Dabaaley, 28 Augus, 2014 (Himilo)- Ugu yaraan Saddex Ruux ayaa Macaluul, Gaajo iyo Haraad ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya oo Abaaro baahsani ka jireen bilihii u dambeeyey, isla markaana waxa laga cabsi qabaa in tiro kale oo dad ah ay dhibaatadaas Oonka iyo Gaajadu ku dilaan deegaannadaas oo ay Xoolihi ka dhammaadeen, isla markaana Barakac ka socdo.
Saddexda qof ee Macaluusha iyo Gaajada ugu naf-waayey Gedo, ayaa waxay ku noolaayeen deegaanka Dabaaley oo ku dhow degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Guddoomiyaha deegaanka Dabaaley, Sabriye Rashiid Xaaji ayaa sheegay in saddexda qof ee dhintay ay kasoo jeedeen hal qoys oo keliya, isagoo xusay inay saddexdan qof dhinteen toddobaadkan.
“Qoyska ay kasoo jeedeen saddexdan qof waxaa ka dhammaaday Xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd abaaraha jira awgood, waayo? Gobolkani wuxuu ka mid yahay gobollada ay Abaaruhu sida ba’an ugu dhufteen sannadkan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Gedo Sabriye Rashii oo isagoo ku sugan Deegaanka Dabaaley oo 15-km u jira Garbahaarey. Waxaanu intaas ku laray in saddexda qof ee ku dhintay Dabaaley toddobaadkan ay kala ahaayeen laba qof oo waaweyn iyo cunug lix jir ahaa.
Tiro dad ah oo u badan Carruur, ayaa la sheegay inay Abaaraha ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka u geeriyoodeen Gaajo iyo Macluul daran oo soo wajahday, iyadoo toddobaadkii hore ay shan Carruur ah Gaajo ugu dhinteen degmada Buurdhuubo ee isla gobolka Gedo oo ay go’doomin ku hayso Al-shabaab muddo bilo ah.
Deegaannada Miyiga ah ayaa waxaa ku yaraaday Biyaha la cabbo, taasoo loo sababeynayo Abaaraha ka jira deegaannadaas. Iyadoo gobollo ay ka mid yihiin Jubbooyinka ay ka tageen Ugaadhii ku noolayd Abaaraha awgood uga tageen, iyagoo u jiheystay gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.
Idaacadda Qaramada Midoobay ee Ergo oo ka hadasha xaaladaha Bani’aadamnimada ayaa Werisay in Barmiilkii Biyaha ah uu ka joogo Miyaga gobolka Gedo Lacag u dhexeysa 50,000 illaa 140,000 oo shillinka Soomaaliga ah. Qoysaska Beeraleyda ah ee ku nool gobollada Soomaaliya ee ay Abaaruhu ku dhufteen, ayaa qarka u saaran Macluul, ka dib markii ay yaraadeen Biyaha, isla markaana goobihii Biyaha lagu kaydsan jiray ay Biyuhu kasii dhammaanayaan.
Qaramada Midoobay, ayaa dhawaan sheegtay in khatar weyn oo nolosha ah ay kasoo fool-leedahay deegaannada ay Abaaruhu ku dhufteen ee Soomaaliya, iyadoo dawladduna ay ku baaqday in la caawiyo dadka deegaannadaas ku nool oo ay iyadu sheegtay inay guud ahaan Deegaannada ay Abaaruhu ka jiraan ee guud ahaan dalka Soomaaliya kaga qayb-qaadanayso Shan Boqol oo Kun oo Doollarka Maraykanka ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment