Wednesday, August 27, 2014

Heshiiskii Garoowe ka qaylisay ee Maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo Guddi loo magacaabay hirgelintiisa

Muqdisho, 27 August, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Guddi 27 Xubnood ka kooban u magacawday Maamul-u-samaynta gobolka dhexe ee Soomaaliya oo heshiiskii lagu gaadhay in lagu dhiso Maamul-goboleedka gobollada dhexe ee Soomaaliya ay hore u qaaddaceen qayb ka mid ah Culimada Ehlu-Sunna Wal-Jameeca iyo Maamul-goboleedka macangagga ah ee Puntland, gobolladaas Maamulka loo dhisayo oo ah gobollada Mudug iyo Gal-guduud.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa War Qoraal ah oo uu soo saaray Salaasadii shalay waxa uu ku sheegay in Guddi Farsamo loo magacaabay Maamul-u-sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud. Waxaana suuragal ah inay Puntland sii xoojiso khilaafka iyo diidmada kaga abuurtay heshiiska lagu gaadhay in Maamulkan cusub lagu dhiso, maaddaama oo diidmadii, khilaafkii iyo fiitoodii ay ka muujisay saxeexii heshiiskaas oo 30-kii bishii inna dhaaftay ka dhacay Muqdisho.
Waxay sida la sheegay Guddigani ka shaqeyn doonaan qaabkii loo dhisi lahaa Maamulka labadan gobol loo dhisayo, sidoo kalena waxay abaabuli doonaan Shirweyne ay isugu imanayaan shacabka gobolladaas ku nool si ay isugu waafaqaan Dhismaha Maamulka ay ku midoobayaan Galguduud iyo Mudug.
30-kii bishii hore ayay ahayd markii xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka lagu saxeexay Heshiiska lagu sheegay in labadaas gobo lee Galguduud iyo Mudug Maamul-goboleedka loogu dhisayo, waxaanay dawladdu sheegtay inuu heshiiskaasi qayb ka yahay hirgelinta Nidaamka Federaalka ah ee Soomaaliya sida uu dhigayo Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah ee Qaranka Soomaaliya.
Hase-yeeshee, Maamul-goboleedka Puntland, ayaa ka soo horjeestay heshiiskaas, kaasoo ku dooday inuu saamaynayo qaybo ka mid ah deegaannada ay Puntland Maamusho. Waxaana sidoo kale, iyagu sheegay inaanay u hoggaansami doonin heshiiskaas qaar ka tirsan Culimada Ehlu-Sunna Wal-Jameeca ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, kuwaasoo qayb ka mid ahina heshiiska wax ka saxeexeen, waxaana soo dhaweeyey heshiiskan Maamul-goboleedka Gal-Mudug, Qaramada Midoobay, Midawga Afrika (AMISOM), dawladda Maraykanka iyo qaar kale oo ka tirsan dawladaha caalamka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment