
“Xingalool shir ayaa laga abaabulayaa, walina ma furmin waxaana la odhanayaa shir marka ajandihiisa la ogaado oo uu soo baxo lana furo albaabada oo la yidhaa ergadii way soo dhamaatay, taas ayeynu u naqaana shir, hadda waxa lagu jiraa abaabulka shirka muddo badana wuu socday, shirkuna maaha shir siyaasadeed ee waa shir beeleed, waana shir ay qabsanayaan beesha degta bariga Sanaag, dibadana aniga ayaa bari dhawayd ka imid oo la socda isla markaana wax diyaar u ah oo shandaduhu u xidh xidhan yihiin maan arag.”
Wasiir Cadami waxa kale oo uu sheegay in shirkan laga abaabulayo Xiin-Galool inaanu xidhiidh la leeyahay shirkii dhawaan ka qabsoomay Saax-dheer, waxaanu yidhi:- “Wakhti dhaw ayuu soo dhamaystirmayaa shirkaasi wakhti dhaw ayaanu shirku bilaabmayaa oo la soo saarayaa shirka si ay meesha uga baxdo wararka ku tidhi ku teenka ah, Anigu intaan ogahay wax cabsi ah oo aanu shirkaas ka qabnaa ma jirto, halka lagu dhereriyey ee fog ee Khaatumo waxaan odhan lahaa dadka ha maqashiinina magacyadaas maba yaqaanaane, shirkaasi waa shir dhaqameed wixii beeshaas horumar ah ee ay tabanayaan ayey ka shaqaynayaan, wixii ka soo baxaana waa wax danahooda gaarka ah laakiin wax la xidhiidha maamul madax banaan oo ay samaysanayaan oo u gaar ah ma ogi, waxaanan is leeyahay cid iiga war roon warkaasi ma jiro.”ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment