmood ahayd ee carwadu socotay, waxa abaalmarinta ku maamuusay isla markaana ugu gartay maamulka Carwada oo majeertay adeeg-wanaagga ay muujiyeen iyo qiimo-dhiimista ballaadhan ee ay bulshada u sameeyeen.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Md Muuse Qaasim oo Maamulka Shirkadda Al-Xayaad guddoonsiiyey Abaal-marinta lagu maamuusay, ayaa ku bogaadiyey dedaalka ay shirkad ahaan muujiyeen iyo adeegyada bulshada u fidiyaan.
Ismaaciil Saleebaan Faarax oo ka mid ah Maamulka Shirdada Al-Xayaad isla markaana Shirkadda u guddoomay Abaalmarinta oo halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay shirkad ahaan ku mutaysteen abaalmarinta ee ay carwada ku soo bandhigeen.
“Waxyaabaha aanu halkan (Carwada) ku soo ban dhignay waxa ka mid ah Hurdooyinkii, Fadhiyadii, Gogolhii iyo dhamaan adeegyada looga baahan yahay Aqalka oo dhamaystiran iyo waxyaabo kale oo badan,” ayuu yidhi Ismaaciil, waxaanu intaas, “Abaalmarintanna waxa lanagu siiyey waxyaabaha aanu soo bandhigay, qaabka aanu wax u iibinay iyo qiimo dhimis boqolkiiba Afartan ah oo aanu samaynay,” ayuu yidhi Ismaaciil oo ka tirsan maamulka sare ee shirkadda Al-Xayaad Furniture oo xarunteedu ugu weyn ku taalo magaalada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Friday, August 29, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Tacsi U Diray Shacabka Somaliland Geerida Ku Timid Marxuum Xaaji Dayib SH Muxumed Kaahin

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa tacsi u diray guud ahaan shacabka somaliland geerida ku timid Marxuum Xaaji Dayib SH Muxumed Kaahin oo ku geeriyooday magaalada hargeysa isla markaana lagu aasay degmada Dilla ee gobolka awdal.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af hayeenka madaxtooyada oo ku saabsan tacsidan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Dayib Sheekh Muxumed Kaahin oo ku geeriyooday 28/08/2014 Magaalada Hargeysa, laguna aasay Degmada Dilla 29/08/2014.

Marxuumka oo ka mid ahaa Odayaasha waa weyn ee Gobolka Awdal kana soo shaqeeyey nabadayntii Beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, waxa uu madaxweynuhu ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Maraykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay Oo Baaq Kasoo Saaray Ciidanka Somaliland ee Gudaha u Galay Saax-dheer

Washington:Aug,29,2014(Himilo)-Wakiilka Maraykanka u qaabilsan Somalia, Ergayga Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan somalia iyo waliba wakiilka Midowga Yurub ee Somalia ayaa baaq ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegay in ciidanka Somaliland ee shalay galay Saax-dheer loo Baahan yahay inay kasoo baxaan.

kay kayWakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michel Cervoned’Urso ayaa walaac ka muujiyey ciidamada la geeyey Saaxdheer gobolka Sool iyo khilaafka ka dhashay.

“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidamada hubaysan Saaxdheer, iyo in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto. Waxaan ku boorineynaa dhammaan qaybaha in ay ka waantoobaan rabshado iyo in ay sameeyaan dedaal wadajir ah si loo dajiyo, looguna xalliyo khilaafka nidaam wadahadal oo nabadeed. Dhammaan qaybaha waa in ay si degdeg ah u sameeyaan dedaalo muujinayo doonis dhab oo ku aadan abuuritaanka xaalad muhiim u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.” Ayaa lagu sheegay bayaanka ay wakiilladu soo saareen.

 

Sidoo kale wakiilada ayaa ku booriyay Somaliland iyo dadka dagan gobolka xaaladahan ay saameysay in ay isku howlaan waddo nabadeed oo wax dhisaysa si qaab wadajir ah meesha looga saaro khilaafka.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay la wareegay deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool, halkaasoo ay ka dhici laheyd Munaasabada caleema saarka Dr. Cali Khaliif Galeydh.

Somaliland wali kama ay hadlin dhawaaqan kasoo baxay Wakiilladan waxase la filayaa inay dhawaan jawaab degdeg ah ka bixiso, iyadoo sidoo kale looga fadhiyo inay shacabnka u faafhaahiso sababta ciidamadu gudha ugu galeen deegaanka saax-dheer oo Cali Khaliif qala-laasaha ka waday.

Himilo Media

 

Jabhadda Islaamiga ah Al-Nusra Oo Afuubatay 43-Askari Oo Un-ta ka Tirsan

Damascas:Aug,29,2014(Himilo)-Jabhadda islaamiga ah ee ka dagaallanta Gudaha dalka Syria ayaa la sheegay inay Aduubeen Askar tiro badan oo ka tiran Ciidanka qaramada midoobay Halkaas ka jooga.

uneAskarta la qafaashay ayaa ku sugnaa dhlka Buuralayda ee u dhexeeya Syria iyo Israel oo muran badani muddo ka taagnaa.

Ciidamadan UN-ka ayaa kamid ah kuwo goobtaasi u jooga la socoshada dhulka Golan oo ay hore ugu dagaalameen Siiriya iyo Isra’iil sanadkii 1967. Xiligaasi ayey ciidamada Isra’iil qabsadeen buuraleyda Golan oo ah dhul istaraatiiji ah.

 

Askarta afduubka loo heysto ayaa kasoo jeeda jasiirada Fiji, waxaana la sheegay in askar kale oo tiradooda gaadheysa 80 oo kamid ah UNka una dhashay Filibiin ay ku xaniban yihiin xeryahooda.

Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan xuduuda Golan ee Siiriya ayaa ka kooban 1.223 askari oo kasoo kala jeeda dalalka Fiji, India, Ireland, Nepal, Holland iyo Filibiin.

Ma cada waxa ka danbeeya tilaabadan ay qaaday kooxda Jabhatul Nusra oo iyadu dagaal kula jirta ciidamada Dowlada Bashaar Al Assad.

Nusra iyo ciidamada Bashaar ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku dagaalamay dhulka buuraleyda ah ee Golan, halkaasi oo goobo badan lagala wareegay ciidamada dowlada Siiriya.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in lasii daayo askarteeda, walow aan la ogeyn in ay kooxda Nusra oo ka tirsan Al Qacida ay qabli doonto baaqaasi.

Himilo Media

 

Nin Somali ah Oo Ciqaab Adag La Marsiiyey Markii Uu Diinta Islaamka Iskaga Baxay

Nairobi:Aug,29,2014(Himilo)-War uu daabacay wargeyska Wargeyska Morning Star News, oo kasoo baxa Dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in nin Somali ah oo Diinta islaamka ka irdhoobay lagu jidh-dilay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi.

punishNinkaasi oo magaciisa lagu sheegay Mohamed Ali ayaa waxaa la sheegay inay Soomaali kale bishan 15-dii ka soo tureen Dabaqa Afaraad Dhismo uu ka degganaa Xaafadda Islii ee magalladda Nairobi.

Xaaska ninkaasi oo iyadana ridoowday ayaa Wargeyska Morning Star News u sheegtay inuu Ninkeeda 6 sanno ka hor uu ka cararay Xaafadda Islii, si aan loo soo weerarin kadib, markii loogu hanjabay in la dili doono.

Waxay intaasi ku dartay in ay ninkeeda kula talisay inuu iska ilaaliyo Muslimiinta ku nool Xaafadda Islii, oo ay tilmaamtay inaanay ku faraxsanayn Kirishtaanimadiisa, waa sida ay ku sheegtay Wareysiga ay siisay Wargeyskaasi.

Ninkaasi ridoobay ayaa la sheegay in haatan lagu daaweynayo Isbitaaalka Kenyatta National Hospital ee magaalladda Nairobi,waxaana la sheegay inuu dhaawac ka qabo caloosha, isla markaana uu miyir-beelsan yahay.

Wargeyska ayaa qoray inay Maamulka Isbitaalka Kenyatta National Hospital ku soo dallaceen daaweynta Ninkaasi kharaj dhan 1,110-Dollar, iyadoo xaaska ninkaasi sheegtay inaanay awoodin inay bixiyaan Kharajkaasi.

Dhinaca kale, Ninkaasi lagu daawaynayo Isbitaalka oo lagu magacaabo Mohamed Cali, ahna 30-jir ayaa ku dhashay Waqoyiga Kenya, wuxuuna sheegay inuu ridoobay muddo haatan laga joogo 15-sannadood, isagoo xilligan Macallin Diinta Kirishtaanka faafiya ka ah Kaniisad ku taalla magaalladda Nairobi.

 

Himilo Media

 

Thursday, August 28, 2014

Suldaanka Guud ee SUBEER-AWAL oo ka hadlay Heerka Tahriibta Dhalinyarada iyo Doorashooyinka dalka

Hargeysa (Himilo)- Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa shacabka iyo xukuumadda u soo jeediyey sidii gacan-bir ah loogu qaban lahaa aafada tahriibta ee saamaynta ku yeelatay dhalinyarada dalka, isla markaana tallaabo adag laga qaado shakhsiyaadka dhalinyarada u fududeeya tahriibka.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu sheegay in aanay waxba u kala qarsoonayn bulshada Somaliland, cid kasta oo ku shaqo-leh hawlaha tahriibkana oo dalka u dhalatay la ogyahay haybtiisa iyo deegaankiisa, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay dadkaas ka qaaddo tallaabo lagu cashar-qaato oo bulshada ka xakamaysa aafada Tahriibta.

suldaan xasanSuldaan Xasan waxa kale oo uu ka hadlay khilaafaadka murannada siyaasadeed dalka ka abuura ee u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah, waxaanu si gaar ah uga hadlay muranka dhinaca doorashooyinka iyo sidoo kale dhammaystirka shuruucda loogu gogol-xaadhayo inay dalka ka qabsoomaan doorashooyink.

Ugu horeyn Suldaanka oo ka hadlayey dhibaatada tahriibta oo uu shacabka iyo xukuumadda ugu baaqay gacan bir ah in lagaga hortago, waxa uu yidhi, “Waa inay ka qaadaan tallaabooyin Cad-cad oo lagu soo afjarayo arrimaha Tahriibka, waayo waynu awoodi karaynaa, dad is-wada yaqaanna oo kursi ku wada-fadhiya ayaynu nahay, qof waliba wuxuu ka shaqeeyo waa la yaqaannaa. Qofka waxaas lagu tuhmo iyo gaadiidka lagu tuhmo waa inay xukuumaddu tallaabooyin cad-cad oo aanay ka soo waaqsanaynin oo tusaale u noqon doona qofka dambe ee xataa waxaas u soo hungurooda oo uu garto inuu meel khatar ah u foof-tagaayo.”

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxa kale oo uu ka hadlay diyaar-garowga doorashooyinka iyo sidoo kale muddo-dhammaadka guddiga doorashooyinka, waxaanu ka digay khilaaf hore leh oo xurgufta siyaasadeed ee mucaaradka iyo xukuumaddu ka dhex-abuuraan shacabka.  “Komishanka Qaranka wakhtigiisu markuu dhammaado, waxay ka iman yihiin hay’ado soo magacaaba, haddii wax laga tabanayo baarlamaanbaa jira oo ay tahay masuuliyaddiisa in mashruuc sharci la soo sameeyo, haddii xeerkii hore wax laga beddelayo iyo haddii kaleba. Wax bisil inaan doorashooyinkaas ku gaadhno ayaa muhiim ah. Haddiibase iyada oo timaha sidaas laysku jiidanayo lagu gaadho, diiwaan-gelintuna aanay diyaar ahayn, shacbigu cidna ka aqbali maayo fawdo, shacbigan masaakiinta ah ee Illaahay marka horeba u gar-gaarayey, nin qooqan oo doobinaya ka aqbali maayo; ku sharci-darraan ku haysanayaa yidhaahda iyo ku sharci-darraan ku qabsanayaa midna shacbigani waa ka il-baxay. Nin waliba awdaalladiisa, shaqooyinkiisa iyo qoyskiisa ayuu ka fekerayaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan oo u warramay Radio Hilaac.

Suldaanku oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Caqliyadbaa hoggaanka lagu ogaa hadduu mid soo socda yahay ama mid jooga yahayba. Caqliyadda lagu ogaa waxay ahayd, waxay umadda u samaynayeen gidaar aan la dhaafi karayn. Waxaanu arkaynaa inaan wax horumar ah laga gaadhayn xaggii siyaasaddii. Muranka ma-dhalayska ahi waxba ma taro, nidaamka dawladeed ayaa wax-tar leh. Hadduu mucaaradku yidhaahdo halkaasaanu wax ka tabanaynaa, waxaasi cidday ku arooraysaa waa inay ka shaqaysaa hadday xeer-dejinta tahay. Xukuumadda laftigeedu iyadaa ugu war-war badan oo dalku bilaa dawlad ku dhici maayee, waxa loo baahan yahay inay iyadu fududayso,” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Himilomedia.com

Hargeysa/Somaliland

Saamayn intee le’eg buu ged-geddoonka wakhtigu ku leeyahay Hana-qaadka Jacaylka?

Xidhiidhka dheeraadka ah iyo xiisaha ka dhexeeya lammaanuhu waxa uu kor u qaadaa kalsoonidooda iyo jiritaan wada noolaanshahooda. Sidaas awgeed waxa lagama maarmaan ah in labada qof ay walba xasuusta hayaan taariikhdii wanaagsanayd uu soo maray xidhiidhkooda iyo wada noolaanshahoodu.
Noloshuna qardoofo ma waydo wax la isku diido iyo wax la isku dagaalo labada way yimaddan waxaana Daraasad ay samaysay Jaamacadda Queen Island lagu soo bandhigay in lammaanayaal badan oo wakhti la siiyay laga daraaseeyay xidhiidhkoodii iyo wada noolaanshahoodii ay ka soo baxday in ay ku jirto farxadda qoysku inta niyadda lagu hayo xasuusta maalmihii wanaagsanaa ee soo dhexmaray lamaanayaasha. Haddii labada qof midkood amaba labadoodu ku dedaalin ku soo celinta maskaxda ee xidhiidhkoodii hore waxa suuragal ah in qiimaynta waqtiga taagani soo koobto wanaaga lammaanaha. Daraasaddu waxa ay intaas ku dartay in xusidda taasi ku iman karto in lammaanuhu maalinkasta falanqeeyaan waayaha iyo qorshaha noloshooda, sida; daryeelka caruurta, waajibaadkooda iyo fasaxyadooda. Iyadoo tani sabab u noqon karta dareenka lammaanaha oo isku dhawaada, xasuustooduna ay badato. Daraasado badan waxa lagu tilmaamay in xalka arrimo badani uu ku iman karo falanqayn joogto ah oo lammaanuhu yeeshaan, isku dareen dhawaanshana keeni karto oo qof walba ka kale uu dareemi karo waxa uu diidayo, waxa uu jeclaysanayo, waxa uu ka helo, sida uu u dejin karo haddiiba uu xanaaqo iyo dhamaan is fahan oo dhan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Maxaa u Sabab ah inay Dadka Qaarkood ku Fashilmaan inay Jacaylkooda soo bandhigeen?

Waxa jirta in dadka intiisa badani ka baqaan inay is-haleelaan jacayl dhab ku dhisan oo dhexmara lamaane kale, iyadoo ay jiraan sababo badani haddana inta badan waxa lagu tilmaamaa inay jiraan arrimo la odhan karo sabab ayay yihiin in qofku dib uga maagto qof uu jacayl dhab ah u qaadi lahaa; kuwaas oo ay sheegaan dadka cabsiga ka qaba in jacayl ku dhaco:
1. Jacaylka dhabta ahi waxa uu qofka ka dhigaa mid jilicsan: Xidhiidhka bilawga ahi waxa uu ka dhigan yahay dhul aan la qorshaynin oo kale, ama la garanayn sida uu kala yahay, waxaana iska dabiiciyan ah in bani’aadamku iska leeyahay dareen cabsi uu ka qabo waxa aanu aqoon u lahayn amaba aan qeexnayn. In aynu nafaheena u ogolaano inay is-haleelaan bad-weynta jacaylka waxay ka dhigan tahay inaga oo khatar u badheedhayna oo kale; waayo qofkale ayaad si wayn u aaminaysaaa waxyaabo badan oo sirtaada ah, taas baana sabab ugu noqon karta inuu noqdo mid u baylahsan qofkan ama xagiisa ka jilicsan. Waxaana lagu tilmaamaa in badan oo aad jacaylkaaga daryeeshay waxay la mid tahay in badan oo ay dhibi ku soo gaadhi karto.
2. Jacaylka Cusubi waxa uu Keenaa Xasuusta Dhib hore: Marka aynu xidhiidh cusub bilawno waxa aynu ogsoonahay wixii hore inoo soo gaadhay, dariiqyadii dhibtu inoo soo martay; inagoo kasoo bilaabayna caruurnimadii. Taasina waxay saamayn xoogan ku leedahay sida aynu u qiimaynayno iyo sida aynu ula dhaqmayno dadka aynu xidhiidhka dhow la yeelanayno. Waxyaabo hore oo aan fiicnayn oo ku soo gaadhay waxay keenaysaa inaynu dareen feejigan u yeelano sida aynu nafteena ugu bandhigayno qof cusub, waana mid keeni karta in kalsoonidii la isku qaadi lahaa dib u dhacdo.
3. Dhib ka dib baa Raaxo la helaa: Markasta waxaynu jecelnahay farxad iyo deganaansho, waxaana suuragal ah inaynu dareemo murugo badan. In badan oo innaga mid ahina waxay ka dheeraadaan waxyaabo badan oo farxad leh iyagoo uga baqaya in aanu sidaa noqon ee uu xanuun ku keeno. Waxaanan suuragal ahayn in dhib la’aan, farxad iyo raaxo la gaadho, si loo helana waa in loo badheedhaa dhibkasta oo ka iman karta hirgalinteeda.
4. Jacaylku inta badan ma dheeli tirna:- Dad badan ayaa ku tiraaba in ay jacaylka uga cago jiidayaan iyagoo ka baqaya haddii ay qof xidhiidh rasmi la yeeshaan in laga yaabo inuu isbedelo. Waxaana xaqiiq ah in jacayl inta badan aanu isku dheelitirnayn, oo qofna daqiiqad walba isbedelo, qofna jacaylkiisu waligii aanu is bedelin. Waxa laga yaabaa in qof aad jeceshahay aad waqtiyada qaarkood karaahiyaysato, taas baa iyana noqonta sabab dad badan u daliishadaan.
5. Xidhiidhadhka Jacaylka waxa Joojin kara qoysaska: Qofna kaligii nolosha ma bilawdo mana dhamaystirto, laakiinse waxa saamayn iyo go’aanaba ku yeesha qoyskiisa oo ah noloshiisa qayb ka ah. Waxa in badani ku walaacdaa oo jacaylka rasmiga ah ka warwareejiya ku qancinta iyo dareenka qoyskiisu ka bixin doonaan qofkan uu u dooranayo nolosha.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

HAMBALYO AROOS

Ø Aabbo Yuusuf Daahir Axmed, Hooyo Caasha Aadan Yuusuf iyo caruurtooda oo kala ah.

1. Layla Yuusuf Daahir, Sayigeeda iyo Caruurtooda
2. Keyse Yuusuf Daahir
3. Fadxiya Yuusuf Daahir
4. Salaad Yuusf Daahir
5. Cabdirisaaq Yusuf Daahir
6. Jimcaale Yuusuf Daahir
7. Cabdixaafid Yuusuf Daahir
Ø Aabbo Maxamed Daahir Axmed, Hooyo Caasha Cabdilaahi Dheere iyo Caruurtooda.

1. Rooda Maxamed Daahir, Sayigeeda iyo Caruurtooda
2. Sacad Maxamed Daahir iyo Xaaskiisa, Caruurtiisa
3. Faysa Maxamed Daahir, Sayigeeda iyo Caruurtooda
4. Cabdixakiim Maxamed Daahir
5. Faysal maxamed Daahir, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa
6. Koos Maxamed Daahir
7. Kawsar Maxamed Daahir
8. Siciid Maxamed Daahir

Ø Hooyo Xaliimo Maxamuud Axmed iyo Caruurteeda oo kala ah
1. Saado Aadan Daahir,
2. Mubaarik Aadan Daahir
3. Fadxiya Aadan Daahir
4. Bashiir Aadan Daahir
5. Maxamed-deeq Aadan Daahir iyo
6. Muuna Jaamac Kaahin
7. Faysa Jaamac Kaahin
8. Cabdiraxmaan Cali Kaahin
9. Asma CalI kaahin
10. Siciid Ismaaciil Aw Maxamed
11. Asma Ismaaciil Aw Maxamed
12. Raxma Ismaaciil Aw Maxamed

Ø Hooyo Indha-deeq Aadan Yuusuf iyo Caruurteeda oo kala ah
1. Safiya Xaaji Daahir Cigaal
2. Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal iyo sidookale Ilma Xaaji Daahir oo kala ah
3. Axmed Xaaji Daahir Cigaal
4. Xamse Xaaji Daahir Cigaal
5. Cabas Xaaji Daahir Cigaal
6. Cabdinaasir Xaaji Daahir Cigaal
7. Hinda Xaaji Daahir Cigaal
8. Najax Xaaji Daahir Cigaal
9. Salma Xaaji Daahir Cigaal
10. Umulkhayr Xaaji Daahir Cigaal

v Aabbo Siciid Shukri Xuseen, Hooyo Sabaax Xasan Madar iyo Caruurtooda oo kala ah
1. Maxamed Siciid Shukri
2. Caydaruus Siciid Shukri
3. Cabdiraxmaan Siciid Shukri
4. Hodan Siciid Shukri
5. Hibo Siciid Shukri
6. Axmed Siciid Shukri

v Aabbo Cabdibaashe Shukri Xuseen, Hooyo Xaliimo Cabdi Jiciir iyo Caruurtooda oo kala ah
1. Faysa Cabdi Shukri
2. Guuleed Cabdi Shukri
3. Hibo Cabdi Shukri
4. Amin Cabdi Shukri
5. Asma Cabdi Shukri
6. Xamse Cabdi Shukri
7. Xamdi Cabdi Shukri

v Aabbo Cabdiraxmaan Shukri Xuseen, Hooyo Kinsi Yuusuf iyo caruurtooda oo kala ah
1. Axmed Cabdiraxmaan Shukri
2. Yuusuf Cabdiraxmaan Shukri
3. Madar Cabdiraxmaan Shukri
4. Guuleed Cabdiraxmaan Shukri
5. Faadumo Cabdiraxmaan Shukri
6. Maxamuud Cabdiraxmaan Shukri

Dhamaan Qoysas kaasi waxay Hambalyo Aroos u dirayaan Boqorka Naasir Yuusuf Daahir iyo Boqorada Hoodo Siciid Shukri oo Aqal-galkoodu ka dhacay Magaalada Hargeysa/Somaliland 24/08/2014.

waxaanay leeyihiin noqda kuwii isku raaga ee Ubad khayrqaba kala hela, ee dalkooda, dadkooda, iyo diintoodaba anfaca .

waxaanay ugu ducaynayaan Ducadii (Rasuulka CWS) BARAKAALAAHU LAKUMAA WA BARAKA CALAYKUMAA WAJAMACA BAYNAKUMAA FII KHAYR OW BARAKAH.

AMIIN......AMIIN......AMIIN
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Cali Maxamed Geeddi Oo Beeniyey Inuu Gacanta u Galay Ciidanka Somaliland, Meesha Uu Joogana Sheegay

Dubai:Aug,28,2014(Himilo)-Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa beeniyay warar sheegaya inuu gacanta u galay Ciidanka Somaliland xilli uu joogay Deegaanka Saax-dheer.

geediCali Maxamed Geeddi oo la Hadlay qaar ka mid ah warbaahinta DHinaca Koonfurta Somalia laga leeyahay, ayaa sheegay inaanu tegin dhinaca Degaanka Saax-dheer, isla-markaana uu ku sugan yahay Dalka Imaaraadka Carabta.

“Waxaa nasiib darro ah in warar ku tiri ku teen ah suuqa la geliyo oo ahaa in aniga la igu qabtay degaanka Saax-dheer” ayuu yidhi Xildhibaan Prof. Cali Maxamed Geedi oo ku booriyay weriyeyaasha in wararka ay qorayaan iska hubiyaan run iyo been waxa ay yihiin.

Cali Maamed Geeddi ayaa intaas raaciyey inuu ku sugan yahay dalka Imaaraadka carabta, isla-markaana warkaasi yahay mid aan si fiican loo hubin, waxana uu yidhi,

“Aniga ma tegin Saax-dheer, waxaana joogaa Dubai” ayuu mar kale yidhi Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo sheegay in nasiib darrada maanta heysata weriyeyaasha ay tahay khibrad yarida ka soo wajahday mihnadooda, taasi oo ay ugu wacan tahay xaaladda dalku marayo xilligaan.

Warbaahinta qaarkood ayaa qoraya in Prof. Cali Maxamed Geeddi uu ku jiro Gacanta Ciidanka qaranka, isla-markaana loo soo wado dhinaca Magaaalada Burco.

 

Himilo Media

 

Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Oo Ka Hadlay Weerarkii Ciidanka Qaranku Ku Qaadeen Deegaanka Saax-dheer

Hargeysa:Aug,28,2014(Himilo)-Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaahi Cali Cadami, ayaa ka hadlay weerarkii saaka ciidanka qaranku ku ekeeyeen Jiidda Deegaanka Saax-dheer oo munaasibad cali Khaliif Lagu Caleemo saari lahaa laga qoondaynayey.

cadamiWasiir Cadami oo la Hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Maxalliga ah, ayaa weerarkaas ku sheegay mid lagu sugayey xuuduudaha dalka Somaliland,

“Ciidamada qaranku sidii waajibka guudkooda saarani uu dhigayey ee sugida xuduudaha dalka waxay saaka salaadii si rasmi ah saaxdheer debeda uga saareen Ina Galaydh iyo Maleeshiyaadkiisi Nabada iyo Wanaaga ka doorbiday debed wareega si salmi ah oo awood qaran hogaaminayso ayaa Ciidanku ula wareegeen” ayuu yidhi wasiir Cadami, waxana uu intaas ku daray, “Baabuur dagaal iyo maxaabiisna gacanta ayey ku dhigeen, khasaare nafeed oo dhinaca maleeshiyaadka ah ayaa jirta balse saraakiisha Ciidanka kama hordhacayo iminkase majirto dhiilo taagani,”

Waxa uu wasiir Cadami sheegay inaan Cali Khaliif looga Dulqaadan doonin fad-qalalada uu ka wado Deegaankaas, waxana uu yidhi, “Cali khaliifna waxaa hubaal ah inuu ku khafiifay siyaasadii waxaase hubaal ah inaan mardambe looga dulqaadan doonin talaabooyinka Qaran dumiska ah ee uu Caadada ka dhigtay”.

Wasiirka ka Hor waxa Dagaalka ka Hadlay Taliyaha Guud ee Ciidanka qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqalle, waxana uu sababta weerarka ku sheegay Hub diyaarado lagu sido oo deegaankaas lagagga soo qulqulinayo Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

 

 

Himilo Media

 

Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Faahfaahiyey Sababta ay Saax-dheer u Weerareen Saaka

Saax-dheer:Aug,28,2014(Himilo)-Taliska Guud ee Ciidanka qaranka somaliand ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Tallaabada ay saaka ka qaadeen Kooxda Khaatumo oo doonaysay inay Deegaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool ku caleemo saaraan Hoggaamiye Cali Khaliif Galaydh.

shaqaleTalisku waxa uu Faahfaahin ka Bixiyey sababta keentay inay weerar ku qaadaan Deegaankaas, iyagoo tilmaamay in si sharci-darro ah loogu soo xad-dudbay xuduudda somaliand.

Taliyaha Guud ee Ciidanka qaranka Somaliland Sarreeyo Guuto Ismaaciil Shaqalle oo la Hadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegay inay Halkkaas u weerareen sababo la xidhiidha Diyaarado hub iyo saanad Militeri sida oo maalintii shalay kasoo degay Magaalada Buuhood,kuwaas oo ay wehelinayeen Siyaasiyiin Xambaarsan Mabda’a Somaliweyn

Taliye Shaqalle waxa uu sheegay inay ciidanka u jeeddadoodu ahayd sidii ay Hubkaas iyo dhibaatadaas ka dhanka ah nabadgelyada uga Hortegi lahaayeen, waxana uu xusay inay Tallaabadii ay qaadeen kusoo qabqabteen Maxaabiis badan oo ka tirsan maleeshiyada KHaatumo ee halkaas qalalaase ka wadda.

ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo Kooxda Khaatumo iyo wufuud Caleemo saar ka ka qayb galilahayd balse waxay wararku sheegayaan inay dhinaca Itoobiya u talaabeen.

Ciidanka Somaliland ayaa Haatan si Buuxda Gacanta ugu haya Deegaanka Saax-dheer oo ah Halkii loogu codeeyey Cali Khaliif, waxana wararku sheegayaan inuu Jawiga yahay mid aad u deggen oo ciidamadu Deegaanka Nabadiisa Dhawrayaan.

 

Himilo Media

Dhacdo Argaggax iyo Amakaag ku noqotay Shacabka iyo Booliska oo Xalay Cawayskii Badhtamaha Suuqa Hargeysa ka dhacday

“Waxaannu is-nidhi Gabadhu hadday doonayso in ilmahan ay googgoysay tuurto meelahaa Dooxyada ayay geyn lahayde, malaha ilmaha way xadday oo inay hilib ahaan u cunto ayay doonaysay, waayo?”

“Markii aan dul-tagay waxaan arkay Hilibka ilmaha-yar ee googgo’an oo laba Bocood ku kala jira oo Madaxa, gacmaha, lugaha iyo jidhkiisaba xubin xubin loo kala jarjaray...” Mid ka mid ah dadweynaha Amakaagay ee goob-joogga u noqday dhacdadan

Hargeysa, 28 August, 2014-(Himilo)- Fal argagax leh ayaa xalay ka dhacay badhtamaha Suuqa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii la qabtay Gabadh laba Bocood ku kala sidday Meydka ilma-yar oo ay Jarjartay ama ay googgoysay.
Gabadhan ayay Ciidammada Ammaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa gacanta ku dhigeen, ka dib markii ay Askarta fadhiisata Isgoyeska Waddada Idaacadda tagta ee ku dhaw Istaanka Basaska Idaacadda laga raaco ee badhtamaha Suuqa Hargeysa ama halka Waqooyi qumman ugu beegan Meheradda Nasiiba, ku war-heleen Gabadh laba Bocood oo kuwa Bagaashka ama Alaabooyinka Suuqyada laga tukaamaysto lagu qaato ee Madawga ah dhankooda u soo sidatay oo mar keliya intay tuurtay ka carartay Bacaha ay sidatay, markii ay isha ku dhufatay Askarta Kaabadda Isgoyska fadhida oo aanay marka hore arkayn sida orodkeeda laga dareemay.
Askarta Booliska ee habeenkii Baabuurta ku baadha ama hubiya Isgoyska Idaacadda iyo dad weyne badan baa daba cararay Haweenaydaas Bacaha ay sidatay markay tuurtay ka dib, iyaga oo dadka iyo Askarta qaarkood u arkay ama u fahmay waxan Gabadhu tuurtay ee ay ka carartay inay yihiin waxyaabaha Qarxa ama Qaran ay ogaan meesho u dhigayso, waxaanay markiiba ku qabteen isla agagaarka Istaanka Basaska Idaacadda, waxaanay dul-keeneen goobta ay Bacaha ku tuurtay, markii Bacaha la eegayna waxa loogu tagay Hilibka ilmo-yar oo Waslad-waslad iyo qurub-qurub loo googgooyey sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen dad goob-joog ahaa markay dhacdadani dhacaysay, waxaanay intaas ku dareen in la wada argaggaxay markii la arkay in Bacaha ay gabadhu tuurtay uu ku jiro Hilibka ilmaha la jarjaray.
“Abbaaro Sagaalkii cawaysnimo ee caawa (xalay) ayay ahayd markii aan la kulmay aniga oo Nasiiba horteeda maraya dad fara badan oo ku yaacaya iyo kuwo dul-taagan meel wax yar u jirta Isgoyska waddada Idaacadda, gaar ahaan halka u dhaxaysa halka ay Tagaasidu dhigtaan iyo Kaabadda Isgoyska ee Askartu fadhiistaan, markii aan dul-tagay-na waxaan arkay Hilibka ilmaha-yar ee googgo’an oo laba Bocood ku kala jira oo Madaxa, gacmaha, lugaha iyo jidhkiisaba xubin xubin loo kala jarjaray, oo gabadhii Bacaha ku siddaynay Boolisku dul-keeneen, waannu argaggaxnay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka goob-joogga u noqday dhacadaas argaggaxa leh oo u warramay Wargeyska Himilo.
Waxaanu Maxamed oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Markiiba waxa yimi Xaajiyad Boolisku leeyahay iyo Taliyaha Saldhigga Booliska New Hargeysa, waxaanay qaadeen labada Bacood ee lagu soo guray Hilibka ilmaha yar oo aan is-idhi dhawr habeen ayuu jiray iyo Gabadha Bacaha ku sidday ee la qabtay. Waxaanannu is-nidhi Gabadhu hadday doonayso inay ilmahan ay googgoysay qariso oo ay tuurto dee meelahaa madawga ah iyo Dooxyada ayay geyn lahayde, malaha ilmaha way xadday oo inay hilib ahaan u cunto ayay doonaysay, waayo? Suuqa ugu dadka badan leh xilli fiid ah oo Suuqa laga buuxo lamay soo dhex-marteen aniga aragtidayda, laakiin Illaahay baa innaga og.”
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Hoggaanka Hawlgelinta iyo Taliyaha Saldhigga New Hargeysa ee la sheegay inuu Gabadhasaas iyo Meydka ilmaha la jarjaray-ba qaaday, ayaannu xalay isku daynay inaannu war ka helno, hase-yeeshee noomay suuragelin inaannu wax war ah dhankooda ka helno, ka dib markii aannu la kulannay taleefannadooda gacanta oo xidhan ama demsan. Balse, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ammaanka oo aannu la xidhiidhnay, ayaa sheegay inuu warkaasi jiro, isla markaana Gabadhaas iyo Meydka ilmaha la jarjaray-ba loo qaaday Xarunta Laanta Baadhista Dembiyada C.I.D-da ee magaalada Hargeysa oo ay Haweenaydaasina ku xidhan tahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

Madaxweyne Shaqada Ka Caydhiyey Wasiirro Cudurka EBOLAHA Ka Cararay

Monrovia:Aug,28,2014(Himilo)-Madaxweynaha Dalka Cudurka Ebola Aafaayeeyey Ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf ayaa xilkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Agaasimayaal la sheegay inay dalka banaankiisa ku maqan yihiin.

srleeMadaxda xilalka laga qaaday oo ay ku jiraan wasiir kuxigeeno ayaa ka dhego adeygay amar kasoo baxay madaxtooyada Liberia todobaadkii hore oo loo sheegay in dhamaan Golaha wasiirada dalkaasi ee dibada ku maqan inay iska soo xaadiriyaan caasimada wadankooda ee Monrovia.

Mas’uuliyiinta baxsaday ayaa la sheegay inay dalka dibadiisa u carareen iyagoo ka cabsi qaba in uu ku dhaco cudurka EBOLA.

Madaxweynaha Liberia ayaa sheegtay in loo baahan yahay dhamaan mas’uuliyiinta Xukuumada ay ka qeyb qaataan la dagaalanka cudurkan oo faro xun ku haya xiligan wadamada Galbeedka Afrika.

Dowlada Liberia ayaa hore u xidhay xaduudaheeda isla markaana xayiraad saartay xaafadaha laga helay cudurkan, si looga tago in cudurkaasi inuu kusii faafo wadanka.

Dalalka Afrikaanka qaarkood ayaa jaray duulimaadyadii tagi jiray wadamada uu cudurkan uu saameyey gaar ahaan Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.

 

Himilo Media

 

Siyaasi Miisaan Culus ku lahaa Waddani oo iska Casilay Xubinimadii iyo Xil uu ka hayey Xisbiga

Hargeysa, 28 August, 2014 (Himilo)- Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii iyo xubinimadii uu ka hayey xisbigaas oo muddooyinkii u dambeeyey uu ka mid ah xubnaha udub-dhexaadka u ah Xisbiga.
DR FADALSida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Dr Fadal waxa uu is-casilaaddiisa ku shaaciyey qoraal uu u gudbiyey madaxda xisbiga, waxa uu is-casilaaddiisa ku sababeeyey inay la xidhiidho Arrimo shakhsi ah oo uu xusay inay saamayn ku yeesheen hawlihii iyo masuuliyaddii uu xisbiga u hayay. Balse waxa uu meesha ka saaray inay jiraan wax khilaaf ah oo uu shaqada iyo xubinimada xisbiga uga tagay.
Dhinaca kale, Dr Maxamed Cismaan Fadal oo aanu dhankiisa isku daynay inaanu la xidhno si aanu wax uga weydiinno sababaha wakhtigan ku soo beegay inu iska casilo xubinimadii iyo xilkii uu ka hayey xisbiga, nooma suurta-galin inaanu helno ka dib markii uu naga qaban-waayey Telefonkiisa oo aanu ka wacnay.
Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa ka mid ah siyaasiyiiinta Xisbiga ugu cad-cad dhinaca mucaaraddada ee inta badan ka hadli kari dhaliilaha xukuumadda, haseyeeshee lama garanayo nooca shaqada ka mashquulisay hawlihi uu xisbiga ka qabanayey, inuu noqon doono siyaasi madax-bannaan iyo inuu isaga baxo saaxadda siyaasadda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

Dawladda Jabuuti oo Xorriyaddooda u celiysay Wadaaddo 18 bilood Xabsiga ugu jiray Fekerkooda siyaasadeed

Djibouti, 28 August, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Jabuuti, ayaa shalay xabsiga ka sii daysay saddex wadaad oo sannadkii hore loo xidh-xidhay taageero ay u muujiyeen xisbiyada mucaaradka oo taageerayaashoodu kacdoono lagaga soo horjeedo natiijada doorashooyin ka dhacay sannadkii hore ka dhigeen magaalo-madaxda Jabuuti.
Saddex wadaad ee shalay xabsiga laga sii daayey oo magacyadoodu kala yihiin Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir, Sheekh Cabdiraxmaan Barkhad iyo Sheek Giire Maydal, waxa xabsiga hortiisa ku sugayey isla markaana ku soo dhaweeyey taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka dalka oo shalay gelinkii dambe damaashaad iyo fantasiye ka dhigayey shaaracyada magaalada Jabuuti.
JbuiMa jiro wax war oo ka soo baxay dawladda Jabuuti oo ku saabsan sii deynta saddexda wadaad, haseyeeshee Sheekh Cabdiraxmaan Barkhad, Sheekh Giirre iyo Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo hore loogu xukumay midkiisa saddex sannadood oo xadhig ah, ayaa xabsiga magaalada Jabuuti ku jiray muddo 18 bilood ah.
Taageerayaasha Mucaaradka ee soo dhaweeyey waddaada la sii daayey, waxa ka mid ahaa Masuuliyiin hore xilal uga soo qabatay xukuumadda madaxweyne Cismaan Cumar Geelle, kuwaas oo ka mid yahay Wasiirkii hore ee Diinta Sheekh Xaamud Suldaan.
Wadaaddadani oo markii shalay la soo hadlay la hadlay dadweynihii soo dhaweeyey, ayaa xadhiggooda ku micneeyey mid salka ku haya aar-goosi siyaasadeed oo lagaga aar-goosanayey aragtidooda siyaasadeed.
Natiijada Doorashooyin badhtamaha sannadkii hore ka dhacday dalka Jabuuti, ayaa sababay bannaan-baxyo ay magaalo-madaxda Jabuuti ka dhigeen taageerayaal ka tirsan xisbiyada mucaaradka oo xukuumadda Madaxweyne Geelle iyo is-bahaysiga talada haya ku eedeeyey wax-is-daba-marin lagu sameeyey doorashada, arrintaas oo sababtay in xabsiga loo taxaabo siyaasiyiin, wadaaddo iyo taageerayaal bannaan-baxyo ay natiijada doorashada ku diiddan yihiin ka dhigay caasimadda Jabuuti, kuwaas oo saddexda wadaad ee shalay xoriyaddooda loo celiyey ka mid ahaayeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

Dawladda Jarmalka oo Maal-gelinaysa Mashruuc Beeralayda loogu faa’idaynayo oo Saamayn ku yeelanaya Biyaha Geed-deeble

Wasaaradda Beeraha iyo Wefti ka socda Baanka Horumarinta Jarmalka oo Indhahooda
ku soo Arkay Khasaare Baaxad leh oo gaadhay Dhul-beereed ka tirsan gobolka Gabiley

Hargeysa, 28 August, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole oo ay weheliyeen Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Baanka Horumarinta dawladda Jarmalka (KFG) iyo hay’adda GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka, ayaa shalay indhahooda ku soo arkay nabaad-guur iyo Khasaare baaxad leh oo fatahaada daadadku u geysteen Dhul-beereed ku yaala deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley.
Dhul-beereedka Wasiirka iyo Weftiga ka socday dawladda Jarmalku kormeerka ku mareen, ayaa ku yaalla deegaan ka tirsan degmada Alleybaday ee gobolka Gabiley, gaar ahaan deegaan u dhexeeya ama ay ku kala bad-dhaan labada Doox oo Waaheen iyo Biji oo xilliyada roobabka ay daadad fara-badan oo beeralayda waxyeello gaadhsiiya ka soo rogmadaan.
IMG_1603Wasaaradda Beeraha Somaliland oo kaashanaysa Bangiga horumarinta dawladda Jarmalka iyo hay’adda GIZ, ayaa qorshaynaysa sidii biyo-qabatin loogu samayn lahaa dooxyada si looga hortago burbur ay fatahaadaha daadku gaadhsiiyaan dhul-beereedka deegaankaas oo ka mid ah meelaha wax-soo-saarka dalaggu ugu badan yahay Somaliland
Wasiirka iyo weftiga wehelinayey waxa ay socdaalkooda ugu kuur-galeen xaaladda dhul-beereedka deegaan hoos yimaadda degmada Alleybaday, halkaas oo ay indhahooda khasaare isugu jira dil-dillaac iyo laago fatahaadaha daadadku u geysteen dhul-beereedka deegaankaa oo dhex yaalla dooxyada Waaheen iyo Biji, halkaas oo la qorsheeyey isla markaana uu wasiirku u soo bandhigay weftiga ka socday Jarmalka maalgelinta mashruuc biyo-qabatin ah oo lagu karantiimaynayo carro-guurka isla markaana lagu waraabiyo beeraha.
Wasiir Geedoole oo hadal kooban ka jeediyey goobta ay kormeerka ku sameeyeen, ayaa sheegay in waxtarka mashruucani u yeelanayo beeralayda ka sokow, ay suurta-gal tahay inay kordhaan biyaha Geed-deeble, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Halkan aynu ku suganahay waa halka ay ku kala baydhaan togagga Waaheen iyo Biji, waxaanu rajaynaa in dhulka biyaha la xidho oo ay nagala shaqeyaan Jarmalku si beerahan go’aya ay u badbaadiyaan oo biyihii loogu qabto beeraha ayna u suurto gasho in Geedeeble ay biyihii kor u kacaan oo ay soo kordhaan, waana mashruuc biyo qabad ah waa mashruuc wax weyn u tari doona Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Somaliland Prof Faarax Geedoole.
Thomas Herzberg oo ka socday Baanka horumarinta Jarmalka ee KFW iyo Axmed Cabdilaahi oo ka socday hay’adda Jarmalka ee GIZ oo iyaguna ka hadlay goobta, ayaa ka markhaati kacay khasaaraha daadadku u geysteen dhul-beereedka, iyaga oo sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan mashruuca lagu hirgelinayo biyo qabatinka iyo ka-hortagista nabaad guurka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland