
Wasiirka Caafimaad iyo wefti ka kooban hay’adaha kala shaqeeya dhinaca horumarinta adeegyada bulshada ee caafimaadku ka mid yahay oo deegaamo hoos-yimaadda degmada Xuddun ka fulinayey mashaariic horumarineed, ayaa gaadhay tuulada Lafa-weyne oo ka tirsan degmada Xuddun. Tuulada Lafa-weyne Markii ay gaadheen waxa halkaas ku qaabiley oo weftiga Wasiirka Sooryo ugu sameeyey La-taliyaha madaxweynaha ee gobollada Bari Fu’aad Aadan Cadde oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa deegaankaas, waxaanay labada masuul halkaas ku yeesheen kulan gaar ah oo ay is-afgarad ku yeesheen, sida ay tibaaxeen ilo-wareedyo Himilo u xaqiijiyey inuu Fu’aad Aadan Cadde ku qancay soo-jeedimo wasiirku u jeediyey.

Sidoo kale, La-taliye Fu’aad Aadan Cadde, ayaa isaguna kulankaas ka hadlay oo sheegay inay wax wanaagsan tahay inay Hay’adihii 23-ka sano ka baqayey gobollada Bari inay maanta ka hawlgalayaan gobolka Xaysimo (Taleex). “Wasiirku aad iyo aad buu u mahadsan yahay, Cusbitaalka Qaaxada ee degmada Xuddun ee uu dhagax-dhigay ee uu ballan-qaaday dhaqso inuu u dhismayo, Xarunta Caafimaad ee aadka loogu baahnaa ee uu hadda (shalay) ka dhagax-dhigay Lafa-weyne, waxa ka sii wanaagsan Hay’adihii 23-ka sannadood odhan jiray Bari waa la isku cunaa oo la tegi maayo kuwoodii ugu muhiimsanaa inay maanta Bari joogaan.” Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.
Weftiga Wasiir Xagla-toosiye oo shalay gelinkii dambe soo gaadhay magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar oo uu weheliyo Fu’aad Aadan Cadde, ayaa xalay ku soo guryo-hoyday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo la filayho inay maalinta Berri ah ka soo amba-baxaan soo gaadhaan magaalada Hargeysa.
Illaa hadda si rasmi ah uma caddayn nooca tabashada siyaasadeed ee uu qabo ama uu tirsanayo Fu’aad Aadan Cadde, waxaanu socdaalka ay maanta isaga iyo Wasiir Xagla-toosiye ku imanayaan Hargeysa meesha ka saaray dareenkii iyo shakigii laga qabay inuu dhinaca Puntland u wareego oo si aad ah loo hadal hayey saddexdii toddobaad ee u dambeeyey. Ka dib markii uu Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya uu iska dhiibay Wasiirkii hore ee wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo ah siyaasi ruug-caddaa ah ay isku-deegaan ka soo jeedaan Fu’aad Aadan Cadde, kaas oo xilliga uu ka goostay Somaliland ahaa La-taliye dhinaca doorashooyinka u qaabilsan Madaxweyne Siilaanyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment