
Marwadda madaxweynaha Aamino-Weris Sh. Maxamed Jire oo ka hadashay munaasibadda xadhigga lagaga jaray labada waddo, ayaa ka markhaati kacday dhibaatada ay dadweynaha iyo gaadiidku ka mudan jireen waddooyinka la dhisay, iyada oo sheegtay inay inay wakhtiyo badan martay waddooyinkan isla markaana ay aragtay sida ay rafka u ahayd iyo sida aan loo mari Karin jarin, waxaanay uga mahad naqday dawladda hoose iyo guddida xaafadda ee gacanta weyn ka gaystay hirgalinta waddooyinkan.
“Waddadani iguma cusba oo in badan ayaan mari jiray, runtii waa waddo aad ii farxad galisay Illaahay baa mahada iska leh, dadka hawsha inteeddda badani ku dhacday gaar ahaan dadkii xaafadda iyo dawladda hoosaba aad bay u mahadsanyihin,”ayey tidhi marwadda madaxweynaha Aamino Weris.
Maayar Soltelko oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Siyaasadda xukuumadda ee madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo qaatay sannadkan ee ah sidii waddooyinka loo horumarin lahaa ayuu mashruucani ka mid yahay. Waa dadaalkaa madaxweynuhu kowga inoogu yahay ayeynu hawsheedda wadda qabanaynay, waana kaabaayaashii dhaqaalaha, marka waddo la helo ayuu dhaqaaluhuna kor u kacaa, imika sakadaasi way ka duwan tahay markii hore ee ay bila wadadda ahayd, waxa iyaduna wadadan ka dambeeya garoonkii kubadda cagta oo aanu ka balansanahay guddida dhalinayrada si aanu wax uga qabano.”
Labadan Waddo ee kala ah mid ay Baabuurta Jabuuti maraan iyo mid kale oo ka gudubtay waddada boqol iyo kontonka oo bulshada xaafadahaas ku dhaqani baahi weyn u qabeen, waxa kale oo munaasibadda xadhig ka jarista ka qayb-galay xoghayaha dawladda hoose, xildhibaannadda golaha deegaanka Caasimadda iyo marti sharaf kale.
Dhinaca kale, Marwada Madaxweynaha iyo Maayarka Hargeysa waxa ay si wada-jira ah shalay u dhagax-dhigeen xarun loogu talo-galay daryeelka Carruurta Agoomaha ah oo lagu hirgelinayo deegaanka Xeedho ee duleedka Woqooyi-galbeedka magaalada Hargeysa. Waxaana dhismaha Xaruntan maal-gelintiisa bixinaya Masaajid ku yaala waddanka Kuweyt.
Munaasibadda lagu dhagax dhigayey goobta loogu tala galay daryeelka iyo xanaanaynta carruurta agoonta, waxa kaka qayb galay marwada madaxweynaha Somaliland iyo Maayarka caasimada Hargeysa, madaxda hay’adda fulinaysa dhismaha xarunta ee daryeelka Agoomaha ee Al Najax, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimadda, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa ugu baaqay dadka beeraha leh inay iska gooyaan dhulka danta guud ah ee laga dhiso waxyaabaha ay dadku wadaagaan waxaanu yidhi, “Dhulka danta guud ee ah ee xukuumaddu ka goyso dhulka ay dadku leeyihiin waxa loogu tallo galay in laga dhiso waxyaabaha danta guud ah sida dugsiyadii, garoomadii, sariibadihii, saldhigyada booliska, istaanadii basaska, dadweynahana waxaan leeyahay waa inaad bixisaan intii laydinku yidhi bixiya si loogu hir geliyo hawlahaasi, agoomaha inaynu aad ugu naxariisano weeyaan, waxaana imika socda mashruucii hore oo ay maal gelinayso dawlada Kuwait kaas oo laga dhisayo bariga magaalada Hargeysa.”
Marwada madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jirde ayaa iyaduna sheegtay inay garab taagan yihiin wax u qabashada carruurta agoonta ah, waxaanay ka war bixisay waxyaalihii ay u qabteen xarumaha agoomaha ee dalka. “Waxaan qirayaa intii dawladdani timi inaynu aad ugu soo jeedsanay xarumo badan oo agoomaha lagu xanaaneeyo,markii afar sano ka hor ay dawladani waddanka qabsatay wiig ka dib ayaan tagay xarunta agoomaha, waxaana ka muuqatay dayac aad u badan, waxyaalaha aanu u qabanayna waxa ugu muhiimsan inaanu sugnay dhulkii xarumaha agoomaha.”
Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo madax dhaqameed kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey dhismaha xarunta loogu tala galay daryeelka iyo xanaanaynta caruurta agoonta ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment